Boorama-(Lug)-Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Sh. Cabdilaahi Cige iyo qaar ka mid ah saamileyda Shirkada Adeega Biyaha Awdal ee SHABA iyo xildhibaano ka tirsan golaha degaanka eedegmada Boorama ayaa maanta qabtay shiraa’id oo ay kaga waramayaan xaalada biyo la’aanta ah ee ka jirta magaalada Boorma maalmahan dambe. Shirkaasi jaraa’id ayaa waxa kale oo ay kaga warbixiyeen caqabado badan oo ay sheegeen in ay ku soo fooleeyihiin biyaha magaalada Boorama, kuwaas oo ay xuseen in hadii aanan la iskakaashan ay noqon karaan kuwo magaalada dhaxalsiiya Biyo la’aan mustaqbalka ah.
Gudoomiyaha Saamilayda SHABA Md. Maxamed Nuur Faahiye ayaa mar uu ka waramayay xaalada biyaha ee maalmandambe waxa uu qirtay in ay jiro biyo la’aan xoogani. Waxase oo si toos ah isaga duway dhaliilaha ka soo yeedhaya dadbadan oo reer Boorama ah waxana uu yidhi “ Biyo la’aanta jirta sababaha keenay inta gacanta ku haysa ayaa og waxaanan maanta isugu keen yeedhanay in aan idiinka warano sida ay waxa u jiraan”. Isaga oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu Gudoomiyuhu ka warbixiyay sababaha keenay biyo yaraantan waxana uu yidhi “ sida ku cad shaxdan waxa ka muuqda inta saacadood ee aan shaqayno iyo kolba inta aan biyo soo saarno, waana marag madoon in mishiinada shirkadu ay shaqeeyaan 24kii saacba oo ay soo saareen kolba intii ay soo saari karayeen ee biyo ah oo ugu badnaan ah 8,000 oo m3. gudoomiyuhu waxa kale oo uu ka waramay in ay jirto siyaabo arintan loo wajihi karo waxana uu ka dhawaajiyay in kaydka biyaha ee dhulka hoostiisa ahi ay kolba sii yaraanayaan oo ay qiyaastii sanadkiiba 4m hoos u dhacaan waxana uu yidhi “ Xalku waxa uu ku jiraa in la helo balayo kale oo kayd hoose ah si loo daboolo baahida jirta,
Gudoomiyuhu waxa uu Qaylo-dhaan u diray gabi ahaanba daneeyayaasha biyaha ee awdal waxana uu ugu baaqay in dhibtan soo fooda leh wax laga qabto. Waxana uu tilmaamay in ay hayada UNICEF la kaashadeen fulinta sahan biyood lagu guulaystay oo lagu ogaaday in agagaarka degaanada Afraaga oo ay dawlada Kuwait hore uga qoday ceel laga helay balayo ceegaaga oo biyo ah balse loo baahan yahay in laga fikiro sidii loo soo gaadhsiin lahaa magalada Booama. Waxa uu Gudoomiyuhu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay “ waxa aan nahay wiilashii aad shalay amaanayeen ee aad u ducaynayseen waxbana iskama kaaya badalin ee nagu kalsoonaada noona sii duceeya.
Badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Sh. Cabdilaahi Cige oo isaguna ka hadlay madashaas ayaa waxa uu qiray in ay jirto biyo la’aantu waxana uu ugu baaqay gabi ahaanba hayadaha caalamiga ah, kuwa wadaniga ah iyo xukuumadaba in indhaha loo furo xaaladaha biyo la’aanta ah ee jira isla markaana gacan laga gaysto sahminta illo kale oo biyood iyo wax ka qabashada maalgalinta ceelal cusuba. Badhasaabku waxa uu didniin kulul u seejeediyay dad la sheegay in ay biyo badan dhexda u jeegsadeen oo ay dib uga ganacsadeen waxana uu yidhi “ Kuwa isku dayay in ay duruufaha jira ka faa’iidaystaan iyaga oo biyaha barkado ku shubanaya kana sii macaashaya waxaan uga digaynaa falalka noocan oo kale ah waxaanan leenahay cidwalba oo lagu qabto sharciga ayaa lala tiigsan doonaa.
Badhasaabku waxa kale oo shirkada SHABA iyo masuuliyiinyteedaba ka dalbaday in ay dadajiyaan dadaalada ay wadaan waxana uu yidhi “Biyo la’aanta waa laga dareemayay guri walba dadkuna ma garanayaan badhasaab, maayar iyo cid kaleba waxa kaliya ee ay biyo ay cabaan ka rabaan waa SHABA ee dadaalka ha la kordhiyo”.
Suxufiyiintii madashaasi joogtay ayaa waxa ay masuuliyiinta SHABA waydiiyeen su’aalo badan oo ku wajahan xiisadan biyo la’aanta ah ee aloosaan.mar wax laga waydiiyay bal sida ay wax uga jiraan wararka sheegaya in ay biyo la’aantan ugu wacan tahay shidaalka kor u kacay isla markaana ay shirkadu damacsan tahay in ay qiimaha biyaha kordhisa aya waxa ay ku gacan saydheen in ay wax qiimo kordhin ah samaynayaan sidoo kale waxa ay tilmaameen in ay qiimaha biyaha goyso dawlada hoose, SHABA-na ay ka ganacsato biyo kuwaasi oo ah noloshii oo dhan isla markaana aanay jirin wax ay dib u dhigteen oo ay hagradeeni, sidoo kale waxa ay meesha ka saareen in ay waxa saamayn ah ku leeyihiin biyo la’aantan sicirka shidaalka ee kordhay.
Sidoo kale mar wax laga waydiiyay in ay jirto maamulxumo dabar ku noqotay hawlihii socday ayaa waxa ay tilmaameen in maamulka shirkada ee Jooga maantu uu yahay maamulkii hore u joogayay ee ay dadku sida wayn ugu hambalyeeyeen waxyaabihii hormarka lahaa ee ay ka muujiyeen biyaha Boorama waxana ay sidoo kale tilmaameen in biyuhu ay yihiin kuwo maalinwalba loo qaybiyo sidii ugu saraysay balse ay baahidu ka timi yaraasho dhinaca deegaankii biyaha ee kaydka ahaa ah oo aanan loo anayn karayn ama aanan lagu magacaabi Karin arintan maamulxumo.
Mar la waydiiyay waxa hortaagan in ay shicibku maalgaliyan sahminta iyo soo saarida biyo hor leh aya waxa ay mar kale bulshada dib u xasuusiyeen in uu heshiiskii ay biyaha kula wareegeen uu dhigayay in wax walba oo maalgalin ah ay samaynkarto oo kaliya dawlada dhexe, sidookale SHABA ay ka masuultahay oo kaliya maamulka biyaha, waxana ay arinta ku tilmaameen mid u baahan in si wayn loo darso hadii loo baahdo in shicibka maalgalinta iyo qodaalka ceelasha lagu wareejiyo.
Ugu dambayntii waxa ay maamulayaasha shirkada SHABA si wada jir ah ugu baaqeen intii uu u dhexeeyay heshiiskii biyaha iyo gabi ahaanba hayadaha caalamiga ahba in ay indhaha u furan biyo la’aanta jirta isla markaana ka wada shaeeyaan sidii looga midho dhalinlahaa sahminta ilaa hada la sameeyay.
Waxa kale oo maamulka SHABA uu ka digay in biyaha si qaldan loo kaydsado lagana faa’iidaysto duruufaha jira in ay sababi karto cawaaqibxumo dhinaca bani;aadamka ah cidii lagu helana sharciga la hor keeni doono.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Shir Jaraa’id Oo Ay Wada Jir U Qabteen Badhasaabka Awdal Iyo Saamilayda SHABA "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback