Boorama-(Lug)-Wixii ka dambeeyay kulankii balaaadhnaa ee tahriibta iyo saamaynteeda lagaga waramayay ayaa waxa aan meesha ka madhnayn in kulankani uu ka tagay raadad muuqda oo ku wajahan sida arintan loo maarayn karo waxana ay dadbadan oo ka faaloonaya arintani ay aragtiyahooda soo gaadhsiinayaan saxaafada.

Prof. Daahir Maxamed Yusuf oo ka hadlaya sida ay isaga la tahay ayaa Lughayanews u sheegay in uu ururkan SAYS ee madashan qabanqaabiyay uu qaaday talaabooyin wacyi galineed oo ku wajahan tahriibta waxana uu dalbay ama soo jeediyay in loo baahan yahay oo ay tahay wax wanaagsan hadii aan hawsha lagu koobin Boorama oo qudha balse meelwalba oo ay tahriibtu saamaysay la gaadhsiiyo.

Sidan oo kale ayay gabi ahaanba waalidiintu yihiin kuwo taageero wayn u hayay sida uu ururkan SAYS isku xilqaamay iyo sida wadaniyada leh ee arimaha tahriibta loo soo ban dhigay, waxase dareen kani ka duwan qaba dhalinyaro badan oo iyagu aaminsan in aanay wacyi galintu  ku filayn wax ka qabashada xiisadan tahriibta.

Wiil dhalinyaro ah oo magaciisa ka gaabsaday ayaa Lughayanews ku yidhi “ waxa ay sameeyeen dhalinyaradan reer SAYS talaabo bilaw uun ah lamina odhan karo waxa ay wax ka qabanaysaa talaabadani  in 100% la dhimo  tahriibta waxa aan SAYS ka codsanlahaa in ay qorshaha ku darsadaan sidii waalidiinta iyo xukuumada iyo hayadaha caalamiga ahba looga dhaadhicinlahaa bal abuurida fursado shaqo iyo rajo soo celin isugu jira oo dhalinta loo abuuro.

Kulankankii shalay ayaa waxa uu noqday mid ku baahay geed iyo goob walba oo ay laba dhalinyaro ahi wada joogto kuwaasi oo ay ka dhex abuurmeen xiisado dood u badan oo ay dhalinyaradu isugu sheegayso bal arintan tahriibta iyo sida loo wajahayo. Waxana ay dhalinyartaasi markii ay Lughayanews booqatay ay ahaayeen kuwo ka qayb galiyay dooda una sheegay in ay xaaladu tahay mid aan sinaba la isaga indho tiri Karin waxana ay qayb dhalinyaradaas ahi carabka ku adkaynayeen hadii aanay shaqo la’aantu sababta u way nee looga yaacayo dalka ahayn maxay ugu badan tahay reer Boorama iyo reer Burcaad oo ay dhalinta reer Hargaysaad u yihiin kuwo dalka wali sii jooga.

Kulankii shalay ayaa waxa kale ee raad reebta ah ee uu ka tagay waxa ay yihiin halkudhigyadii ku qornaa darbiyada goobta kulanka iyo qaybo ka mid ah wadooyinka magaalada kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Dhalinta Maanta iyo Dhibaatada tahriibta, haybad Waxaad Kuleedahay Dhulkaaga Hooyo, Tahriibtu Wado Dhimasho, Jacayl Ha U Qabin Jidka Geerida iyo kuwo kale oo badan.

Sikastaba ha ahaatee waxa ay dadku isku raacsan yihiin in kulankan uu qabtay ururka SAYS uu hordhac u yahay dadaal balaadhan oo loo galo sidii wax looga qaban lahaa xiisada tahriibta dadaaladaas oo noqon doona kuwo ku abtirsada ururkii lahaa qabanqaabadii kulankii ugu horeeyay ee si waji-ka waji ah la isagu hor fadhiisto hadalhaynta iyo gorfaynta xiisada tahriibta ururkaas oo ah Ururka badbaadada Dhalinyarada Somaliland ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan SAYS.

Wariye:-
 Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama