Gabilay (Lug)-Badhasaabka cusub  ee gobolka Gabilay  Maxamed Axmed Cabdi [Xabiib] ayaa manta  xilkii kala wareegay  badhasaabka  gobolka Maroodi Jeex oo ay hore uga tirsanayd Gabilay.

Xafladii  xil wareejinta  gudoomiyaha cusub ee gobolka Gabilay , ayaa ahayd xil wareejintii ugu balaadhanayd ee dalka lagu qabto, waxana  lagu kala qabtay  degmooyinka Arabsiyo  , Gabilay, Wajaale  iyo Allay baday  waxa ka qayb galay Wasiirada Arrimaha Gudaha , Madaxtooyada , Wasiirul dawlaha Hawlaha guud , Xildhibaano ka tirsan  golaha wakiilada  ee laga soo doortay gobolkaasi  iyo boqolaal  ka mida bulshada gobolka.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali [Cirro],  oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in isagoo xilka haya la magacaabay  gobolka Gabilay  oo codsigiisu uu taagnaa muddo  sodameeye sanadood ah.

Wasiirka oo ka hadlay  sida uu ugu faraxsan yahay gobolnimada Gabilay  waxa uu yidhi “waxa sharaf  iyo  nasiib  ii ah in ilaahay  isoo gaadhsiiyay  anigoo wasiirkii Arrimaha gudaha  ah  in la magacaabay Gobolka Gabilay  oo mudo dheer  soo jiitamayay oo uu magacaabay  Madaxweyne  Daahir Rayaale Kaahin , iyadoo  aan aniguna  ahay  Wasiirka Daakhiliga  la soo saaray digreetada gobolkan”.

Mudane Cirro waxa uu shacbiga  gobolka Gabilay  ugu baaqay inay  la shaqeeyaan  Badhasaabka gobolka , isla markaana ay sii xoojiyaan  horumarinta dalagyada beeraha  oo uu sheegay inay  caan ku tahay Gabilay.

Badhasaabka gobolka Maroodi jeex Cali Xasan Maxamuud [Cali Asad]  oo isagu xilka maamul ku wareejinayay badhasaabka  cusub ee  Gabilay , ayaa u mahad naqay shacbiga  gobolkaasi oo uu sheegay in ay si fiican ula soo shaqeeyaan .

Mudane Cali Asad  waxa uu amaanay Badhasaabka cusub  ee Gabilay iyo  ku xigeenkiisa oo uu ku tilmaamay qaar wayo arag ah oo muddo dheer  ka soo shaqeeyay  Dawlada Hoose degmooyinka Hargeysa iyo Gabilay , waxana uu dadweynaha  ka codsaday inay  la shaqeeyaan  maamulka cusub  ee gobolka Gabilay.

Maayarka Degmada Gabilay Xuseen Maxamuud Jameeco  oo isaguna xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inay la shaqaynayaan maamulka cusub  gobolka.

Gudoomiyaha gobolka Cusub ee Gabilay  Mudane Maxamed Axmed Cabdi  Xabiib ayaa fagaaraha Khayriyada dadweynaha Gabilay  uga  jeediyay khudbad uu kaga hadlay  qorshaha  ku hawl galayo , waxana uu khudbadiisa  u qornayd sidan:

“Waxaa sharaf weyn ii ah , aadna ugu faraxsanahay  inaad nagala soo qayb gasheen munaasibadan  ah xil kala wareega  labada gobol ee gobolka Gabilay iyo Maroodi Jeex , ahna bilowga   iyo unaga hana qaadka maamulka  curdinka ah ee gobolka Gabilay .

Waa xushmad  iyo qadarin  mudan , anigoo ku hadlaya magacayga  iyo ka muwaadiniinta  u dhashay  gobolka Gabilay  inaan xuso  hoostana  ka xariiqo una soo jeediyo  mahad balaadhan Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , aniga oo  ugu mahad naqaya magacaabista gobolka Gabilay.

Waxa muran ku jirin  oo aynu wada ognahay  in 48 sanadood  ay  dadweynaha reer  Gabilay   ay raadinayeen in ay helaan gobolnimo , waana arrin baal dahab ah ka geli doonta taariikhda gobolkan.

Waxa kale  oo  aan mahad naq u soo jeedinayaa maamuladii , duqayda , waxgaradka iyo culumaa’udiinka ka soo qayb galay  guud ahaanba dib u dhiskii  dalka halgankii iyo burburkii  dabadii  laga soo bilaabo 1991.

Hadaba iyadoo  aynu wada ogsoonahay  baaxada  juhdigii iyo dedaalkii loo galay  gobolka Gabilay , waxa isweydiin  leh  maxaa la inooga  baahan yahay maanta? Haddii aynu  nahay dadweynaha  u dhashay gobolkan.

Waxa ila  tahay  waxa waajib muqadas ah , ahna aasaasi  qodobadan:

inaynu  ilaahay ugu mahad naqno  helista gobolka
inaynu abaal marino , siinana garab iyo gaashaanba  iyo taageero  siyaasadeed  oo buuxda madaxda qaranka iyo  xukuumada ee inoo suura galiyay inaynu helno gobolnimada
inaynu  u guntano una midowno , xoogana  saarno sidii aynu  u horumarin lahayn una dhisan lahayn gobolkeena
 
Siyaasada:

Waxa muhiim ii ah  ee haddii Eebe  qadaro  ii qorshaysan  arrimahan hoos ku qoran:

adkaynta iyo sugida Nabad gelyada gobolka
qorshaynta iyo balaadhinta caasimada gobolka Gabilay
tayaynta  maamulada degmooyinka gobolka
Dhismaha iyo hawl gelinta  laamaha dawlada ee heer gobol iyo degmaba
taageerada iyo dhawrista  geedi socodka dimuqraadiyada  qarankeena Somaliland
taageerida kaabayaasha dhaq dhaqaaqyada dedaalka ay xukuumadu ugu jirto aqoonsi raadiska dalka
dejinta qorshe lagu soo jiidan karo maal gashi dibadeed iyo mid wadaniyadeedba
 
Barnaamijka Horumarinta:

Barnaamijka horumairnta , ilaahay  idankiis waxa ii suntan  oo bar bilwo ii noqon  doonta inaan abaabulo , dhisana guddi horumarineed oo uu gobolku  yeesho loona bixin doono ‘’Guddida horumarinta Gobolka Gabilay’’, guddidaasi  oo aanu wada yeelan  doono Insha allaah ujeedo iyo hadaf kaliya oo ku wajahan  horumarinta  gobolka iyo  dhismaha dalka , haddii ilaahay qadaro  waxaanu ku wada shaqayn doonaa qaab noqon  doona tallo wadaag , Iskaashi , daacadnimo iyo  hufnaan taasi oo loo samayn  doono xeer hoosaad  yeelan doona xuduud dhawrsi anshax ah.

 Barnaamijka Caafmaadka

Ugu horeyn  waxa xusid mudan  inaan halkan  mahad naq  uga soo jeediyo  marwada Koowaad   ee Madaxweynaha JSL Marwo Huda Barkhad Aadan  oo hore u bilowday  dib u dhiska  Cisbitaalka guud , kaasi  oo xudun u noqon doona barnaamijka horumarinta caafimaadka gobolka , waxa ilaahay mahadii ah  in uu fulayo  ballan qaadkii  Madaxweynuhu uu ballan qaaday  inuu dhamaystiro  cisbitaalka  Haddii ilaahay yidhaahdo  dhamaystirku bilaabmi  doonaa bisha Sideedaad ee sanadkan (August 2008), waxa kale  aan aad ugu  rajo weynahay anigoo  la kaashan doona dadweynaha u dhashay gobolka Gabilay  dal iyo dibadba sidii aynu  u dhisi lahayn  dugsi caafimaad oo lagu mataanayn doono Cisbitaalka guud ee Gabilay.

 Waxbarashada

Barnaamijka Waxbarashada  waxa ii qorshaysan   haddii ilaahay yidhaahdo   in gobolku yeesho Jaamacad (Tima cade University)  oo yeelan doonta  laamaha cilmiga  ee kala duwan , waxa iangu ah waajib  in aynu u guntano sidii aynu ku dhisan lahayn  jaamacadaas.

Waxa  jira in maanta ay ku tartamayaan  gobolladu  horumarka  gaar ahaan waxbarashada sida jaamacadaha , waxaanan  la kaashan doonaa lana mataanoobi doonaa jaamacadaha ka jira gobollada  aanu jaarka nahay sida gobollka Gabilay  iyo gobolka Maroodi Jeex.

Biyaha:

Waxa kale oo aynu xooga  saari doonaa inagoo  la kaashanayna xukuumada , Muwaadiniinta  dal iyo dibadba iyo hay’adaha  caalamiga  ahba sidii aynu u dhamaystiran  lahayn habka biyo gelinta meelaha  ay biyuhu  hada ay diyaarka yihiin  iyo sidii aynu uga soo saari lahayn  biyo  meelaha kale  ee looga baahan yahay biyaha  ee ka tirsan gobolka Gabilay.

 Kobcinta Dhaqaalaha iyo Wax soo saarka

Sida aynu wada ogsoonahay  gobolka Gabilay waa gobolka ugu horeeya xaga wax soo saarka iyo tacabka beeraha , waxa lama huraan  ah iyadoo aynu  ognahay  maanta dhibaatada caalamiga ah  ee cuno yarida adduunka , inaynu guntiga dhiisha iskaga dhigno  sidi aynu u laban laabi  lahayn wax soo saarka beeraha , isla markaana u bedeli  lahayn ama u casriyayn lahayn qaabka  farsamada  wax soo saarka tusaale  ahaan waxa aan  soo jeedin  lahaa inaynu soo saarno saliid macsarta iyo inaynu  khudrada u raadino  wershadaha  yar yar.

 Ballan Qaad

Waxaan balan qaadayaa  haddii ilaahay qadaro  inaan waxba kala hadhayn  aqoontayda , kartidayda daacadnimadayda iyo dedaalkayga , inaan ka midho dhaliyo afgaarta kor ku xusan ee la xidhiidha dhinac kasta oo khuseeya horumarin iyo adeega bulshada”.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay  Suldaan Axmed Nuur C/laahi Samaale , Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe  oo ka tirsan golaha wakiilada.

Badhasaabka cusub  waxa uu shalay qado sharaf  loogu sameeyay  degmada Wajaale , waxa kale oo ay booqasho ku  tageen  degmada Allay baday.

Sidoo kale, waxa Masuuliyiinta xilka la kala wareegaysay manta qado sharaf loogu sameeyay Degmada Wajaale, waxana ay galabta u sii dhaafeen Degmada Allaybaday, oo ay  caawa ku dhaxeen.

Gobolka Gabilay, ayaa degreetadii lagu magacaabay ay soo baxday 25/5/2008, waxana maanta xilalkii la wareegay Badhasaabka Gobolkaasi iyo Ku xigeenkiisa.

 

Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Lughaya/News/Hargeysa
Cumarfaarax2@hotmail.com