Borama-(Lug)-Gudoomiye ku xigeenka Golaha degaanka degmada Borama Muumin Gadiid Cumar ayaa maanta ka gudoomay deeq iskugu jirta Bariis,Daqiiq,Baasto iyo Saliid xoghaya Madaxwaynaha isla amrakana ka socday Xafiiska Madaxtooyada Md.Daahir Cali.
Xoghaya Madaxtooyada Md.Daahir Cali ayaa waxa uu tilmaamay inay deeqdani tahay mid ka timid Bisha cas ee dalka Imaaraadka Carabka isla markaana ay qayb ka tahay deeq kala duwan oo ay dowlada Imaaraadku ugu balan qaaday Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Daahir Rayaale Kaahin inay soo gaadhsiin doonto Somaliland.
Waxa kale oo intaasi ku daray inaydan deeqdan si la mid ugu soo qaybiyeen magaalooyinka Borama, Gabiley, Berbera iyo Burco, Gudoomiye ku xigeenka Golaha degaanka Borama Muumin Gadiid Cumar ayaa waxa uu tilmaamay inay ka mahad celinayaan deeqdan balse waxa uu sheegay inay wakhti xaadirkan baahiyuhu intan ka badan yihiin.
Deeqdan ayaa waxaa loo sii qaybiyay Isbitaalka Guud, Jeelka dhexe iyo Xarunta agoomaha ee Kaalmo oo ay u gudoomeen masuuliyiintoodu.
Wariye:-
Abokor Hassan Affi
Lughayanews-Borama



Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xafiiska Madaxtooyada Somaliland Oo Deeq Gudoonsiiyay Isbitaalka,Jeelka Iyo Xarunta Agoomaha Ee Kaalmo Ee Magaalada Borama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback