Borama-(Lug)-Xildhibeen  ka tirsan baarlamaanka Soomaaliland laganasoo doortay G/Awdal Xil.Abuubakar Cabdiraxmaan Good ayaa sheegay in wasaaradda xanaanada xooluhu ka jawaabtay codsi kaga yimid dadka xoolodhaqatada ah ee ku nool degaanada buuraleyda ah ee woqooyiga G/Awdal kaddib markii ay halkaasi usoo dirtay dhakhaatir dhinaca xoolaha ah  si ay  xoolaha ku nool degaanadaasi uga daaweeyaan ama uga tallalaan xanuunno ,kala duwanaa oo ay waayadanba lagu sheegayey xoolaha dhulkaasiku nool.

Xoolaha dhaqatada dhulkaasina codsiyo isdabajoog ah xukuumadda  u farayeen xildhbeenada degaanadaasi lagasoo doortay  .Jawaabta ay wasaaradda xooluhu ka bixisay daaweynta xoolaha dhulka miyiga  ah ayaa laga yaabaa inay qaboojiso cadho dadka degaankaasi ka qaadeen markii ay duufaanadu ku dhaceen dhulkaasi oo ay wasaaraddaasi dawooyin iib ah u geysay halkii ay ka eegeyaan daawo loo siiyo xoolaha sii dhimanayey.

Shir jaraaid oo uu Boorama ku qabtay ayaa xildhibeenku  ku sheegay in raashinno kala duwan markii labaad muddo laba toddobaad ah loo qaybiyey dadka ku nool  tuulooyinka iyo degaanada xeebaha woqooyi ee Go bolka,kuwaasoo kala ahaa degaanada hoos yimaadda magaalooyinka Garbodadar,Calixaydh,Gargaara , iyo tuulooyin hoos yimaadda degaanka degmada Baki .

Sida xildhibeenku sheegay degaanadaasi raashinka loo qaybiyey kana mid ah kuwii ay saameeyaan roobabkii barafka watay iyo kuwa abaaro  saameeyeen ayaa raashinkaasi waxa  dalka maraykanka ugasoo diray  muwaadinka reer Gebilay ah Dr.C/laahi Xaashi Abiib waana markii labaad ee u raashinkaasi dadkaasi ugasoo diro woqooyiga Ameerika  isagoo ay sida xildhibeenku sheegay gaadhsiinta dadkaasi uu usoo wakiishay .

Raashinkan ayaa isugu jiray Bariis,daqiiq,boorash,maacuun,iyo  digir.

Dhinaca kale xildhibeenka ayaa shaqaalaha dawladda ee ka hawlgala tuulada soohdinta ah ee Lawyacaddo ku eedeeyey inay dadka musaafirka ah iyo gaadiidka xamuulka ah   ah ee ka imanaya ama tegeya Jabuuti ay farabaas ku hayaan sidaa darteedna loo baahan yahay inay dadkooda dalka u imanaya fasaxa xagaaga  iyo isdhaafsiga ganacsiga ee labada dal ka muujiyaan  dabacsanaan iyo soo dhaweyn balse anay xabsiyo uga samaysan  xafiiyada socdaalka iyo kastamka ku yaalla degmada Saylac.


Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama