Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa maanta wareegto uu soo saaray uu u magacaabay Gudoomiye cusub gobolka Saraar ee Jamhuuriyada Somaliland.
Madaxweynuhu , isaga oo tix gelinaya qodobka 90-aad iyo qodobka 110-aad ee dastuurka Somaliland iyo baahida weyn ee loo qabo buuxinta jagada hawsha gudoomiyenimada Gobolka Saraar iyo ahmiyada weyn ee gobolkaasi u leeyahay dhismaha Qaranka , waxa uu u magacaabay Mudane Saleebaan Ducaale X. Jaamac in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Saraar.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin isaga oo tix gelin gaar ah siinaya kartida , aqoonta iyo hufnaanta shaqo ee uu leeyahay Mudane Saleebaan waxa uu ku amray in maanta laga bilaabo sida ugu dhakhsaha badan ugula wareego xilka loo igmaday.
Allaa Mahad leh
Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada JSL


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Madaxwayne Rayaale Oo Magacaabay Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Saraar "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback