Hargeysa-(Lug)-Annagoo tixraacayna hadaladdii deelqaafka iyo aflagaada ahaa ee Faysal Cali Waraabe uu dhowaan ka jeediyey shir uu Xisbigiisu ku qabsaday Magaaladda Hargeysa 26 June, kuwaasi oo lagu baahiyey Saxaafadda qaar ka mid ah.

Marka hore hadalaas deelqaafka iyo cayda qaawan ah ee loo gaystay labada madaxweyne ee Somaliland iyo Djibouti oo uu u badheedhay nin sheeganaya in uu yahay Gudoomiye Xisbi Qaran, waa wax laga yaayakhsoodo.

Marka uu faysal ku dhaaranayo in Madaxweynaha Djibouti Ismaciil Cumar Geelle aanu iman Karin kana soo degi Karin dhabaha Dayuuradaha Somaliland, hadii ay dhacdaba yaa isaga wax ka waydiinaya, afkase uu ku hadlayaa iyo Xilka loo igmaday ee arrintaasi ka khusaysaa maxay tahay?.

Takale waxa Faysal uu caadaystay in uu had iyo jeer isku dayo in uu naxli kala dhex dhigo labada dal ee Somaliland iyo Djibouti mana aha markii ugu horaysay ee uu fal noocaasi ah ku kaco.

Somaliland iyo Djibouti waa labo dal oo derisnimada ka sokoow walaalo ah, ab iyo isirna wadaaga.

Waxa kale oo ayaan darro ah in iyadoo Socdaalkii Madaxweynaha iyo Weftigiisu ay dhowaan ku tageen Djibouti uu ahaa mid aad loogu diirsaday shucuurta iyo dareenka labada shacbina saameyn oo wax ku ool ah u geeystay, in nin hunguri ka hayo in uu ku tartamo Madaxweynenimada Somaliland in uu ku hadlo hadalo noocaasi ah ee isaga uun wax u dhimi kara , cid kalena waxba yeeli Karin.

Marka Faysal uu leeyahay sanad baanu ku laaluushnay in uu xilka sii hayo Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin, miyaanay ahayn nin iska hadlay oo had iyo jeer caadaystay afxumo aan loo aabo yeelin isaga oo kubada dhinac hadba uu doono u laada, waxana ay dadka qaar iswaydiin karaan maskax ahaan in uu bed qabo iyo in kale wakhtiyada qaarkood.

Wakhtiga doorashada la qabanaayo ama xilka Madaxweynuhu ku eg yahay waxa tilmaamaya shuruucda iyo xeerarka u dhigan dalka.

Waxa kale oo ayaan darro ah in dhalinyaro reer Somaliland ah oo ay nasiib darro ku dhacday , kuna geeriyooday badaha in hab dhaqankiisii looga bartay Faysal uu ku kala qaybiyo kuna kala guro inay ka soo jeedaan qabiil , taas oo muujinaysa aragtidiisa gaaban iyo garashadiisu heerka ay taagan tahay.

Waxa kale oo xusid mudan in markii Madaxweynuhu uu safarka ku tegay Jabuuti sanadkii 2002 aflagaado tan la mid ah uu u gaystay socdaalkii Madaxweynaha , isaga oo si weyn u dhaleeceeyay booqashadaa Madaxweynaha iyo Dawlada Jabuutiba, taasina waxay ka dhigan tahay maah maahda Soomaaliyeed ee ah ‘’dhuusa geel, mana baaqato , mana urto’’.

Sanadkii 2005 , waxa tagtay Faysaloow Jabuuti , adiga oo Madaxweynihii aad aflagaadada kula kacday uu ku soo dhaweeyay , kuna karaameeyay , ka dibna aad ka amaantay warbaahinta , kana istaaqfuraysatay caydkii aad kula kacday oo aad ku bedeshay amaan balaadhan oo aad u soo jeedisay , taasina waxay muujinaysaa  in aad kolba tagto meesha dabayshu kuu qaado oo aanad lahayn aragti dhab ah iyo waxa aad aamisan tahay toona.

Madaxweyne Riyaale ma metelo Gobol ee waa Madaxweyne la soo doortay oo metela umadda reer Somaliland oo dhan.

Gebo gebadii waxaan kula talinaynaa Faysal oo aan leenahay xishood oo u fiirso waxa afkaaga ka soo baxaya, hadii in uun uu damac kaa hayo inaad si xor ah ugu tartanto doorashada madaxtinimada JSL.

 

Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland