Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu maanta isbedel ku sameeyay xilalka ay hayeen Laba Agaasime guud oo ka kala tirsan Wasaaradaha Hawlaha Guud iyo Guryaynta iyo Wasaaradda Horumarinta reer Miyiga iyo Deegaanka.
Madaxweynuhu , isaga oo tix gelinaya hawlaha qaranka ay u hayaan labadaasi Wasaaradood iyo baahida loo qabo in si habsami ah loo dar dar geliyo shaqooyinkooda , waxa maanta oo ay bishu tahay 14-08-08 uu soo saaray go’aan isku bedel xilalka agaasimayaasha labadaasi wasaaradood ay qaranka u hayaan.
Mudane Cabdillaahi Cumar Xasan Guuleed oo ahaan jiray Agaasimaha guud ee Wasaarada Hawlaha guud iyo guryaynta waxa loo bedelay in uu noqdo Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta reer Miyiga iyo Deegaanka .
Mudane Maxamed jaamac Faarax (Baala-weyne)oo ahaan jiray Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Reer Miyiga waxa isna loo bedelay inuu noqdo Agaasimaha guud ee Wasaarada Hawlaha Guud , Guryaynta iyo Gaadiidka.
Madaxweynuhu waxa uu ku faray wareegtadaasi uu soo saaray in maanta laga bilaabo sida ugu dhakhsaha badan ay labadaasi masuul ula kala wareegaan xilalkaasi loo magaaabay.
Alla Mahad Leh
Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " M/Rayaale Oo Isbedel Ku Sameeyay Xilalkii Ay Hayeen Agaasimeyaashii W/Hawlaha Guud Iyo Guryaynta Iyo W/Horumarinta Reer Miyiga Iyo Deegaanka "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback