Boon-(Lug)-Munaasibadan balaadhan oo ay goobjoog ka ahaayeen Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka, Gudoomiye ku xigeenka degmada Borama, Xoghayaha G/Awdal, Xildhibaano ka tirsan Golaha degaanka iyo qurba jooga reer Boon ayaa maanta ka dhacday Magaalada Boon, xafladan ayaa waxa ay ahayd mid xadhiga lagaga jray dugsigii sare ee u horeeyey ee laga sameeyo magaalada Boon ayaa ugu horeyn waxa ka hadlay duqa degmada Boon Raage Cismaan Waaberi waxana uu tilmaamay in maanta maalinwayn u tahay waxbarashada Sare ee magaalad Boon waxana uu u mahadnaqay Idiris Muxumed Sacad oo isagu maalgaliyay dugsigan, waxana uu yidhi “Idiris waxa uu gartay waajibkii lagu lahaa qurba jooga kalena waxaan ka rajaynaynaa inay inta dhiman dhamaystiraan”.
Abiib Rooble Xoosh oo isaguna ka mid ah maamulka degmada Boon ayaa waxa uu tilmaamay inay maanta soo afjarantay dhib faro badan oo ardaydu ka mutaysan jireen marka ay dhameeyaan dugsiga dhexe taasi oo u saamixi jirtay inta wax haysa oo kali ahi ay waxbarasho Borama u aadaan, waxana uu tilmaamay inay taariikhdu maanta cidwalba ay qortay, waxana kale oo Abiib Rooble uu xusay in 10 ka macalin ee ka howl gala Boon ay labo ka mid ahi Mushahar qaataan waxana uu ugu baaqay Wasaarada inay si deg deg ah u shaqaalaysiiso Macalimiin.
Abiib Aw Aadan oo isaguna ka mid Maamulka degmada Boon ayaa xusay inuu Idiris Muxumed mudan yahay in lagu daydo isla markaana uu tusay in dadku wax qabsan karaan.
Mudane Abiib waxa kale oo uu carabka ku dhuftay 18kii sano ee Somaliland ay 19 macalin oo ka how gala waxbarashada degmada Boon aanay Mushaharooyin helin isla markaana aanay Wasaaradu Macalimiin hor leh Boon u shaqaalaysiin, taasi oo uu ka codsaday Maamulka Waxbarashada Gobolka inay wax ka badalaan.
Md.Idiris Muxumed Sacad oo isagu maal galiyay dhismaha dugsigan ayaa ka waramay waayihiisii waxbarasho ee dugsiga waxana uu yidhi “ reer Boon waxa ay yaqaaneen reer Boon oo qudha meelkasta oo ay joogaanba , markii aan dugsiga dhexe dhamaynayna waxa nalagu qoray dugsigii sare ee Cadaado oo aanan cidna ka garanayn noloshuna way adkayd, balse maanta da’ayarta wax ka barata Magaalada Boon waxa u suurto gashay inay magaaladoodii ku helaan waxbarasho dugsi sare ah , waa Alle mahadii waxa aan ku dardaarmayaa inay reer Boon isku duubnaadaan qurba jooga kalena waxa aan leeyahay way idin sugaya dhulkiinii waxbadan oo wax ka qabasho u baahana way jiraan”.
Gudoomiye ku xigeenka Golaha degaanka Muumin Gadiid Cumar ayaa isagu ka waramay mawduuc ka baxsan kii waxbarasho ee la hayay waxana uu tilmaamay in degmada Boon ay tahay degmo Cusub una baahan in dhaqaalaheeda la kobciyo waxana uu yidhi “waxa ay Boon u baahan tahay in Cashuuraha la mideeyo oo loo sameeyo goob iyo nidaam xoogan oo soo uruuriya hadii taasi la helo tartan ayay gali kartaa waxana aanay ku guulaysan kartaa inay noqoto degmooyinka A-da ah taasi si loo helo waa in la kobciyaa nidaamka Cashuuraha iyo dakhliga soo galaya degmada”.
Gudoomiyaha Waxbarashada G/Awdal Daahir Maxamuud Xadi oo ka hadlay Munaasibadan ayaa waxa uu tilmaamay inay dugsigani qiimo wayn ugu fadhiyo gudoonka waxbarashada iyo degmada Boonba waxuuna yidhi “Anaga oo la kaashnayna siyaasada waxbarashada ee dalka waxaan garabsiin doonaa dugsigan Cusub oo mahadiisa koowaad leeyahay Idiris Muxumed Sacad, waxa hubaal ah in sida dumuqraadiyada Dalku ay u hormarayso ay dugsiyada Magaalada Boona u hormareen, waxa aan balan qaadaynaa in Mushaharooyin joogto ah loo helo Macalimiinta Wasaaraduna waxa ay ku dadaali doontaa inay dugsigan ku darto saddex fasal, xafiisyo , Store , Library iyo Suuliyo”.
Gudoomiyuhu isaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu ka waramay sida uu ugu hanwayn yahay sida uu waxbarashada Magaalada Boon u hor mari lahayd waxana uu yidhi “Boon waxa ay xarun u noqonaysaa Hadii laha awoodi lihi idmo Jaamacad uu yeesho G/Salal dugsigana waa kii 8aad ee gobolada Awdal iyo Salal ku yaala waana kii ugu horeeyey ee uu yeesho G/Salal waxa kale oo reer Salal ugu bishaaraynayaa in dugsigii sare ee Saylac laga dhigi doono Machadka Waxbarashada Kalluumaysiga oo aan dhawaan hirgalin doono.
Dugsigan sare ee maanta xadhiga laga jaray ayaa waxbarashadiisu waxa ay la kowsan doontaa sanad dugsiyeedka 2008/2009 Waxana la filayaa inay ka soo baxaan Arday ay mustaqbalka ku faanaan dadka degmada Boon.
Wariye
Abokor Hassan Affi
Lughayanews-Boon


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dugsiga Sare Ee Degmada Boon Oo Maanta Xadhiga Laga Jaray "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback