Borama-(Lug)-Maalinta ay bisha Augost ahayd 26,waxaay reer Boorama u ahayd maalin farxad iyo naxdin wada xambaarsan .waxa kale oo ay tahay maanta maalin kale oo xamaasado ku salaysan waddaninimo ,qabyaalad ,iyo dabaylo siyaaseed oo cusubi hadheeyeen taasoo ka dhalatay dhawaaqii kasoo yeedhay shirweynaha xisbiga Kulmiye
uga socday magaalada Burco .Dhawaqaasi oo ay reer Boorama u sugayeen siyaalo kala duwan ayaa la sheegeyaa in aakhirataankii uu ku dhamaaday si anay dadweynaha gobolkani ugu wada farxin mama uga wada nixin.
Waxay dadku maanta ,iyadoo roob da’ayo ukala horreynayeen meelaha ay yaallaan sameecadaha debedda laga dhegeysto ee huteelada iyo dukaanada si ay u maqlaan waxa ay idaacadda tashwiishka badan leh ,maadaama anay FM ku lahayn Boorama ay BBCda ka sheegi doonta go’aanka shirweynahaasi muddada la sugayey waxa uu ku dhammaan doono shirweynaha Kulmiye oo ajendishiisa hadheeyeen sidii loo kala reebi lahaa laba musharrax oo reer Boorama ,oo xisbigaasi uga tartamaya mansabka madaxweynmekuxigeenka ,kuwaasoo kala ah Inj.Cabdiraxmaan Cabdilaahi (Saylici) iyo Mudane C/Raxmaan Aw Cali Faarax
Inkastoo reer Boorama ay ogaayeen sida uu ku socdo shirkaasi ,balse anay ogeyn waxa kasoo bixi doona ,ayaa aaakhirataankii idaacaddaasi u sheegtay in labadii musharrax ee halkaasi ku loolalamyey uu ku adkaaday Injineer Cabdiraxmaan Saylici ,halka musharrax cabdiraxmaan aw calina uu shirkaasi kasoo baxay .Warkaasi BBcda kasoo yeedhay aya markiiba dareen kala duwan ka dhaliyey Boorama ,waxayna markii laga dareeray goobahaasi dadkii dheeysabnayey halkaasi kala tegeen dareenno kala duwan oo xambaarsan farxad iyo naxdin .
Inkastoo anay ilaa imika ciina si cad u sheegin dareenkooda ku aaddan natiijada shirweynaha Burco ,waxase si cad loo maqlayey durbaanka qarsoon ee kasoo yeedhayey kooxahaha taageersanaa in Md. C/Raxmaan Saylici noqdo musharrax mansabka madaxweynekuxigeenka xisbiga Kulmiye ,halka kooxahah taageersan in Md. .C/Raxmaan Aw Cali taageersanaa ay halkaasi kala tegeen cadho iyo guux fara bdana oo ku salaysnaa arrimo kala duwan .
Si kastaba ha ahaatee go’aanka kasooa yeedhay Kulmiye ayaa noqon doono mid dalkan ka sameeya isbddel siyaasadeed oo dimuqraadi ah haddii laga gudbo dareenka ka dhashay magacaabista C/raxmaan Saylci loo magacaabay musharrax madaxweyne kuxigeenka xisbigaasi mucaaradka ah,sababtoo ah waxa durba bilow ah ,amaba qaybo ka mid ah dadweynaha magaalada laga dareemayaa inuu jiro faraq siyaasadeed oo ah kii ugu xumaa ee weli soo kala dhex mara dadweynaha gobolkan Awdal oo shan sano amaba lix sano ku dhawaad ka hor Daahir Rayaale si wadajir ah ugu doortay mansabka madaxweynaha soomaaliland ee uu maanta ku fadhiyo inkastoo wakhtigii loo doortay dhammaaday 15kii May.
Reer Boorama ,oo durba ay soo wajahayso jawi siyaasadeed oo hor ah isla markaana an la saadaalin karin waxa kasoo bixi doona ayaa siyaalo kala duwan uga warramaya waxa dhaliyey
Markii ay maqleen in Mudane C/raxmaan AwCali lagaga guuleystay tartanka loollankaasi siyaasadeed ,waxa markiiba bilowday faallooyin ku saabsan waxa dhaliyey guusha iyo guuldarada labadaa muisharrax kala kulmeen shirweynaha xisbigaasi Kulmiye .
Haddii an ku horreynno taageerayaasha musharrax Md. Cabdiraxmaan Saylci ,waxay guusha la sheegeyo inuu mansabkaasi loo doortay ku hantay ay tahay
1.Olole xoogle oo sannado ah oo uu kusoo jiray ilaa intii uu xisbigaasi ku biiray wakhtii doorashada golayaasha deegaanka 2002dii ,waakhtigaasoo raxan ka mid m usharraxiintii xisbigaasi ee golaha degaanku ku guuleysteen inay kuraas ka helaan golaha degaanka Boorama .
2.Waa tan labaade waxay guushaasi ku sifeeyeen mid uu Md. C/badiraxmaan Saylici ku helay taageero gudaha iyo debeddaba leh oo uu ka helaty tolkii,taageerayaashiisa ,isla markaana uu naf iyo maalba ku bixiyey xisbigaasi .
3.Waa tan saddexaade isagoo an Md. C/Raxmaan Saylci anay weli iska hor imanin hoggaanka sare ee xisbiga Kulmye ,isla markaana anu cadow badan ku lahayn hoggaankaasi .
4.Waa tan afraade Md. Cabdiraxmaan Saylci ayaa la sheegeyaa inuu taageeradan ku helay daacadnimadiisa dhinaca mucaaradka ,isagoo maamulka Rayaale intii uu ka jiray dalkan uu cadaadis xoog leh ku hayey danihiisa ,sumcaddisa iyo taageerayaashiisaba.
5.Waxay sheegeyaan in taageerada Md. Cabdiraxmaan Saylci lagu siiyey Burco ay ahayd iyadoo hoggaanka dalka iyo maamulka gobolkan Awdal uu gacanta ugu jiray beel keliya oo ka tirsan beelahah Awdal ee ay kasooa wada jeedaan Madaxweyne Rayaale iyo Md.Cabdiraxmaan Aw Cali ,sidaa darteedna loo baahanyahay in siyaasadda gobolkan ay kusoo biiraan dad cusub oo dhallinyaro ah .
6.iyadoo dadka qaar aaminsanyihiin in beesha uu kasoo jeedo Cadiraxmaan Aw Cali anay taageero siyaasadeed ama codkooda siin doonin madaxweynekuxigeen ,maadaama ay beeshaasi oo ah beesha J/yoonis ,haysato mansabka madaxweynaha ,
Haddii an u leexanno siyaalaha la sheegeyo inuu musharrax mansabka madaxweynekuxugeenka xisbiga Kulmiye uu ugusoo bixi waayey Md. Cabdiraxmaan Aw Cali ayaa la sheegeyaa inay sabab u yihiin arrimahan soo socda .
1.Cabdiraxmaan Aw Cali oo hoggaanka sare ee xisbigaasi an xubin ka ahayn,balse musharrax uun ka ahaa
2.Md..Cabdiraxmaan oo colaad siyaasadeed u dhaxaysay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye AXmed Siilaanyo ,iyo Muuse biixi ,sidaa darteedna ay olole xoogle u galeen inay Cbaduiraxmaan Aw Cali ka fogeeyaan saaxadda siyaasadda .
3.Taageerayaasha Cbadiraxmaan Sayalci ,oo markii hjoreba sheegay in khaati ka joogaan maamulka beel keliya ahi ay gacanta ku hayso awoodda siyaasadeed ee gobolka awdal sidaa darteedna loo baahanyahay isbeddel.
4.Sifaha c/Raxmaan Aw Cali Loo dhaafiyey musharrxnimada ayaa iyaduna aha dareen ka dhashay Maamulkii marxuum Cigaal ,taasoo uu axmed siilaanyo cabsi weyn ka qabay inay isaga iyo C/Raxmanaan aw cali isku QABSDAAN maamulka dalka haddii ay guuleystaan .
5.Beelaha dhexe ee Soomaaliland siyaasiyiintooda oo ay weli ku jiraan qaar cadaawad badan u haya Md./Cabdiraxmaan Aw Cali.
6.Dhinaca dhaqaalaha oo anu Cabdiraxmaan Aw Cali qaadhaan siyaasadeed anu ka helin tolkii ,debed iyo gudaba .
7.arrimaha kale ee ay ka sheegeyaan go’aaminta shirweynaha xisbigaasi ku doortay C/raxmaan Saylci ayaa iyaduna ahbaa la leeyahay laaluush la siiyey shirguddoonka shirkaasi ,iyagoo dhinaca kalena ballanqaadyo u samaynayey C/raxmaan Aw Cali inay dhexdhexaad noqon doonaan .
8.Dadka qaarkood ,gaar ahaan siyaasiyiinta beelahah dhexe oo aaminsan in C/raxmaan Aw Cali hoosta ka taageero madaxweyne rayaale ,isla markaana anu dagaal siyaasadeed oo dhab ah la gelin Daahir Rayaale .
Guuid ahaan arrimahaasi iyo kuwa kale oo lagu sababayn karo kala saarista labadaa musharrx ee reer Boorama ah ,ayaa ay adagtahay in la saadaaliyo waxa kasoo bixi doona marka ay dhaqaaqaan arrimaha doorashooyinka soo socda maadaama weli mugdi badani saaranyahay ,amam dadka qaarkii siyaalo kala duwan u sheegeyaan sifaha uu u dhacay shirweynaha xisbigaasi ,waxayna noqon doontaa haddii xaaladdu sidaa sii ahaato in awooddii xisbigaasi kaga qaybgeleyey doorashooyinka soo socdaayi ay wiiqmi doonto haddii an xal loo helin khilaafka siyaasadeed ,kan beeleed iyo kan xisbi ee cirka isku shareeray taasoo keeni karta inay markii ugu horreysay taariikhda reer awdal ku kala tegaan arrimaha siyaasadda ,sidaa darteedna loo baahanyahay dedaal kale oo dhaafsiisan shirka Burco in laga galo haddii la doonayo inuu dalkani ka badbaado maamulka Rayaale ,haddii cadaawadda Axmed Siilaanyo ka abuuray shirkaa Burco ,waa mid jidka usii xaadhi kartyo guulo siyaasadeed oo uu dalkan kusii xukumo Hoggaamiyaha xisbiga UDUB ,Daahir Rayaale ,sida ay sheegeyaan dadka odayaasha ah ee maanta arrimahan ka faalloomayey.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughaya News-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Boorama:Sidee Looga Soo Dhaweeyey Musharaxnimada Mansabka M/Weyne kuxigeennimada Xisbiga Kulmiye, Ee Eng.C/raxmaan Saylici Sideese Looga Xumaaday? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback