prof-ahmed-ismail-samar.JPG
Toronto-(Lug)-Waxa maanta oo Sabti ah isugu yimid magaalada Toronto ee cariga Canada bulsha waynta reer Awdal ee k u nool waqooyiga Ameerika,hadaba kulan oo jawi  farxad iyo kalgacayl  xoog badan leh ku bilaabmay,waxa si farxad mug weyn ku furay shirkii Ibraahim Cabsiiye kuna soo dhaweeyay ka soo qayb galaashiyee shirka ,sharxayna habka uu u soconayo shirku isagoo ku hadlayay magaca bulshada reer Toronto,ka dib waxa sida caadadu ahay ku furay quraankii kariimka ahaa Sheekh Xaamud Cali Cilmi,waxa markaa shirkii la wareergay shir gudoonkii shirka.
dsc_6532.JPG
 
 Shir gudoonka oo ka koobnaa lix xubnood oo kala ahaa,C/raxman Obsiiye (Geeljire),Cali Baxar,M ahamed Alabari,Nuur Bahal,Cibaado Geele,iyo C/waaxid Sheekh Cismaan.ka dib gor fayn iyo warbixin dheer oo halkaa ay ka soo jeediyeen oo inta badan ahayd waxqabadkii sanadkii uu ururku jiray,wixii uu soo qabtay oo u badnaa gurmadkii dadkii ku tabaaloobay roobabkii barafka lahaa ee waxyeelada badan gaystay iyo waxa ay Aacna ka gaysatey gurmad kaas oo bulshada reer Awdal gudo iyo dibadba ay la garab istaageen hiil iyo hooba ururka Aacna.
 
Warbixitaa ka dib waxa goobta wacdi iyo wax sheega ka soo jeediyay Sheekh Maxamed Xuseen Hadi,oo ku tiiqtiiqsaday wax wada qabsiga iyo isgarabsiga walaalnimo,iyo waliba macna darida khilaafka,waxa isna goobta ka yimi oo si wayn loogu soo dhaweeyay Prof Axmed Ismaaciil Samater,oo ka hadlay dhinacyo badan ,si wayn loo dhacay looguna guuxay,farxad wayna galiyay wax sheegiisii iyo guubabadii hagar la,aanta ahayd ee waliba aqoontu ku dheehnayd sida wayn.
 dsc_6534.JPG
 Ka dib waxa hadlay gudiyadii oo kal ahaa Cali Baxar oo ka hadlay Iqra ,Ibraahim Gurey oo ka Ammoud Foundation , Dr A/shakuur Jawhar oo ka hadlay dhalintii reer Awdal eek u qarqantay badaha Liibiya bishii june ee sanad iyo sidii waxa looga qaban tahriibta khatarta badan ee ku soo cusboonatay dhalinteena reer awdal Xaamud Cali Maasheeye iyo prof  Ibraahim Aye.

Gabagabadii intii aan la gaadhin waxa  shir goodaankii bilaabay  doorashadii gudiga cusub oo la sheegay gudoomiyii iyo xubnaha cusub,halkaas oo lagu doortay Ibraahim  Cabsiiye inuu noqdo gudoomiyaha cusub ee AACNA.waxana hawshaa si fiican oo aqoon waayo aragnimo ku dheehan tahay u daadihiyay Adovocate C/waaxid Sheekh Cismaan Qalinle.
dsc_6553.JPG

Doorasha ka dib waxa la shaaciyay sanada dambe in Ottawa in lagu qaban doono halkaana waxa Calankii Aacna gudoomay Maxamed Daahir  Aden oo ma talayay reer Ottawa sheegay in bulshada reer Awdal ee degan Ottawa ay diyaar u yihiin inay diyaariyaan qabaan qaabada 3dexaad ee Aacna iyo Ottawa.
dsc_6731.JPG
 
Gabagabo waxa bilaabmay dabaal dagii habeenimo iyo kooxdii UUrdoh oo ay halkaa fanaanadii waynayd ee Deeqa gaydh iyo fanaankii da’da yaraa ee Saleebaan .waxa halkaa dhacay farxad iyo bashaal aan loo kala hadhin  
Daawad sawiradii  Waa Prof D Ibraahim


Aacna Toronto
aacna@ymail.com