120px-somaliland_coa.gifHargeysa-(Lug)-Shirkii Golaha Wasiirada ee ka dhacay xarunta Madaxtooyada Maanta oo Axada oo taariikhdu tahay 27/07/2008, shirkaas oo uu gudoominayay Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin , oo sii ambo qaaday shirkii hore ee Golaha Wasiiradu ay ku yeesheen Madaxtooyada 20-kii Bishan.
 
Shirkaasi Golaha Wasiirada waxa lagaga dooday xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha siyaasadeed ee inagu xeeran.
 
Waxa shirkaasi Wasiiradu ay si qoto dheer u lafa gureen arrimo ay ka mid yihiin: Adkaynta Nabad gelyada , Fulinta Maamulka adeegyada gobollada  iyo ka hor taga Budhcad badeedka.
 
Waxa kale oo shirkaasi uu si balaadhan uga dooday sidii loogu tabaabushaysan lahaa xaalada roob yaraantii gu’ga oo keeni karta abaaro.
 
Haddaba shirkaa Wasiirada ee Maanta qabsoomay , waxa uu daba socdaa go’aankii ay Golaha Wasiiradu ku gaadheen in ay isugu yimaadaan fadhi gelinka dambe toddobaadkiiba Maalin, si ay u laban laabaan hawshii ay Qaranka u hayeen, waxana fadhigani uu noqon doonaa mid aan saamayn ku yeelan fadhigii caadiga ahaa ee golaha Wasiiradu ay isugu iman jireen maalin kasta oo Isniin ah oo sidiisii aan waxba iska bedelin.
 
 
 
Alla Mahad leh
 
 

Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada JSL