(inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun)
 In kasta oo runtii  qadarka iyo qoraaka Alle midna aan la  baajin karin, kolayna ay yihiin  kuwii dhacaya ,ayaa haddana dhacdadii dhawaan waxa ay ahayd mid  tiiraanyo iyo murugo badan, waxay ahayd mid jiildhan oo loo hanwaynaa dad iyo dalba uu meesha ka baxay, haddaba waxa aan tacsi u diraya dhamaan eheladii iyo qaraabadii.
Dhalintii ku nafwaydayna Ilaahay  waxa aan uuga baryayaa in uu janadii ha ka waraabiyo.

Intaas ka dib waxa aan jecelahay in aan maanso gaaban oo Ala bari iyo duco ah  oo dhalintii ku sahabsan aan halkan idiinku soo gudbiyo:

Alla  maanta daranaa
Diihaalku badanaa
Madoobaa daruurtani
Duruuftani cakiranaa
Dacartani qadhaadhaa
Dabayshani siloonaa

Da’yartii dhulkeenii
Awdal doorarkeedii
Dhoolashii dadkeenii
Tiirkii dalkeeniyo
Mulaaxdii dammaankiyo
Doogii baxaayiyo
U bixii miyuu degay
Dalagii miyuu ba’ay
Durdurkii miyuu gudhay
Ilayskii miyuu damay
Laaskii miyuu dumay
Dahabkii miyuu lumay
Duufaan miyuu dhacay

Waxba yaanan dood badin
Dulucdana hareer marin
Murtidana dayaanshee
Maansada dabbaale

Dhacdadii darraad timid
Doontii qarqoontiyo
Jiilkii ku  dabar go’ay
Daa’imow ilaahow
Dadka kii abuurow
Duunyada arsaaqow
Bukaankana  daweeyow
Miskiin kana daryeelow
Daciif kana ilaashow
Daranyada ka dhowroow
Xayawaaka duurkiyo
Dugaagaba   waxsiiyow
Dambigooga dhaafoo
Cadaabtana ka daahoo
Xuurar cayn ku deeqoo
 jannadii dabaalsii

Rabi kii u doortee
darajada mudnaayee
Dadka uu u soo diray
Daacadkii ammiinkii
Dirkiisii ka yeeloo
Xawdkii si daraygii
Durdurkii macaanaa
Jidhku kuu ku diirsaday
Ishu kay ku doogtiyo
Janadii dabaalsii

Daa’imow ilaahow
Di nuurayn cismaaniyo
Jacfarkii da yaarkii
Asadkii dagaalkiyo
Xaqa kii difaaciyo
Diintana  u diririyo
Faadumo dirteedii
Dariiqooga mariyoo
Cadaabtana ka daahoo
Janadana dabaalsii

 

Aamiin, aamiin

 

Khaddar Abdi Khaire
khadarcago@hotmail.com
Dhaka, Bangladesh