Anaga oo ah gudida ururka dhalinyarada ah ee gobolka Awdal ee ay magacdoodu xaga hoose ku xusan yihiin, waxa aan jecelnahay in aan jawaab cambaarayn ah ka bixino shaqaaqadii ka dhacday bariga magaalada Hargaysa eek u saabsanaa riigii keenay dhimashada iyo dhaawaca ee ilaaa maantana taagan. Iyada oo sabab laga dhigayo riiga ceelka ka qodayay bariga Hargaysa ayaa loo diray Gobolka Awdal taasi oo aan la hubsan waxa ka jira. Runta ayaa waxa ay tahay in rig agoobta loo dirayay ay tahay gobolka Gabilay ee aanay ahayn gobolka Awdal sidaana habayaraatee kuma iman riigaasi Awdal.
Hadaba su’aashu waxa ay tahay riigu miyaanu iman Karin Awdal iyo Boorama oo aanay ka mid ahayn Somaliland, miyanay ahayn wax lala yaabo in dil iyo dhimasho ka dhacdo riigbaa la geeyay Awdal taasoo keentay nabadgalyo xumo umada loo gaystay umadaas oo ay duruufo adag oo dhinaca nolosha ahi lu gadaaman yihiin.
Waxa aan shiki ku jirin in arintani ay sababtay aflagaadooyin reernimo iyo qabiil ka dhadhamaya waxa dhacaya kuwaas oo dhaawac u gaysanaya midnimada, qaranimada, wada noolaashaha iyoisjacaylka umada waxna yeelaysa isla markaana burburinaysa nabada iyo wada jirka ay Somaliland ku naaloonayso.
Waxa kale oo layaab nagu ah hadii aan nahay dhalinta ka soo jeeda gobolka Awdal markasta oo wax ka dhacaan Hargaysa waxa xasaasiyad qabiil loola tagaa oo la isku xidhaa dhcdada halkaa ka dhacday iyo madaxwayne Rayaale oo ka soo jeeda gobolka balse aan aan ahayn nin qabiil ee ah Madaxwayne Qaran iyo beesha gobolka Awdal dagan. Miyaanu ahayn Madaxwayne rayaale Madaxwaynaha Jamhuuriya Somaliland maxaa loogu tirinayaa reer Awdal.
Hadaba qaranimada iyo dawladnimada Somaliland ma mid markii la doono la soo dhiganayaa oo markii la doonanana inta qaranimadii la iska dhigo meel qabiil iyo reernimo la qaadanayaa, waxase is waydiin mudan HALKAY KA QUDHUNSAN TAHAY SARTU? Waa su’aal da’ wayn oo u taala beesha bariga Hargaysa dagan.
Nin wax diiday oon wadin
wax kaluu ka doorbiday
Waxuu doonayaan jirin
Waxa talo naga ah in ay cid walba u wanagsan tahay in ay dhawraan , ilaaliyaan oo ay xilkasnimo ka saaaran tahay qaranimada iyo qiimaynta ay leedahay nabad ku wada noolaashaha, sinaanta iyo cadaaladu. Waxaanan xasuusinayaa inta ka masuulka ah falalka dhacaya ha la iska dhafo anaaniyada iyo wax isla jacaylka qabiilnimadu ku ladhantahay. Waxanan hadalkayaga ku soo gunaanadaynaa ma qaran baanu nahay horta mise qabiil. Waar sowtaan qabiil ka hayaanay een midnimo uga soo guunay.
Magacda dhalinyarada cambaarayntan jeedinaysa waa
Faysal cali Askar (Gudoomiye)
Dr. Mustafe Qadiif
Suhayb Cabdale (Xoghaye)
Cabdinaasir Jaamac Xasan
Xasan Siciid Dheeldheel
Cabdiraxmaan Axmed Cisie
Sahra Haaruun
Ismaaciil Geele Cadar
Xaamud Cismaan Warsame
Xasan Xuseen
Sahra Abiib
Cibaado Rooble Cismaan


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " “Nin Wax Diiday Oon Wadin Wax Kaluu Ka Dorbiday Waxuu Donayaan Jirin” "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback