wariye-hyne1.jpgBoorama-(Lug)-Lix ama toddoba sano kudhawaad uu  Rayaale  haystay xukunka dalka, ayaa waxa la odhan karaa waa wakhtigii ugu fiicnaa xukuumadda uu madaxa ka yahay ee ka kooban  ku dhawaad afartanka wasiir, wasiir kuxigeennno iyo wasiirudawlayaal .Waxa kale oo la odhan karaa waa wakhti dheer oo shicibka reer Soomaaliland ku kala barteen waxtarka iyo wayeelada xukuumaddaasi dalka soo martay intii ay xukumaysay   marka laga eego dhinacyada siyaasadda ,dhaqaalaha iyo nolosha ijtimaaciga ah .

Tan iyo waagaa  lama maqal  wax daldaloollo ah oo soo kala dhex  gala Rayaale iyo xukuumaddisa ,isla mrkaana lama  oga wax amar diiddoo ah ,ama talo soojeedin ah oo ay wasiiradaasi Rayaale u muujiyaan  marka laga reebo  heshiiska dhinaca siyaasadda ee  wadajirka ah ee ay iskaga waabiyeen  dabaylihii siyaasadeed ee ka dhanka ahaa  xukuumadda ee shacbigu muujiyey, kuwaasoo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen tiro aan la ogeyn oo dadweynaha   ka mid ahi .Waa kale oo ay heshiis ku wada ahaayeen sidii dawladdu u meelmarsan lahayd wax kastoo dan u ah ,meelna la iskaga dhigi lahaa wixii shicibka dan u ah .

Tan iyo markii uu dhamaaday wakhtigii shacbiga Soomaaliland Rayaale u doorteen mansabka uu maanta haysto,kuna beegnayd 15kii May ee la soo dhaafay ,ayaa waxa soo baxaya  khilaafyo kale, cabashooyin, kana dhan dawladda kuwaasoo ay ugu dambeeyeen cabashooyinkii Riigga ee dadku ku dhinteen ,iyo kuwa ganacsiga Adhiga ee maanta taagan, iyadoo laga yaabo inay kuwa kalena soo baxaan wakhti kasta .

Si kastaba ha ahaatee dhawr iyo toban sano kaddib oo uu Rayale madaxtooyada ku joogay mansabyo kala duwan, sida madaxweyne iyo madaxweynkuxigeen, ayaa la odhan karaa waxa uu ahaa wakhti dahabi ah, oo aanay  shacbiga reer Soomaaliland  suuqyada cabasho ula soo bixin, amaba aan Rayaale laga cadhaysiin  marka laga reebo  dhacdooyinkii ka dambeeyey 15 May  ee ilaa imika qaarkood socdaan .

Su’aasha la isweydiinayo ayaa ah Rayaale iyo golihiisa wasiiradu sidii hore ma iskugu duubanyihiin mise waxbaa soo kala dhex galay

Inkastoo haddaba aanay dawladdu ka hadal khilaafkeeda ,ama dibudhacyadeeda balse sida ay sheegeyeen warar ku dhaw labada dhinac ,Golaha wasiirada iyo madaxtooyada ayaa  la sheegeyaa in xaalka labadaa dhinac anu ahayn sidii hore, isla markaana ay jiraan xayn wasiirro ah, kana mid ah Golahaasi oo uu Rayaale ku tuhunsan yahay in wax u wadaan dhinacyo kale ..Wararkaasi ,oo an ilaa imika la xaqiijin ayaa dhinaca kale ka warramaya welwel xukuumadda kasoo foodsaaray arrimo qarsoon iyo kuwa muuqda . shirkii  caadiga ahaa ee ay isugu iman jireen golaha wasiirada iyo Rayaale, ee madaxtooyada ka dhacay wiig amaba laba wiig la hor ayaa Rayaale markii ugu horreysay uu wasiiradiisa ku canaantay wax qabad la,aan , isagoo sida la sheegay   dhinaca kale  Rayaale wasiirada halkaa joogay uu uga digay inuu dhammaaday wakhtii fadhigu ,  uuna la xisaabtami doono  waxqabadkooda iyo daacdnimadooda xisbiga UDUB .

Waa hore ayey ahayd inuu Rayaale wasiiradiisa sidan ula hadlo .Waxa kale oo la odhan karaa maxaa keenay in wakhtigan Rayaale wasiiradiisa ula hadlo si ka duwan sidii uu ula hadli jiriyo  sannado ka hor.Sida warakaasi shegeyaan hadalka Rayaale ee ka dambeeyey 15 May ,ayaa la odhan karaa inuu hordhac u yahay bilowga olole siyaasadeed oo ku waajahan doorashooyinka soo socda, iyo kuwa diiwaangelinta haddiba ay dhacaan.

Waa tan labaade ,sida wararku sheegeyaan waxa uu Rayaale shaqaqooyinkii u damnbeeyey ee ka dhashay riiggii koonfurta Hargeysa ka tegey,kuwasoo la sheegay inuu ku tuhunsanyahay qaar ka mid ah wasiiradiisu inay waxba ka qaban waayeen,

iyo arrinta kale oo ah  sida loo xallin karo xaaladda iibka xoolaha Soomaaliland ee ay ku heshiiyeen Aljaabiri iyo Dawladdu,taasoo  la sheegeyo in qaar ka mid ah wasiiradu  ay lasoo safteen ganacsatada adhiga  ee shicibka, taasoo uu Rayaale ka biyo diiday .saddexdaa arromoodba waxay keeneen, sida wararkaasi sheegeyaan, in Daahir Rayaale albaabada ka xidho wasiiradii madaxtooyada iska tegi jiray, isagoo u sheegay inay xafiisyadooda kala soo hadlaan ee anay madaxtooyada dhex  wareegaysan..

Waxa kale oo wararkaasi qaarkood sheegeen in kulan gaar ah oo dhex maray Daahir Rayaale iyo  Masuuliyiinta xisbiga UDUB uu ku wargeliyey inuu hoggaanka xisbigu kala sifeeyo wasiirada  daacadda u ah xisbiga, kuwa wax tari karaya mustaqbalka iyo kuwa an waxba kusoo kordhin karin, taasoo la sheegeyo in qoraal ku saabsan arrintaasi uu xoghayaha guud ee UDUB ,ina Ismaaciil Bulaale  u gudbiyey     Daahir Rayaale, qoraalkaasoo  uu xoghayuhu ku wargeliyey  qiimaynta wasiirada  dhinaca daacadnimada xisbiga, balse aan ilaa imika shaaca laga qaadin  magacyadooda, inkastoo  sida wararkaasi sheegeyaan, uu xoghayaha xisbigu ka calaacalay wasiirada qurbajoogga ahaa, oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa aan badankoodu wax aqoon ah u lahayn nidaamka beelaha iyo sidii ay codbixintooda u taageeri lahaayeen xisbiga UDUB .

Ugu dambayntiina marka la eego xidhiidhka ka dhexeeya hoggaamiyaha dalka iyo wasiirada Soomaalitaasina laga dhadhansan karayey khudbaddii digniinta iyo canaana ahayd ayaa la odhan karaa inuu yahay mid sababay in maanta Hoggaamiyaha Soomaaliland uu  golaha guurtida kaga kalsoonyahay Golihiisa wasiirada . Inkastoo ay jiraan rag daacad u ah  Rayaale, waxase meesha soo galay ayey wararkaasi leeyihiin, kalsoonidarro uu hoggaamiyaha dalku ku tuhunsanyahay wasiiradiisa qaarkood .

Guud ahaan marka isku daro tuhunada caynkaas ah iyo wararkaasi  waxa caddaan ah in Rayaale haatan usoo jeediyey wasiiradiisu inay  ka hawlgalaan arimaha socda, oo ay ka mid yihiin shirka beesha Bariga Burco, ganacsiga  xoolaha, arrinta  Budhcad badeedda  Laas -Qoray ku ku haysta dadka ajnebiga ah  iyo ciidamada soomaaliland ee dhulka kasoo baxay.maleesiyada Puntland ee halkaa joogta , iyo ugu dambayntii doorashooyinka iyo diiwaangelinta  la filayo. arrintaasi amaba hadalka hoggamiyaha dalka  ee maalintaasi aya durba qaar ka mid ah  golaha wasiiradaasi la sheegeyaa inay u dhego nuglaadeen,d urbana qalinka ku duugeen heshiiska dhoofka xoolaha ee Al jaabiri iyo dawladda .waxana laga yaabaa inay bilaha ama wiiggaga soo socda ay kala caddaan doonaan heerka uu taaganyahay khilaafka la tuhunsanyahay inuu soo kala dhex galay Rayaale iyo qaar ka mid golihiisa wasiirada.

 

Wariye:-
Maxamed Cumar Sheekh(Hyna)
Lughayanews-Boorama