Borama-(Lug)-Duqa magaalada Boorama Cabdiraxmaan shide Bile oo uu weheliyo Xildhibaan Maxamed Cabdi Gaafane ayaa maanta si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Boorama, kadib markii uuka soo laabtay safar shaqo oo mudo laba bilood ah uu ugu maqna dalka Ingriiska. Duqa waxa si wayn u soo dhaweeyay dadwayne aad u tiro badan oo uu horkacayay xoghyaha dawlada hoos cabdirasaaq Cali Cismaan iyo Xubno ka tirshan golaha degaanka, ganacsatada dagmada qaarkood, ururada dhalinyarada ee SAYS AYODA SOHURA iyo kuwa kale, iyo dadwayne aad u tiro badan.
Dadwaynahan tirada badan oo Duqa kaga hortagay magaalada Tuli ayaa waxa ay wateen calamo iyo caleemo qoyan oo ay lulayeen waxana ay ku dhawaaqayeen halkudhigyo ay ku muujinayaan in ay si diiran oo niyad sami ah u soo dhawaynayaan Maayirka Cabdiraxmaan Shide Bile.
Duqa oo ay saxaafadu waraysatay ayaa waxa uu ka gabsaday in uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo waxa uu ka keenay dalkii uu hawlaha ugu maqnaa waxana uu tilmaamay in uu fagaare uga sheegi doono bulshada waxana uu uga mahadnaqay dadwaynaha sidii diiranayd ee loogu soo dhaweeyay Boorama.
Duqu wxa kale oo uu Tacsi u diray gabi ahaanba intii ay ka geeriyoodeen dhalinyaradii ay doontu la qaraqantay bishan aynu ku jirno 18keedii waxana uu eebe u baryay in u samir iyo iimaan ka siiyo.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maayarka Boorama Oo Maanta Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback