“Riigaasi Waa La Majarahabaabiyey ,Oo Ma Tegin Dhulkii Biyaha Laga Sahamiyey”
“Waxa La Ii Sheegay,Ma Tegine, In Riigaasi Ceelal Ka Qodayo Beer Madaxweynuhu Iibsaday”
Borama-(Lug)-Xubno ka tirsan waxgaradka iyo oadayaasha kasoo jeeda degaanada galbeedka ee magaalada Boorama ayaa dareen cadho leh ka muujiyey markii sida la sheegay halkaa laga kaxeeyey riig biyaha soo saara oo ku sugnaa degaankaasi isla markaana loo wareejiyey degaanno ka tirsan Bariga magaalada ,gaar ahaanna dooxadad Cammuud ,oo u haatan ka qoday ceelal biyood .
Odayada degaankaasi ayaa sidoo kale dareen ka muujiyey sida ay ku dhacday in riiggii dhulka biyaha lagu sheegay qodi lahaa loo majara habaabiyey isla markaana loogu diray dhul an la ogeyn in biyo laga heleyo in kale .
Mid ka mid ah odayada degaankaasi ,lana yidhaa Xasan Xaddi Qalinle( bugle), oo war arrinta riigaasi iyo degaaankaasiba ku saabsan Lughayanews siiyey ayaa yidhi ;
“Waa dhacay wax la yaab leh ,oo ka dhacay meesha la yidhaa Dababuur .Meeshaasi dadka ku nooli sannado badan iyomuddo dheer ayaa dawladihii Soomaaliya iyo soomaalilandba iskaga dambeeyey waxay weydiisanayeen in looga qodo ceelal biyood .
Waa meesha ugu dadka iyo beeraha badan leh Boorama ,oo waxa deggen qoysaska ugu yaraan kun beerood oo ah kuwa roobka ku baxa.,biyaha ugu dhaw ee ay joogtou heli karaanna waxay u jiraan 50 km dhinac walba.Dhulkaasi waxa biyo ka baadhay ama ka sahamiyey Ingiriiskii ,khubaro madax bannaan,waxxayna sheegeen inay biyoka buuxaan.
Sidoo kale surveygii (sahankii)shiinaha ayaa sidoo kale caddeeyey in biyaha ugu badan ee Boorama fadhiyaan dhulkaasi.Waa meeshaasi meesha nimcadu taallo dadkeediina harrad ugu dhinteen.Iyadoo sidaasi jirto ayaa dhawaanta ama wiiggii hore hay’adi riig keentay ,riigaasina waa la majarahabiiyey,oo dhulkii surverygu shegay ee nidaamka lahaa lama geynin.Meesha la qqodi lahaa biyahaasi ee la doonayeyin riiugaasi la geeyo waxa uu ahaa dhulka loo yaqaan xoogga Dababuureed ,ama “Sararka Faarax Cismaan “,ilaa meesha lagaga dhaadhacyo dooxa Dababuur, dhulkaasoo la sheegay in biyuhu buuxaan,halkii waa lagag leexiyey oo waxa la geeyey meel la yidhaa “cunoqabad”,galbeedna ka xigta dhulka ladoonayey in riigga la geeyo,kaddibna beero halkaa ayaa riiggu fadhfadhay,dee meel aan sahan amam survey sheeginna sidee biyo looga heli.Dadkii halkaa ku noolaa way ka niyad xumaadeen ,waxay intaa ku qaylinayeenna way ku hongoobeen maadaama sidii surveygu sheegay laga leexiyey,jaaniskana ragbaa ka lumiyey dadweynaha dhulkaasi ,waxanan leehay dadka sidaa loogu ciyaaray mustaqbalkiisii waa Beesha la yidhaa JIbriil Yoonis ,ee uu ka dhashay ama kasoo jeedo Daahir Rayaale ,madaxweynaha dalku,waanana beesha uu kasoo jeedo Guddoomiyaha gobolku.Ciidagale waxan leehay J/riil Yoonisba dhimaye ,idinka uun maaha.
Xasan Xaddi Qalinle oo an weydiiyey su’aal ku sabsanayd meesha uu riigaasi haatan ku suganyahay ee la geeyey ,iyo waxa uu ka qabanayo dhulkaasi ayaa ku Jawaabay “Waxa la ii sheegay in riigasi la geeyey meesha la yidhaa Cammuud oo u biyo ka qodaayo ,ama ka qodayba,balse degaanka cammuud ayaa sahankii Ingiriisku sheegay in aakhirataanka biyo yaraani ka dhacayso ,biyaha galbeedka Booramana la iskugu iman doono,waxa kale oo la igu yidhi anigu dhulkaa ma tegine wuxu riiggu ceelal ka qodayaa beer u Madaxweynuhu ka iibsaday cammuud ,waxa kale oo aan maqlay ceel kale oo magaaladu leedahay ayuu ka garab qoday meesha la sheegeyo inuu joogo.
Oday Qalinle oo ka jawaabayey su’aal ku saabsanayd waxay arrintan ka yeeli doonaan hadii ay yihiin odayaasha degaanka ayaa ku jawaabay :
“Arrintu maahaa reer Dababuureed ,ee reer Soomaaliland oo dhan waxan ka codsanayaa inay arrimaha caynkaas ah ee dadka lagaga shaqaysanayo loona shaqaynaynini yihiin kuwii taageeray UDUB,sidaa darteedna waa in laga tashadaa “”"
Waa markii labaad ee Soomaaliland ay ka dhacaan cabashooyin ku saabsan riig loo diro dhul uu biyo ka qodo ,oo meel kale lagu sheego iyadoo bishan bilowgeedii la ogaa shaqaaqooyinkii riigga ka dhashay ee Hargeysa ka dhacay bishan bilowgeedii kaddib markii sida la sheeg Riig biyo ka qodayey meesha la yidhaa Toon ,lagasoo kaxeeyey dadkii degaankaasina ka cadhoodeen,iyadoo dhinaca kalena an ilaa imika la ogeyn in riiggani yahay kii dhibta Hargeysa ka dhacday iyo inuu yahay mid kale oo loo kireeyey reer Awdal,inkastoo riigaasi hore la sheegay inuu ku sugan yahay degaanka Gebilay balse ilaa imika hawsha riigaasi iyo meesha uu joogo cidi kama hadal.
![]()
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Riig Biyaha Soo Saara Oo Xiisad Kale Ka Abuuray Degaanada Galbeed Ee Magaalada Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback