getattachment.jpgBorama-(Lug)-Dunidan maanta an joogno  ayaa u kala qaybsanta kuwa lagu sheego inay fakhri yihiin ,kuwa lagu sheegyo inay soo korayaan ,kuwa sabool ah ,iyo kuwa hore uga maray dhinacyada nolosha .Sidaasoo kale ayaa mucaawinooyinka  la siiyo dalalka saboolka  noqdeen kuwa ay magac ku doontaan hay’adaha lagu sheego inay yihiin kuwa caalami ah  kuwaasoo inta badan kasoo jeeda dalalka  aan ahayn muslinka ,halka dalalka muslimka ahina mucaawinooyinkoodu ku bixinyaan in Ilaahay gargaarkooda  ka siiyo jasaai iyo xasanaad.

Dhinaca kale mucaawinooyinka la siiyo dalalka  fakhriga iyo gaajadu  ku habsatay dadyawgooda ayaa dhinaca kale loo adeegsadaa kuwa lagu kasbado arrimo siyaasadeed kuwa diineed iyo kuwa  arrimo basaasnimo iyo mid faragelin looga dan leyahayba .

Maanta dunida aan joogno ee ay hoggaakeeda hayaan  dalalka dhaqaalaha iyo farsamadaba hore uga maray ayaa mucaawinooyinkaasi noqdeen hub loo adeegsado dad ama dalal  dhexgalkooda  wado ay u maraan u waayeen sida Kuuriyada woqooyi .

Balse markay noqoto dalalka muslinka ahi mucaawinooyinka ay siiyaan dalalka fakhriga iyo dagaaladu hadheyeeni way ka duwan yihiin ujeeddooyinka ay kuwa aan muslinka ahayni ka leeyihiin.

Tusaalayaal badan  oo arrimahaasi ku saabsan  ayaan haddaba ku eegeynaa sida mucaawinooyinka ay bixiyaan dalalka  muslinka ahi uga waxtar  iyo mustabal fiican yihiin  ,deeqahah ay bixiyaan  dalalka an muslinka ahayn.

Waxa caalamku la socdaa dagaalada weli ka socda dalkii la odhan jiray Soomaaliya iyo duruufaha nololeed ee shacbigu ka dhaxlay dagaaladaasi kuwaasoo isugu jira barakac ,dhimasho,fakhri ,macaluuliyo cudurro  waxanan intaa u dheer duruufaha   ay dakaasi ku keeneen dhibaatooyinka dabiiciga ah ee Ilaahay keenay sida abaaraha ,duufaanada iyo fatahaadda webiyada  waxayna arrimahaasi keeneen in maanta Soomaaliya noqoto mid ururada samafalka caalamiga ahi ,gaal iyo muslinba  sheegtaan mucaawinooyin ay geeyeen ama oo aan la ogeyn xogtooda .

Soomaaliland oo ka go’day Soomaaliya ineeda kale 1991kii ,ayaa iyadu kaga duwan Soomaaliya inteeda kale dawladnimada iyo sharciga ,iyo amniga ,taasoo keentay in hay’adaha ajanbiga ah iyo kuwa dalalka muslimka ahba la ogyahay waxay tareen iyo waxay u qabtaan Soomaaliland .

Hddaba hay;adaha samfalka  ee ka hawlgala dalkan Soomaaliland ayaa waxa ka mid ah ururka samafalka Africa ,ee loo yaqaan  ARC  (Africa Relief Council).

ARC,Waxay ka mid tahay hay’adahah samafalka caalamiga ah ee dalalka muslimka ah,fadhigeedu waa dalka Qadar,iyadoo hawl bani’aadnnimo ka bilowday Soomaaliland sannadkii 2002dii.

Inkastoo hawlaha bani aadnnimo ee ay maanta  Hay’addaasi Soomaaliland  maanta ka waddayi badanyihiin ,balse aasaaskeedii wuxu ahaa inay daryeel dhinacyada nolosha ah ,waxbarashada u fidiso agoomaha waalidiintoodii ku waayey dagaaladii sokeeye .

ARC ,oo markii ay Soomaaliland soo degtay ku koobnayd hawlaha bani aadnnimo ee agoomaha gobolka Awdal,ayaa maanta ka hawlgasha  degaano badan oo ku yaal Soomaaliland .

Mar an hawaanta la kulmay agaasimaha maamulka Hay’adda ARC ,Fadhgiisuna yahay Boorama  C/qaadir Axmed Maxamed .,ayaan wax ka weydiiyey bal guud ahaanba hawlaha ay dalka ka qabtaan ilaa maalintii  ay yimaaddeen Soomaaliland  2001dii.

Jawaabihii agaasimaha ARC  ka bixiyey waxqabadkiisa Hay’addaasi ka timi dalalka muslinka ayaan kusoo koobaynaa ;

Xarunta laga maamulo hay’addan ARC L Boorama yaa la aasaasay 2001dii  ,iyadoo dawladda Qadar gacan weyn  ku leh ilaa haatan.Xaruntan  oo  reer Boorama u yaqaannaan Xarunta Agoomaha Ee Kuwait”,maadaama aanay   hore u aqoonin magaca dawladda Qadar,,ayaa dhinaca kale waxay dadweynaha reer Soomaaliland siisaa adeegyo Kala duwan oo laga wado degaanno kala duwan  kuwaasoo kala ah

Daryeelka ,Quudinta Iyo Waxbaridda Agoomaha  :

Waay ARC gacanta ku haysaa in ka badan 150 carruur ah oo agoomo ,waalidkoodiina ku waayey duruufo kala duwan ,isla markaana ay hoy ,jiif yo cuntaba uga samaysay meelo kala duwan oo dalka ah.

Waxbaridda Ardayda   Qoysaska  Danyarta Ah

Waxay ARC gacanta ku haysaa waxna bartaa in ka badan 1900 (kun iyo sagaal boqol ) oo Arday  degaanka Boorama  iyo guud ahaanba gobolka kakala yimid,kuwaasoo ay siiso waxbarashada heerka dugsiyada Hoose ,Dhexe iyo Sare
getattachment2.jpg

Taakuleynta Iyo Quudinta Qoysaska Danyarta Ah

Waxay ARC  si joogto ah ,raashin ama waxay ku noolaadaan u fidisaa ugu yaraan 500 oo ku kala nool degaanno ka tirsan gobolka Awdal oo ay labadii biloodba mar siiso raashinkaasi.
Adeegyada Caafimaadka

Xarunta ARC waa ku yaalla MCH ,ama xarunta daryeelka Hooyada iyo dhallaanka oo leh adeegyada  umulinta,shaybaadh,Farmasi ,OPD  iyo shaqaale ka hawlgala.

Gurmadka Aafooyinka  Dabiiciga Ah  Sida

Sannadkii 2006di oo degaanno ka tirsan Soomaaliland abaaro saameeyeen waxay ARC raashin u qaybisay dadweynaha ku kala nool degaanada Salaxlay ,Cadaadley,Garabis,B/Gubadle, Eelo ,Iyo Baki

Sannadkii 2007 waxay ARC deeq raashin ah u qaybisay dadkii ku waxyeeloobay duufaanadii ka dhacay degaanno ka tirsan gobolka Awdal kuna kala baahsan tuulooyinka ,Xoorey ,Carroweyne ,Geb ,iyo degaano ka tirsan degmada Baki.
untitled.JPG

Adeegyada Biyaha 

1.Adeegyada dhinaca biyaha oo ay  ceelal riig ah ka qodeen Laasgeel ,Berbera, Dila oo saddex ceel ah  Afraagga oo ku yaal gaalbeedka Boorama ,Qoorgaab (Boorama) iyo haatan oo ceel ka qodayaan  Tuulada Xaliilaale
getattachment.jpg

2.Dhismaha berkedaha ,iyadoo ARC laba berkadood oo midkiiba aaddo 1,200 oo foosto ka kala dhistay degaanada Salaxlay ,iyo xuunshaley

Dhismayaasha 

1.ARC waxay dhismayaal badan ka fulisay egaanno ka tirsan Soomaaliland gaar ahaanna 

1. Degaanka salxalay oo ay ka dhistay dugsi Quraam

2. Dugsiga New Hargeya ee quraanka loona yaqaan Aflax

3. Dhismaha dugsiga sare ee  xarunta agoomaha ARC ,kana kooban 8 fasal,iyo hal store

4. Dhismaha WershedA rootiga ee s agoomaha qoorgaab ,Boorama .

Guud ahaan marka la isku geeyo hawlaha ururkaasi samafalka ee carbeed ka wado Soomaaliland ,ayaa la odhan karaa waa kuwa taabanaya nolosha  dadweynaha ,halka hay’adaha samafalka ee  dalalka aan muslinka ahayni yihiin kuwa aan joogtayn  waxay qabanayaan ,lagana yaabo in marmarka qaarkood ay luggooyo ku yihiin shacabka ,maadaama wakhtiga ay doonaan ay iskaga baxayaan ,dibna aanay ugusoo noqon dadkii ay taageero siiyaan mar keliya.

Guud ahaan marka hawlaha adeegyada samafalka ee ARC ay ka qabato Gobolkan Awdal ayaa lagu tiriya inay tahay tan koowaad  marka la barbardhigo hay’adaha kale ee samafalka caalamiga ah ama kuwa muslinka ahba ,sidaa darteedna uu maamulka Dawladda ee gobolka Awdal abaalmarinno waxqabad ku sharfaya madaxda iyo ,macallimiinta iyo masuuliyiinta  Hay’adda ARC.

 

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama