Boorama-(Lug)-Waxaa maanta lagu qabtay Masaajidka Ibraahiim eek u yaala magaalada Boorama xaflad lagu soo gabagabeynaayey aqoon korodhsi u socday ardayda jecel barashada diinta Islaamka mudadii lagu jiray fasaxa, waxaana barnaamijkan soo qabanqaabisay ururka samafalka ee loo yaqaano (Wafaa) waxaana ka soo qayb galay xafladaas ardayda dhamaysatay cilmi korodhsigaas, culimo, ganacsato iyo dadwayne kale oo fara badan.
Waxaanay sheegeen mas’uuliyiinta isku soo duba riday barnaamijkan in ay ka faa’iidaysteen arday dhan 150 wiil iyo 75 gabdhood kuna barteen ama ku qaateen mudadii uu socday aqoon kala duwan oo la xidhiidha cilmiyada sharciga ah oo ay ka mid yihiin Tafsiirka Quraanka Kariimka ah, Fiqhi Cilmiga xadiiska, taariikhda Islaama ama siirada Rasuulka iyo Asxaabta iyo cilmiyo kale oo kala duwan.
Waxaa halkaas ka hadlay culimadii bixinaysay duruustaas oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Maxamed Yuusuf, Sh.Maxamed Bille Sh, Deeq C/samad Xasan, Sh, C/raxmaan Muuse Tubeec iyo Sh.Axmed Sh.Jibriil waxaanay dhamaantood ku nuuxnuuxsadeen wanaaga iyo fadliga ay leedahaya barashada diinta islaamku waxaanayaad ugu dhiiri galiyeen dhamaantood dhalinta maanta in ay u guntadaan sidii ay uga midha dhalin lahaayeen oo ay dadaal badan ugu bixin lahaayeen barashada diinta Islaamka isla markaana aanay ku lumen waqtigooda waxyaabo malaayacni ah oo maanta hadii ay firaaqo iyo caafimaadka haystaan in aan bari la heli doonin oo laysaga daba iman doono, waxay ay culimada qaar tusaale ugu soo qaateen shalay ama maalin dhawayd in ay ahaayeen arday halka ay maanta fadhiyaan oo kale fadhiyay maanta oo iyaguna ay bari noqon dadka xilku ku wareegayo ee la rabo in ay masuuliyada qaadaan.
Sh.Axmed Sh.Jibriil oo ah Agaasimaya jimciyada Wafaa oo halkaas ugu danbayntii ka soo jeediyey hadalo guubaabo ah talooyinba ayaa dhalinta kula dardaarmay in ay iska ilaawaan u hanqal taagista wadamada shisheeye kuna fikiraan in ay noqdaan kuwo dalkooda,diintooda iyo dadkoodaba ku hamiya oo ku fakara tusaale waxa uu u soo qaatay dhalainta tahriibka gasha ugu yaraan in ay ku baxdo lacag dhan 5000$ taas oo hadii ay beero ku tacbadaan ama ku kallluumaystaan ama macdan ku qodaan ama wax kaleba maal gashi ku sameeyaan in ay uga faa’ido badan tahay halka ay naftooda ka halaagan ama badaha ay ku qarqoomayaan ama sadaqada kiniisadauhu bixiyaan sugayaan waa looga khayr badan yahay ayuu yidhi sheekhu sharikadaha waawayn ee aad arteena waxa ay ka bilaabmeen waxoogaa yar yar oo laysku dardaray.
Ugu danbaytnii waxa ay gudoonsiiyeen dhalinyardii dhamaystay aqoon korodhisaa diinaga ah oo socday mudadii fasax lagu jiray shahaadooyin iyo hadiyado kale.
Wariye:-
Hassan Isse
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Masaajidka Ibraahiim Alkhaliil Oo Lagu Soo Gabagabeeyey Aqoon Korodhsi La Xidhiidha Diinta Islaamka "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback