Horyaal(lug)-Waxaa maalmahan danbe isa soo taraya qoraallada been abuurka ah ee sida tooska ah loogu aflagaadaynayo shakhsiyaad aan waxba galabsan iyo dadyow ayna habayaraatee xumaani ka dhaxayn oo la rabo in la isku diro, arrintaasi oo ay dad aan illaa haatan la garanayni emailo bug ah u samaysteen dabadeedna ay shabakadaha wararka u gudbiyaan si ay u baahiyaan.
Arrintaasi oo maalmihii u danbeeyay si wayn loo dareemay ayaa jaahwareer iyo yaab ku ridday dadwaynaha reer Somali land gaarahaanna dadwaynaha reer galbeedka, iyo qurbo joogta deegaannadaasi ka soo jeedda.
Inkasta oo aan la hayn caddayn loo cuskan karo shaac ka qaaddidda cidda ka danbaysa qoraalladan haddana waxaa la isku waafaqsanyahay inay hab ahaan isku dhowyihiin taasoo loo macnaysan karo inay dhowr qof oo cayimani ka danbeeyaan fitnaddaasi.
shabakadda caalamiga ah ee Lughaya news oo farriimo noocaas ahi soo gaadheen islamarkaana qaar kamid ah si ka fiirsasho leh u baahisay ayaa waxa ay raaali gelin u diraysaa dhammaan dadkii qoraalladaasi lagu aflagaadeeyay, waxaanann rajaynaynaa in naloo cudur daari doono maadaama ay saxaafaddu tahay mid u baahan degdeg iyo hubsasho wada socda iyo waliba dhexdhexaadnimo ah dhinaca fursad siinta macaamiisha iyo qorayaasha, iyada oo aannu ka saarnay shabakadda qaar badan oo ka mid ah qoraalladaasi kadib markii aannu ogaannay inay been abuur yihiin.
Haddaba arrintan oo ah masiibo horle oo ay waajib tahay in laga hortego ayaa waxay shabakaddan Lughaya news go`aansatay in ay tallaabo kasta oo ay kaga digtoonaan karto qoraalladaasi xaaraanta ah qaaddo, iyada oo ka dhaqaaqaysa waajibaadka warfaafineed iyo xilkasnimada bulsheed, waxayna shabakaddu u sheegaysaaa dhammaan akhristeyaasheeda sharaftale kuna baraarujinaysaa qodobadan soo socda:
1. Lughaya news oo ah shabakad ay ka howl gelaan wariyeyaal caalami ah oo ehel u ah xirfadda oo kala jooga daafaha dunida , ayaa waxay war kasta ku saxeexdaa sawirka iyo magaca wariyaha soo dira.
2.dhinaca maqaallada iyo fikradaha akhristeyaasha, shabakaddu waxa ay ku hoos qortaa (fikradda qoraagu kama turjumayso aragtida lughaya news) oo ah astaan dhexedhexaadnimo.
3. maadaama ay maalmahan danbe qoraallo been abuur ah oo aan haybtooda la garanayni soo baxeen, shabakaddu waxa ay ka codsanaysaa qoraa kasta oo la soo xidhiidhaya inuu fikraddiisa soo raaciyo telephonkiisa si loo hubiyo haddii laga shikiyo sax ahaanta macluumaadkiisa, iyada oo uu qofka aan rebin in numbarkiisa la baahiyo xaq u leeyahay inuu shabakadda ka codsado inayna ka faafin oo ay u ilaaliso sirnimada maclumaadkiisa.
4. shabakaddu waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan akhristayaasheeda inay ka digtoonaadaan qoraallada xanbaarsan ujeedooyinka aan wanaagsanayn ee la doonayo in ftinad iyo rabshado lagu abuuro.
5. Lughaya news si ammaano iyo hufnaani ku jirto ayay u soo tebisaa wararka iyo aragtiyaha akhristeyaasha kumana dhex qaladdo aragtideeda gaarka ah, haddii ay damcado inay muujiso argatideeda gaarka ah ee dhacdo jirta ku aaddan waxa ay ku soo bandhigtaa maqaalkeeda horyaalka ah sida ay xeerasha mihnaddu dhigayaan, iyada oo ku xisaabtamaysa heerka ay bulshadeennu ka taagantahay saxaafadda.
6. Lughaya news waxa ay ugu baaqaysaa culimaa, u diinka magaca leh ee dalka iyo dibaddaba inay ka hadlaan arrintan aadka u soo ifbaxday baryahan danbe oo ay ummadda u caddeeyaan saamaynta xun ee ay yaalan karto fitnaddaasi iyo aragtida islaamka ee ku wajahan fal danbiyeedkaasi.
Waa mahadsantihiin
Lughaya news = Dhexdhexaadnimo iyo xilkasnimo
Lughayaweb@gmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Lughaya News Oo Qaadaysa Tallaabooyin Ay Kaga Hortegayso Farriimaha Been Abuurka Ah Ee Ujeedooyinka Xun Xanbaarsan "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback