Hargeysa-(Lug)-Guddoomiye-ku-xigeenka afraad ee xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, isla markaana ka mid ah musharraxiinta u tartamaya jagadda madaxwyne-ku-xigeenka ee xisbiga dhexdiisa Eng.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa daboolka ka qaaday inuu Shirweynihii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE uu muddo todobaadyo ah dib u dhacay. Kaas oo uu qorshuhu ahaa inuu qabsoomo 29 July 2008, oo uu ku ka dhaco Magaalada Burco.
Sida waxa uu gudoomiye kuxigeenka 4-aad Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ku sheegay wareysi dhinacyo badan taabanaaya oo uu maanta ku siiyey Xarunta Xisbigaasi ee Magaalada Hargeysa.
Gudoomiye Kuxigeenka afraad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Eng.Cabdiraxmaan Saylici, oo ka hadlayey dib u dhaca Shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Shirkayagii dib-u-dhaca ku yimi wax weyn maaha sida qorshuhu ahaa waxay ahayd in uu dhaco 29 July 2008, waxoogaa waqti aan badnayd oo toddobaad ama toban casho ayuu arrimo farsamo darteed dib ugu dhacay, waxa kale oo dhibaato ahina majiro, shirkaasina sidii shirarkii hore noogu qabsoomeen ayuu u dhacayaa.”
Eng.Cabdiraxmaan Saylici oo ka hadlayey ilaa inta imika la ogyahay ee ka qeyb galaysaa tartanka tartanka Jagada Madaxweyne Kuxigeenka, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “ Haddaan ka hadlo guddi musharaxiinta kolay guddi qabanqaabo ayaa shirka loo xilsaaray, guddigii qaban-qaabadu markaa wixii ay soo dejiyeen oo ay codsadeen in la is-caddeeyo oo maadaama waqtiga shirku soconayo ay gaaban tahay inay sii ururiyaan ciddii danaynaysa hoggaanka ee ka dhex tartamaysa xisbiga KULMIYE,”
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Madaxweyne-ku-xigeen ahaan ilaa hadda inta aan ogahay afar qof ayaa caddeeyey inay u tartamayaan jagada Madaxweyne-ku-xigeenka, saddex musharax oo reer Awdal ah iyo nin reer Sanaag ah, kuwaas oo kal ah Eng.Cabdiraxmaan Saylici oo aniga ah, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Ismaaciil Muumin Here iyo Axmed Xaaji Cali Cadami oo reer Sanaag ah, intaas ayaa araajidoodii Madaxweyne-ku-xigeenka xareeyey, buuxiyeyna shuruudihii looga baahnaa.”
Mar uu gudoomiye Kuxigeenka afraad ee Xisbiga KULMIYE ka hadlayey sababta keentay dib u dhaca Shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, waxa uu yidhi “Taa qudheedu kama maqna sababtoo ah shirka Gar-adag kolay waa shir beeleed, shirar beeleedna way iska dhacaan oo waa wax beeshu danteeda kaga tashanayso ama isku habaynayso, dib-u-dhaca shirka KULIMIYE-na taa qudheedu waa ka mid,”.
“Waxayna u eegtay raggii muddakarka ahaa ee shirka xisbiga ka qayb gali lahaa ee beelahaas ka soo jeeday oo shirkii Gar-adag looga maarmi waayey way ku jirtaa meesha, wax dhibaato ah oo kalena majirto.”ayuu intaasi raaciyey.
Gudoomiye-ku-xigeenka Afraad ee Kulmiye oo ka hadlayey Murashixiinta shirweynaha Golaha dhexe iyo kala duwanaashiyahooda waxa uu yidhi “Kolay waxa la yidhi rag damac iyo dacari midna kama dhammaato, nin walibana damaciisuu leeyahay in saddexdaydu heshiis wada gaadhno oo isku tanaasulnana way iska qurux badnaan lahayd oo la mideeyo marxaladda Awdal-na way haboonayd, haddiia ay laakiin taas dhici waydo oo qof waliba damaciisa uu meesha la yimaaddo,”
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Xisbigu waa xisbi dimoqraadi ah oo haddii shan la isku sharraxo iyo haddii afar la isku sharraxaba dadka shirka isugu imanaya iyagaa danaha xisbiga iyo sida uu ku guuleysanayo eegaya ayey u taal inay kala saaraan in iyagoo danta dalka iyo danta xisbiga iyo cidda laga guulaysanayo, oo dhinac walba ka eegaya, waxay u taal Golaha Dhexe, wax dhibaato ahna nagu keenimayso, ragguna damac siyaasadeed wuu yeelan karaa, waxaanna lagu kala hadhi doonaa shirka Golaha Dhexe ee xisbiga.”
Eng.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu yidhi. “Tanaasulkuna wuu fiicnaan lahaa, laakiin haddii qof waliba codsigiisii musharraxnimada soo gudbiyey way caddahay in aan tanaasul muuqan oo shirka Golaha Dhexe uun lagu kala hadhi doono, iyadoo si qurux badan oo walaaltinimo ah loo tartamayo.”.
Waxa kale oo Eng.Saylici sharci-darro ku tilmaamay heshiiska xukuumadda Rayaale kootada ugu xidhay dhoofka xoolaha ganacsadaha Sucuudiga ah ee Al-jaabir, ay saamayn xun oo dhaqaale-darro ku keeni doonto bulshada reer Somaliland haddii aan xukuumaddu go’aankaas ka noqon.
Mar uu ka hadlayey Eng.Cabdiraxmaan Saylici rajada uu ka qabo inuu booska uu ku tartamayo ku soo baxo waxa uu yidhi “Kolay rajaydu waa 80%, rajo fiicanna waan ku qabaa masuuliyadana waxa leh Golaha Dhexe ee isku imanaya, iyaga oo aan qofna ka godob gelin qofna u eexan sida loo kala leeyahay mudnaantana sida la is-leeyahay waa lagu guulaysanayaa nin walba dadka gobolka ka soo jeeda sida ay u taageersan yihiin ama sida uu dadka u wato iyaga oo waxaas oo dhan eegaya,”
“Aniguna aan isleeyahay taageerada Gobolka Awdal oo dhan baan haystaa, laakiin haddii la tartamo qof baa soo baxa, Somaliduna waxay tidhaahdaa badiyaaba waa bahdeen, markaa ninkii guulaysta ee reer Awdal ahiba waa nin reer Awdala, markaa aniga haddii la iga guulaysto waan ku tahniyadaynayaa, xisbigii KULMIYE-na sidii aan u ahaa ayuun baan u ahaanayaa.”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici.
Gudoomiye Eng.Cabdiraxmaan Saylici waxa uu ku dooday oo u yidhi “Awooddii mucaaridnimo ee Gobolka Awdal wax hoos-u-dhac majirto, mucaaridada gobolkuna aad bay u xooggan tahay, waxaanna xoojintaa keenayna dadka bani’aadamku waxa uu doonayaa in loo qabto wax la taabto, markaa waxa weeyaan dadka reer Awdal waxa cabasho waddanka ka jira wax walba iyagaa ka kaw ah, caddaalad-darro hadday jirto Awdal bay ka kow tahay, musuq-maasuq Awdal buu ka kaw yahay, waxqabad la,aantu Awdal bay ka kow tahay”
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Markaa dadka reer Awdal way dareensan yihiin in xumada ina Rayaale madaxda ku yahay inay hanan wayday xilkeedii, wixii looga baahnaana qaban wayday, dib-u-dhaca ku yimi doorashooyinkiina”
“Waxaan qabaa mucaaridadii Awdal aad bay u sii kordhisay, sababtoo ah dadku waxay dareensan yihiin waxqabad la’aanta badan, dhibaatooyinka Gobolka Awdal ka jira, waxa ka mida tahriibta dhallinyarada oo aad bay shaqo la’aantu ugu badan tahay, dadkaa baddaha ku dhimanaya waxa u badan dadka Gobolka uu Madaxweynaha ka soo jeedo, markaa reer Awdal waxay ogyihiin lix sanno oo Madaxweyne Rayaale xilka hayey oo aan waxba loo qaban, doorashadana waxbadan ka heli mayo reer Awdal.”ayuu yidhi Saylici.
Xigasho Hadhwanaagnews


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Shirweynihii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee KULMIYE Oo Dib Loo Riixay, Iyo Hirdanka Jagada Madaxweyne Kuxigeenka Ee Xisbiga Gudihiisa "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback