sl-logo-1111.gifMadaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu maanta u magacaabay Wasiir cusub Wasaarada Dib u Dejinta Somaliland.

Madaxweynuhu , isaga oo tix raacaya qodobka 90-aad ee dastuurka Somaliland , faqradiisa labaad , isla markaana tix gelinaya ahmiyada weyn ee Wasaarada Dib u Dejintu u leedahay dhismaha Qaranka waxa uu u magacaabay Wasiirka Wasaaradaasi Mudane Maxamed Yuusuf Cismaan .

Madaxweynuhu isaga oo ku qanacsan kartida aqooneed iyo hufnaanta shaqo ee uu leeyahay Mudane Maxamed Yuusuf Cismaan waxa uu ku amray in sida ugu dhakhsaha badan uu ula wareego xilka loo igmaday.

 

Alla Mahad leh

 

Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada JSL