C/raxmaan (Labo Alif) Baa Isaguna Bil Ka Hor Helay Abaal Marin Deeq Wax Barsho Ah Haseyeeshee Lama Qaadan Sobobo Siyaasadeed Awgood.
Ardayda Reer Awdal Ee Sudan Oo Horyaalnimo Aan Caadi Ahayn Ka Muujiyay Jaamacadha Dalkaasi.
Khartoum(lug)-Waxa shalay ka dhacay jaamacadda Africa ee dalka sudan -International University Of Africa- (I.U.A) xaflad aad u ballaadhan oo lagu maamuusayayay shan arday oo ahaa kuwii ugu dhibacaha sareeyay sannadkan kulliyadda sayniska ee jaamacaddaasi, shantaas arday ayaa kala ahaa hal arday oo u dhashay dalkan sudan,mid kenyaati ah, mid Eritrean ah iyo labo Soomaali ah.
Labada arday ee Soomaalida ah oo nasiib u yeeshey inay ku guulaystaan abaal marin sannadeedda kulliyadda sayniska ee jaamacadda Africa ayaa kala ah:
Warsame Xaashi Caateeye oo ah wiil reer Boorama ah kana soo aflaxay dugsiga sare ee al –Aqsa ee Boorama haddana wax ka barta kuliyadda sayniska qaybta Geology-ga ee jaamacaddasi Africa ayaa waxa uu ku guulaystay kaalinta koowaad ee qaybtaasi .Warsme ayaa la guddoonsiiyey shahaado sharaf iyo abaal marrinno kale oo aad u qaaliya.
2) ardayga kale ee soo maaliyeed ee ku guulaysta abaal marintaasi ayaa ah arday reer Muqdisho ah oo magaciisa layidhaa Maxamed Xaaji C/qaadir oo isagu ugu horreeyay qaybta xisaabaadka iyo culuunta computerka.
Marka la soo dhaafo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacada dalkan Sudaan ayaa waxa ardayda reer awdal ay yihiin kuwo aad uga dhex muuqda Safafka hore ee jaamcadaha wadanka suudan.
Xilli haatan bil laga joogo ayaa arday reer Boorama ah oo wax ka barta jaamacadda Juba oo ah jaamacada labaad ee wadankan sudan ugu weyn oo ku guulaystay inuu Noqdo ardaygii ugu horeeyey ee shisheeye ah ee ku guulaystay ka mid noqoshada 10 arday oo aha ardayda Engineeringka oo sanad walba shirkadda PETRONAS ee fadhigeedu yahay dalka Malaysia ay u dirto dalkaasi Maleesiya si ay usoo bartaan PETROLEUM ENGINEERING .
Ardaygaas oo magaciisa la yidhaahdo C/raxmaan Daahir Ibraahim oo kasoo qalin jabiyey dugsiga sare ee Ubaya bin Kacab ee borama ayaa noqday ardaygii ugu dhibcaha sareeyay sanad Dugsiyeedka 2007-2008 ee kulliyadda Engineeringka laakiin nasiib darro markii danbe shirkadda PETRONAS PETROLEUM ayaa waxay ku qancisay C/raxmaan inuu uga tanaasulo fursadan ardayda ree Sudaan maadama ayna soomaaliya xubin ka ahayn shirkaddaasi petrolka ee PETRONAS.
ajanabi ha ahaadee laakiin haddii u ka socon lahaaa wadan PETRONAS ku jira waxa u suuro gali lahayd sida la sheegay unuu nasiib u yeesho deeqdaa waxbarasho ee aadka u qaaliga ah marka loo eego soomaalidu deeqaha waxbrasho ee ay dibadda ka helaaan, iyada ay dhallinta reer awdal ee sudan aad uga xumaatay maalintaasi go`aankii c/raxmaan lagaga reebay 10 kaasi arday sida ay qaar badan oo ka mid ahi noo xaqiijiyeen.
Isku soo duuboo ardayda ka soo baxda dugsiyadda Al-Aqsa iyo Ubaya binu Kacab ayaa ah arday aad uga dhexmuuqata jaamcadaha wadankan suudaan, natiijooyin horyaal ahna ka qaata.
Tuusaale ahaan ardayga Maxamed Xasan Daahir(Awgaab) oo dhigta Jaamacadda I.U.A kana soo baxay dugsiga Al-aqsa ayaa afartii sanaba muujiyay horyaalnimo aan caadi ahayn kagana baxay Darajada A (Grade A) kulliyada Barashada Compuerka( COMPUTER STUDIES) waxa kale oo isna isla kuliyadaa iyo isla jaamcadaas Darajada A kaga qalin jabiyey sandkii hore Mukhtaar Axmed Cabsiiye oo isna kasoo baxay dugsiga al-Aqsa.
C/casiis muxumed Dhabar oo ka soo baxay dugsiga sare ee ubaya bin kacab ayaa isaguna horyaalnimadiisa si joogto ah ugu faral yeela kulliyada xanaananda xoolaha ee Jaamcadda SUDAN( Sudan University Of Science & Technology.
Isku soo wada geeyoo warsame xaashi oo ah arday aad u mustaqbal wanaagsan ayaa waxa tahniyadaynayay dhammaan ardayda Sooaaliyeed ee wax ka barata caasimada kharduum iyo dulahaanba sudan. Waxayna ardaydaasi Ku amaanayeen guusha isaga iyo saaxiibkii Maxamed xaaji ay u soo hooyeen Soomaalida.
Warsame Xaashi
Eng.C/raxmaan Daahir(Labo alif)
Mukhtaar Cali Maxamed (ina Gurguurte)-Khortoom
dahir39@hotmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Warsame Xaashi Oo Ka Mid Ah Ardayda Reer Awdal Ee Sudan Oo La Guddoonsiiyay Abaal Marin Sannadeedda Kulliyadda Sayniska Ee Jamacadda Africa "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback