axyaa_somaliland11.JPG“32 Ardey oo Kakalayimid 21 Dal oo Afrika iyo Mareykanka ah oo Kadiyaariya Shahaadadda Masterka ee Qeynuunka Jaamacadda Weyn ee Pretoria oo Qirey horumaradda dhinacyada kaladuwanleh ee Somaliland gaadhey & in Somaliland Muteysatey Ictiraaf Caalami ah”
32_ardey_oo_kakaloscda_21_wadan_oo_leh_somaliland_hanoolaato_axyaa_somaliland.JPG
 
South Africa, Seminar maalin soconayey laguna falanqeeyey wadamadda Somaliland, Sieraleone & Rwanda oo ey qabanqaabisey Xarunta Xuquuqul Insaanka ee Jaamacadda Pretoria ayaa kadhacey xarunta isla Jaamacadaasi 24kii June 2008.  Aqoon isweydaarsigan waxaa kasooqeybgaley Macalimiin Jaamacadeed, Aqoonyahano & Khubaro Siyaasin Mareykan ah iyo Afrikaba ah, Jaaliyadda R.Somaliland ee K/Africa bahweynta Saxaafadda xorta ah (TVga SABC Africa oo tebiyey seminarka & Wargeysyo kasookalabaxa S.Africa & Sland), iyo ardey kakalayimid wadamo badan oo Africa iyo America oo kadiyaariya Shahaadada Masterka ee Qeynuunka Xuquuqul Insaanka Jaamacada Pretoria (LLM programme in Human Rights and Democratisation in Africa).
ardeyda_iyo_profesardda_oo_somaliland_jooga.JPG
Simaarka oo sanadwelba waqtigan oo kale kadhaca xarunta Jaamacadda ayaa lagu lafoguraa laguna soobandhigaa waayo aragnimadda ey ardeyda & Profesoradda wehiliya ey kazoo-ururiyaan wadamadda Somaliland, Sieraleone iyo Rwanda oo sanadwelba ey u tagaan in ey daraasad latacaluqda tacadiyadii kadhanka aheyd xuquuqul insaanka iyo xasuuqii ba’naa ee kakaladhacey wadamada ey booqdeen, iyo horumaradda dhinacyada dimuqraadiyadda, xuquuqul insaanka, waxbarashadda, siyaasadda,horumaradda dhaqan dhaqaaleed. “Martin Nsibirwa, maamulaha Barnaamijka oo kusheegey warsaxaafadeed online ah”.
ardeydii.JPG
Sababta ey u doorteen 3dex dan dal ayuu warsaxaafadeedkiisa kutilmaamey Mudane Martin in ey jirto dhowr arimood oo aanu udooraney wadamadan taasi oo ey uguhoreyso tacadiyadii iyo xasuuqii kadhanka aheyd ibni aadanimadda ee kadhacey wadamadaasi, iyo horumaradda dimuqraadiyadeed ee kakalajira wadamadan, dib u dhiska iyo horumaradda kajira siiba Somaliland, dhinacyadda nabadda oo ey tahey arin muhiim u ah ardeyda iyo profesoradda lasocdaba, meel khatar ah wey adagtahey sida macluumaadkan loogasoo ururiyo.

Ardeyda nasiibkaweyn u yeeshey sanadkan in ey booqdaan Somaliland ayaa soobandhigey siqotodheerna u falanqeeyey silsilada sooyaalka taariikheed ee Somaliland lagasoobilaabo 26kii June, 1st July 1960kii ilaa 1988kii iyo tacadiyadii kadhanka ahaa xuquuqul insaanka ee dhegta dhiiga loogudarey inkabadan kontonkun oo qof unabadan dad rayid ah, barakicinta boqolaalkun oo reer Somaliland ah, 1991kii iyo lasoonoqoshadda xornimadda, horumaradda lataabankaro ee dhinacyadda dimuqraadiyadda, xasiloonidda aadmeelkasta iyo waqtikasta aad tegikartid meesha aad rabtid, dhaqanka iyo sida ey diinta ugu adagyihiin dadweynaha R.Sland, qadiyadda Sland iyo sida ey dadku uguhanweynyihiin Somaliland xataa hadii aan la ictiraafin, “HADII AAN CAALAMKU NA ICTIRAAFIN, ANAGAA IS ICTIRAAFNEY”, ayaa kamid aheyd sawiradda ey soobandhigeen, adeegyadda bulshadda, tayadda waxbarashada iyo jamacadaha Somaliland oo si ey lamaqsuudeen usoobandhigeen tiradda jaamacadaha iyo iskuulaadka kajira Somaliland,xarunta qeynuunka ee Jaamacadda Hargeysa, siyaasadda iyo dimuqraadiyada kahanoqaadey Somaliland iyo habka xisbiyadda badan, dibu udhiska iyo bilicda magaalooyinka ey booqdeen, dhaqaalaha Somaliland oo koroya, cududa milatari, cadaaladda iyo golaha maxkamadaha Somaliland iyo sida qofkastoo reer Somaliland ahi u ixtiraamo sharciga, qurbajooga R.somaliland iyo doorka ey kaciyaarayaan horumarka Somaliland.
 
Maxsuulka Socdaalka Ardeyda Ee Somaliland.
 
Indho-indheynta iyo daraasadda ey kalakulmeen Somaliland mudadii ey joogeen ayaa guud ahaanba aheyd mid ey kutilmaameen gabogabadii bandhigoodan mid ey lamaqsuudeen dhamaan kasooqeybgalayaasha siminaarku, bandhigyadda 3dexdan dal ayaa umuuqaneysey in Somaliland hadalheynteeda iyo falanqeynteedu kabadnaa 2da wadan ee kale, goobtaasi oo ey ardeydu ey fursad u heleen in ey wareysi siiyaan TVga SABC AFRICA oo tebisey siminaarka, laakiin waxey welwel iyo walaac kamuujiyeen ISTICMAALKA QAADKA iyo sida uu ucuryaaminayo dhaqanka fiican ee kusaleysan diinta Islaamka iyo dhaqaalaha sookoraya ee Somaliland “Qaadku ma halaagbaa mise waa dan guud oo Somaliland leedahey” ayuu leeyahey Mudane Onuora-Oguna A C, oo udhashey Nigeria, wuxuuna tilmaamey in Qaadku yahey Masiibo kuhabsatey dhaqanka fiican iyo dhaqaalaha Somaliland ba.
ardeydii_iyo_profesaradii_booqdey_somaliland_1.JPG
Dhinaca arimaha waxbarashadda waxey tilmaameen inkastoo horumar lataabankaro oo waxbarasheed kajiro Somaliland, waxey muujisey gabadha Wicomb Wilhelmina oo ah gabadh udhalatey K/Africa “waa in kor looqaadaa waxbarashadda gabdhaha oo ey gabdhuhu lagudhiirigeliyaa waxbarashada heerka jaamacada, kaalinweyna waa in ey gabdhuhu kaciyaaraan horumaradda kaladuwan ee Somaliland” ayey tidhi Marwo Wilhelmina.
 
Dhinaca Siyaasadda iyo dastuurka Somaliland, Prof David Padilla, oo mareykan ah dhalasho ahaan, waxna kadhiga jaamacadaha Pretoria iyo mareykanka, ayaa iisheegey in dibu dhaca doorashadda Somaliland ey tahey mid fariin aan fiicneyn udireysa caalamka, waxaa muhiim ah in dastuurka latixgeliyo doorashaduna waqtigeeda dhacdo, waayo caalamku iminka waa xaafad oo kale, dhacdooyinka Somaliland kadhacayaana waxey kamuuqdaan saxaafadda caalamka, markaa doorasho dib loodhigaa dhaawac ayey keenikartaa dhinaca dimuqraadiyada ah, prof Padilla D.
 
Ardeyda iyo profesorada weheliyey waxey wada qireen in Somaliland muteysatey icitiraaf caalami ah, iyadoo iminka ictiraaf aan aheyn kaweyni uu kajiro Somaliland (semi recognition), dadka reer Somaliland waxey natuseen in ey iyagu is ictiraafeen, markaad eegtid haya’adaha caalamiga ah ee Somaliland kahawlgala, nidaamka dimuqraadiyadeed, booqashadda safiiradda & Waziiradda R. Europe, Mareykan, AU (African Union), cilaaqaadka siyaasadeed ee Sland laleedahey Africa iyo aduunkaba, xidhiidhkaada tacliimeed, ganacsi i.w.m ayaa tilmaam unoqoneysa in Somaliland si heer dhexe ah loo ictiraafey,”Prof Padilla D.
 ardeydii_oo_si_muslim_ulabistey.JPG
Gebogabadii waxey ardeyda iyo aqoonyahanadda kuwehilyey socdaalkan ey Somaliland kutageen mahadnaqweyn usoodirayaan dhamaan goobaha ey booqdeen iyo sida diiran ee loogusoodhaweeyey;
 axyaa_somaliland1.JPG
• Jaamacadda Hargeisa  (Macalimiinta & Ardeyda, gaar ahaan Kuliyadda Qeynuunka, waxey xuseen Camiidka Kuliyadda Mudane Mohamoud Xuseen Faarax)
• Wasaaradda Cadaaladda
• Komishanka Xuquuqul Insaanka (National Human Rights Commission)
• Wazaaradda Waxbarashadda
• Wasaaradda Dalxiiska
• Wasaaradda Ganacsiga
• Golaha Guurtida
• Komisionka Wacyigelinta AIDS ka
• UNDP
• Daladda NAGAAD
• Hospitaalka Edna (Adna Maternity Hospital)
• Acadamiyadda Nabada & horumarka (Academic for peace & Development)
• Daladda Ururka dhalinyaradda ee SONYO
• Berbera, Laasgeel, iyo Sheekh
• TVga Hargeisa (Hargeisa Cable TV)
 
Waxey kale oo mahadcelin usoodirayaan dhamaan shacabweynaha Somaliland iyo sida diiran ee ey ugusoodhaweeyeen dalkooda.
 axyaa_somaliland_ardey_madow_ah_jaamacada_unisa.JPG
Ardeyga Reer Somaliland ee kadiyaarinaya LLM Jaamacadda Pretoria, wuxuu isagu usafrey Sieraleone, warbixinadda soosocda ayuu kagaxogwaramidoonaa socdaalkiisaasi iyo wuxuu kalakulmey.
 
Magacyadda Ardeyda Booqdey Somaliland june 2008ka waa sikuwan;
 
Nsibirwa Martin (LLM Programme Manager)
Prof. Padilla D,(visiting academic from USA)
LLM Programme (Accompanying academics from Germany & Portugal)
Wicomb W (South Africa)
Mmbando C.J (Tanzania)
Onuora-Oguno A.C (Nigeria) 
Musarurwa T (Zimbabwe)
Ofei P (Ghana)
Zelezeck S.N (Cameroon)
Padua A (Rwanda)
Dlamini D (Swaziland)
Jere V (Malawi)
Ademola J (Nigeria)
Lesoko M (South Africa)
Nchall B M (Tanzania)
Avwomakpa T (Nigeria)
 
 
Waxaa diyaariyey badi sawiradana qaadey Saeed Furaa,
Weriyaha Haatuf
South Africa
somalilandjournalist@gmail.com