sl-logo-11.gifUjeedo: Beenin War ku soo baxay  Wargeyska Jamhuuriya Cadadkiisii 3634  ee soo baxay Khamiistii Aug.14/2008, Qoraalkaas oo u dhignaa sidan:
 “In Madaxweynaha uu ku armay  Wasaarada Hawlaha guud Guryaynta iyo Gaadiidka  iyo

Wasaarada Arrimaha Gudaha in gebi ahaanba si deg deg ah  looga saaro dadka shicibka  ah ee ku jira guryaha dawlada  dalka oo dhan.

 Warkaas ku soo baxay wargeyska oo aanu cadayn  meesha uu ka helay  waa waxba kama jiraan

• Waxa haboon inaan wargeysyadu dhaafin shuruucda saxaafada , isla markaana aanay lumin tiqada iyo aaminka shicibka iyo dawladaba.

 Maadaama guryaha dawlada ay ku habsadeen  dad muwaadiniin ah  markii dalka lagu soo laabtay dawladu  markay uga baahato dan  guud waa laga  saarayaa iyadoon la dayacayn dadkaas.

 Guryaha dawlada dadka  ku jira shicib iyo dawladba  waxa la ogeysiinayaa inay iska bixiyaan  kirada guryaha ciddii rabta inay ku sii jirto gurigaas.

• Waxa ka reeban dadka guryaha dawlada ku jira ee noo diiwaan gashan in ay cid kale ku wareejiyaan  guryahaas iib iyo aqiibo  midna

 Waxa kale oo ka reeban in la dhalan  rogo guryaha  dawlada iyo dayrkooda (Compound).

Alla        Mahad                 leh


S.S. Maxamed

Wasiirka WHG/G/ & Gaadiidka