Hargeysa-(Lug)-Weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo muddo laba cisho ah booqasho ugu maqnaa wadanka Jabuuti ayaa ku soo noqday Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Markii uu waftigu maanta soo gaadhay madaarka Magaalada Hargeysa waxa si diiran ugu soo dhaweeyey Madaxwayne-ku-xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin,qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda, Shir-gudoonadda labada gole, iyo dadwayne aad u faro badan oo lulaayey calanka Somaliland iyo caleemo qoyan islamarkaana ku dhawaaqayey hawl ku dhigyo iyo heeso wadaniya oo ay ku taageersan yihiin xukumadda Madaxwayne Rayaale

Weftigan uu hogaaminaayey Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ee dalka Jabuuti ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo hagaajin lahaa xidhiidhka labada dal ee jaarka ah.

Mudadii uu ku sugnaa waftiga Somaliland Magaaladda Jabuuti, waxaa ay kulamo la yeesheen Madaxwaynaha Jabuuti md Ismaaciil Cumar Geelle, oo ay ka wadda hadleen sidii loo hagaajin lahaa xidhiidhadda labada dawladood ee dhinacayadda ganacsiga, amaanka iyo in ay xafiisyo ka furtaan labada dalba magaalo madaxayadooda

Madaxwayne Rayaale waxa uu halkaa ka sheegay in sarafkani ahaa mid guud ahaantii ku soo dhamaaday guul iyo is-afgarad laga gaadhay, xidhiidhkii aan hore wanaagsanayn ee labadda dal.

Waxaa uu sheegay Madaxwayuhu in wixii intaas dheer ee ku saabsan booqashadda waftigu ku tagay dalka Jabouti, ay xaga dambe ka soo sheegi doonaan wasiiradii ka mid ahaa waftiga.

 

Xigasho Qarannews