Boorama-(lug)-Isuduwaha wasaarada caafimaadka ee gobolka Awdal Cabdilaahi Muuse Yoonis ayaa maanta ka gudoomay hada world vision deeq dawo ah oo aad u tiro badan, deeqadan maanta la gudoonsiiyay wasaarada caafimaadka ayaa waxa ay isugu jirtaa noocyo badan oo ay ka mid yihiin dawooyinka loo isticmaalo shubanka, dawooyin nafaqo leh, xanuun baabiiyayaal tiro badan, dawooyinka qaliinka loo isticmaalo iyo noocyo badan oo dawooyin ah, kuwaas oo loogu talo galay in lagu dardargaliyo hawlaha caafimaadka ee gobolka Awdal.
Madaxa mashruuca PHC ee hayada World Vision Cabdinaasir Xuseen Cabdilaahi oo deeqdan gudoonsiiyay maanta ayaa Lughayanews u sheegay in ay deeqdani tahay mid wax tar leh isla markaana ay qaynb ka tahay hawlgalada ay hayada World Vision ku garab joogto caafimaadka gobolka Awdal, sidoo kale waxa auu tilmaamay Masuulkani in haayadiisu ay si toos ah ula shaqayso caafimaadka degmooyinka Baki iyo Lughaya ee gobolka Awdal oo ay hayadu ka wado mashruuc la yidhaa PHC, sidoo kale waxa ay hayadu ka wadaa mashaariic ku aadan dabargoynta caadooyinka gudniinka fircooniga ah oo ka socda degaamada Boorama Baki iyo Lughaya, waxa kale oo ay taageero wayn ka siisaa dhinaca waxbarashada dugsiyada degmooyinka Baki iyo Lughaya.
Isuduwaha wasaarada caafimaadka ayaa isaguna si wayn ugu mahadnaqay hayadan World Vision, waxana uu qiray in dawooyinkani ay yihiin kuwo loo baahan yahay oo wax wayn ka tari doona caafimaadka gobolka, Isuduwuhu wacxa uu intaasi daba dhigay in haydan world vision mudadii 3 sano ahayd ee ay la shaaynaysay caafimaadka gobolka Awdal ay kaalin muhiim ah ka ciyaartay taabo galinta 12 health post iyo 4 MCH oo ku yaala degaamada Baki iyo Lughaya oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa ugu daran ee gobolka ka jira.
Isuduwuhu waxa kale oo uu hayada world vision waydiistay in ay qorshayaasheeda caafimaad ku darsato sidii ay hawlaheeda ugu balaadhin lahayd degmada Saylac oo uu tilmaamay in ay tahay mid u baahan wax ka qabasho, waloow uu isuduwuhu qiray in bisha November ay ku egyihiin qorshayaashii world visio hadan waxa uu ka dalbaday in balaadhinta qorshayaasha hayada ay ku darsadaan sidii ay u gaadhi lahaayeen degmada Saylac. Isuduwuhu waxa uu ugu baaqay dadwaynaha ku dhaqan gobolka Awdal in ay soo dhowayn u muujiyaan hayadan world vision iyo hayadaha kale ee gobolka ka hawl gala taageeradaas oo uu tilmaamay in ay wax wayn ka tarayso hawlaha ay hayadaha gargaarku ka wadaan gobolka.
Ma aha markii ugu horaysay ee ay hayada world Vision deeq dawo ah gudoonsiiso caafimaadka gobolka Awdal, balse hayadan ayaa waxa ay tahay mid aalaaba ka hawl gasha dalka oo dhan hawlgalkaas oo uu ugu mashaariicda Gabilay iyo Ceerigaabo oo ay ka wado mashaariic ku wajahan TB-da muhiimsan yahay mashaariicda loo yaqaan HOPE oo ay hayadu quudin iyo gargaar toos ahba la barbar joogto boqolaal agoomo ah oo ay waalidiintoodu u dhinteen HIV/AIDS oo ku kala nool dalalka Soomaaliya iyo Somaalilandba. Gobolka Awdalna waxa ay world vision gacanta ku haysaa 6 MCH oo ku kal yaala degmooyinka Bali iyo Lughayaoo 4 ah iyo 2 kale oo ku yaala deegaamada Ceelahelay iyo Gabilay.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Hayada World Vision Oo Maanta Gudoonsiisay Deeq Dawo Ah Caafimaadka Gobolka Awdal "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback