Borama-(Lug)-Magaalada Boorama ayaa markii ugu horresyay muddo 48 sannadood laga xusin  xornimadii laga qaatay gumaysigii ingiriiska  ee 1960kii ,kuna beegnayd 26kii June

Munaasabaddan  lagu muujin jiray waddaninimada iyo nacaybka gumaysiga nooc kastuu yahayba ayaa   sannadahaasi badan Boorama laga arki jiray dhaqdhaqaaq ama xaflado lagu muujinayo sidii qiimaha maalintaasi u leedahay reer Soomaaliland iyo reer Awdalba ,waxana inta badan munaasabadahan lagaga sheekayn jiray taaiikhdii loosoo maray xornimada Soomaaliland  oo lagu xusi jiray geesiyaashii ,aqoonyahanadii iyo siyaasiyiintii  xornimadaasi dhaliyey aakhirataankii .

Weligeed Boorama kama dhicin maalintaasi oo la mid ah mid ah maalmaha kale  ee caadiga ah  ,iyadoo xitaa la xusi jiray  maalmihii xitaa ay dhacday xukuumaddii milatariga ahayd ,ama gobolkani anu lahayn maamul hagaagsan  kaddib markii uu meesha ka baxay maamulkii Siyaad Barre kii Soomaalilandna aanu soo gaadhin ,iyadoo ilawshaha maalintan ee reer Boorama ,dawlad iyo shacabba muujinayso sida  ay usii yaraanayso waddaninimadii ay  ku sheegan jireen inay qayb libaax kasoo qaateen  halgankii dalka lagaga eryey gumaysii ingriiska .

Ilawshaha maalintan , ama diidmada in la xuso  ayaa dadka qaarkii sheegeen inaan maamulka gobolka lasoo farin  xuska maalintan inay qabtaan ,ama lagu wargeliyey in xuska keliya ee la xusi karaa 18ka May ,maalintaasoo reer Boorama  Xukuumadda Rayaale horteed u haysteen  maalintii SNM   qabsatay gobolkooda ,  qiimo caynkaas ahna aanay siin jirin balse maanta  ay ku bedesheen maalintii gobannimada Soomaaliland .

Inkastoo aanay jirin warar sidaa usii muhiim ah ,ama xaflado sidaa usii  aaweyn oo gobolada kale ee Soomaaliland loogu qabtay xuska malintan qiimahah leh,balse sida ay sheegeyeen  wararka la xidhiidha ammuurtaasi ee ka imanaya caasimadda ,waxa la sheegeya in xafado yaryar lagu qabtay huteello hoostood ,fanaaniin  maalintaasi   xusi lahaydna  ay garaaceen ciidamada madaxtooyadu ,tasoo mujinaysa  sida loo illoobay maalintii aasaaska u hayad Soomaaliland ,oo haddii anay jirin 26ka Juun Soomaaliland anay maanta jirteen Daahir Rayaalena aanu  u noqdeen Madaxweynaha Soomaaliland  ..   

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama