Waxaa xalay oo taariikhdu markay ahayd ahayd 07/27/2008 lagu soo gabagabeeyey magaalada Toronto ee wadanka Canada, shirkii mudada dheer la sugayey ee ururwaynaha AACNA.Shirkani oo ay ka soo qayb galeen dadwayne farabadan oo ka kala yimiday daafaha dunida gaar ahaan Maraykan iyo Canada ayaa ku dhamaaday guul iyo farxad aan la soo koobi karin.Shirkani oo ahaa sadex qaybood oo waawayn waxa uu u dhacay sidani.
Qaybtii kowaad:waxa markii ugu horaysay laga hadalay wax qabadkii,taariikhdii iyo daruufihii uu soo maray intii uu ururkani jiray oo ah muda 13 bilood.Wax yaabaha cajiibka ah ee meesha lagu soo bandhigay wax ka mid ahaa xisaab xidhkii lacagtii laga soo ururiyey qurba jooga reer Awdal ee ay ugu deeqeen dadkii dhibaatada duufaantu ku habsatay.Gudiga AACNA waxay dadwaynaha u qayqaybiyeen warbaxin rasmi ah oo muujinaysa sidii dadka tabaalaysan loo gaadhsiiyay iyadoo qoraal, maqal iyo muuqaal ah.
Qaybta labaad: ee shirku waxay ay ahayd doorkii aqoonyahanada iyo dadwaynaha sharafta lihi ay ku soo bandhigayeen aqoonta iyo waaya aragnimadooda.Aqoonyahanada halkaa ka hadlay waxa ka mid ah ahaa Professor Ahmed Ismail Samatar,Dr Abdishakur Sh.Ali Jawhar,Dr Ali Bahar , Ustaad Ibrahim Aye,Ustaad Mohamed Farid,Haamud Maasheeye,Ibrahim Absiye iyo aqoonyahano kale oo fara badan oo isagu jira rag iyo dumarba.Waxa kale oo wacdiyo diini ah halkaasi ka jeediyey Sheekh Hamud iyo Sheekh Mohamed Hadi.
Qaybta sadexaad: waxay iyadna ahayd sidii gudiga hore ee ururka soo waday oo waqtigeedu dhamaaday looga wareejin lahaa ee loogu wareejin lahaa maamul cusub oo dadwayanaha hortooda lagu ansixiyo.Gudiga AACNA oo sharciga ururku siinayo in ay magacaabaan cida xilka la wareegaysa ee lagu aamini karo ururkani ayaa soo jeediyey cida ay u arakaan in ay kasoo bixi karaan xilkani. Isla markaana matalaya dhamaan magaalooyinka waa wayn ee North America.Waxay soo jeediyeen dhamaan xubnaha gudiga cusub ee ururka oo gaadhaya 20 xubnood in ku dhaw, Gudoomiyana looga dhigay Ustaad Ibrahim Absiye oo dagan magaalada ee dalka Canada.
Shuruudaha Xulashadu Waxay Ahayd:
1-In qofka xilka qabanayaa uu yahay qof karti iyo aqoon uleh hawshani.
2-Inuu diyaar u yahay oo uu huro waqtigiisa iyo dhaqaalahiisaba siduu uu ummadiisa wax ugu qaban lahaa.
3-In uu dagan yahay North America.
4-Inuu daacad u yahay nidaamka iyo sharciga u dajisan ururka AACNA.
5-Inuu kawayn/kawayn tahay yahay 18 jir
Dabadeed waxa loo soo bandhigay dadwayanaha sharafta leh in ay ka doodaan ,kana hadlaan waxa istaagay sideed qof oo rag iyo dumar isagu jira oo ka dooday,qofwalbana uu fikradiisa soo bandhigay.Dabadeed waxa la bilaabay in cod gacantaag ah loo sameeyo maamulkaasi cusub.Waxay aqlibyad badan ku ansixyeen oo ay taageero buuxda ay siiyeen maamulka cusub halka ay dhawr qof diideen ,waxoogaa kalana ka aamuseen.
Ugu danbayn waxan dadwayanaha sharafta leh ugu balanqaadaynaa in aan soo galino website yada sida ay wax u dhaceen oo muuqaal ah, haddii ay farsamo ahaan suura gasho.Waxa kaloon ilaahay uga rajaynaynaa in uu xilkaasi loo igmaday ku asturo samar iyo dulqaadna u yeeshaan wixii dhib ah ee ka hortimaad.Ilaahay sanadka oo shirku ka dhici doono Ottawa ha inagu gaashsiiyo nabad qab iyo caafimaad.
Wa Bilaahi tawfiiq
Abdirahman Obsiye,
Former AACNA Treasurer.
Chicago,USA
abdirahman37@hotmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Kulankii AACNA Ee Toronto,Canada Oo Si Fiican U Qabsoomay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback