Asalaamucaleykum W.W; Mudanayaal & Marwooyin Jaaliyadda Reer Somaliland ee K/Africa (COSSA), waxey sanadwelba waqtigan oo kalle (26 June), u dabaaldegtaa sanadguuradii kasoowareegtey markii xornimadii uguhoreysey ee Bahweynta Soomaali kuhadashaa ey kaxorowdey mustacmarkii ingiriiska 26kii June 1960.  Sanadkii inadhaafey ee 2007kii waxey jaaliyadu siweyn ugudabaaldageen Magaaloweynta Johannesburg, sanadkana Magaaloweynta Pretoria ayey kadhacdey dabaaldegaasi.
 
Waakan gabaygii uu gabyaagii caanka ahaa ee C/laahi Timocade (Alle haunaxariistee) katiriyey beerta xoriyadda ee Hargeisa;
 
Xafiiska Jaaliyadda Reer Somaliland ee K/Africa.
 
Anigoo sebi uun ahoo
Sita leeb iyo qaansoo
Siigaduun isku aasoo
abo reer ka fogaanoon
Laygu aaminin soofkiyo

Saaca maanta aan joogno
Gabaygu waygu sugnaayee
Haddii aan Sarsarriigo
Ama aan surmaseejo
Amaba aan sixi waayo
Ama aan ka salguuro

Amaba laygu saluugo
Soomaalida i maqlaysaay
I su’aala hadhow
Ilaahaan waxba seegine
Subaciisa Quraankiyo

Sabbaxooyin ku sheegayow
Saciira iyo naciima
Rabbiigii kala seerayow
Markay suurtu dhawaaqdo e
La soo saaro makhluuqa e
Shaqiga iyo saciidka
Maalintaad kala soocdo
Dembigaannu samaynay
Rabbigayow naga saamax

Subciyay oo ka dukeeyaye
Ka siddeetan sebaaney
Calankaannu sugaynaye
Sahankiisa ahaynow
Seermaweydo hillaacdayow
Sagal maanta darroorayoo
Siigadii naga maydhayow
Saq dhexaannu ahayne
Kii soo saaray cadceeddow

Samada kii u ekaaye
xiddigaa mid la siiyayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib Kanna saar
Saahidiinta lslaamka e

Subcisaa Jimcayaashiyo
Sibyaanta iyo haweenku
Calankay Saadinayeenow
Cidina kaanay na Siine

Saatir noogu yaboohayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
Aan siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar
Sallaankii istiqaalkow
Sedadu kay ku xidhnaydow
Sayruukhii Afrikaadow
Saaxirkii kala guurraye

Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar
San-ku-neefle dhammaantii
Khalqiga kii u sinnaayeen
Mid saaxiibla ahayne
Sangalkii iska diidayow
Saaxirkii kala guurraye

Sarreeyow ma-nusqaamow
Aan siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar
Soomaloo iscunaysa oo
Saqda qaylo dhawaaqdiyo
Sulub laysu cabbaystiyo
Hadba soof la xabbaadhiyo
Saraayaa dami weydey
Kii laydhiisu na saaqdayow

Kii sadqeeyey qabaa’ile
Isu saaray gacmaa ee
Saf walaala ka yeelayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamowAn siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar

The Community of Somaliland in Southern Africa (COSSA)
<cossah@gmail.com>