Balligubadle-(Lug)-xafladii iyo dabaaldeggii lagu gardaadinaayey gobolka dhowaan madaxweynaha Somaliland magacaabay ee Hawd ayaa ilaa saaka ka soconaysay magaalo madaxda gobolka ee Balli gubadle.
Munaasabaddan oo ay ka soo qayb galeen wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yasiin iyo wasiiro badan oo ka socda xukuumada, golaha wakiilada, golaha gurtida, asxaabta qaranka, waxgaradka iyo ururada bulshada. waxa kale oo ka soo qayb galay dadweyne aad u farobadan oo kala yimi caasimadda hargeysa iyo nawaxigeeda iyo gobollada dalka.
Munaasibaddan oo ay dadweynaha reer Balligubadle aad u soo qaban qaabiyeen oo ku soo bandhigeen waxyaabo aad u faro badan oo ka turjumaya muhiimadda gobolka hadday tahay xagga dhaqaalaha, beeraha iyo xoolaha nool ba oo gobolkani hodan ku yahay ayaan faaf-faahinteeda iyo warbixin ku saabsan siday u dhacday xafladdaas lagu gardaadinaayey gobolka hawd waxaa soo gudbin doona Tifaf tiraha Qaran news iyo shaqaala qaran news oo hadda ku sugan goobta ay ka dhacayso xafladdu ee magalada Balligubadle.
Source Qarannews


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xafladdii Gobolka Hawd Lagu Gardaadinaayey Oo Hadda Ka Socota Magaalada Balligubadle "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback