Djibouti-(Lug)-Maanta oo bishu tahay 27 juun 2008 waxa guud ahaanba jamhuuriyada jabbuuti laga xusayaa sannadguuradii 31 aad ee kasoo wareegtay marki ayka xoroobeen gumaysigii faransiiska kasaoo waddanka soo galay sannadkii 1884kii wuxuuna hortaba degay magaalada ubukh shan sano kadib bishii oktober1887kii ayuu usoo wareegay magaalada jabbuuti oo u ka dhigatay goob uu ka xakumo dalka oo dhan
Muddo 90 sannadood ah ayuu gumaysanayay jabbuuti inkastoo ay ugu darnayd laga soo bilaabo 1958kii illaa 1977kii waqtiyadaasoo uu aad uxoogeeyay dilka iyo xadhiga uu ku hayay dadka iyo dalkaba ,halgan aad u dheer oo ay soo mareen bulshadu ayaa aakhirkii keentay inuu faransiisku jagaaftiisa ka urursado jamhuuriyadda jabbuuti una ogolaaday inay helaan xorriyad buuxda halgankaasoo ay rag badani usoo dhinteen
Bishii juun 27keedii sannadkii 1977kii ayay jabbuuti ka hoos baxday heeryadii gumaysiga waxana madaxwayne ka noqday allaha unaxariistee Xasan Guuleed Abtidoon waxana uu jagadaasi hayay muddo 23 sannadood ah waxana uu xilka madaxtinimada dhigay sannadkii 2000 xilligaasoo uu jagada ku wareejiyay madaxweynaha imika ee Ismaaciil Cumar Geelle
Munaasibado ,xaflado iyo barnaamijyo ka waramaya taariikhdii jabbuuti iyo dhibaatooyinkii gumysiga ayaa ka socda meelo badan ka tirsan dalka jamhuuriyadda jabbuuti waxana ka qayb qaadanaya madaxda dalka iyo dadwayne aad u farabadan oo kala yimid dibadda iyo gudaha dalkaba hase yeeshee safaraadaha ay jabbuuti ku leedahay dalalka dibadda ayaa iyagu xafladaha calanka waxay qaban qaabiyaan shantii sanoba mar
Sannadguuraha 31aad ee ka soo wareegtay xornimadi jabbuuti ayaa waxay kusoo beegantay xilli ay jabbuuti u diyaar tahay in dagaal la gasho dalka la jaarka ah ee Eratariya kaasoo horraantii bishan lixaad weerar aan gabasho lahayn kusoo qaaday goobta Raasdumayra oo ku taalla gobolka Ubukh una dhaw xuduuda Eratariya
Weriye:
Cilmi Yuusuf Caddawa
Lughayanews


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xuska Sannadguurada 31aad Ee Gobanimada Jabbuuti "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback