Borama-(Lug)-Xubno ka tirsan komishanka doorashooyinka qaranka ayaa booqasho hawleed ku jooga magaalada Boorama,xubnahan oo manta soo gaadhay magaalada Boorama ayaa waxa ay ujeedada safarkoodu tahay sidii loo dardar galin lahaa hawlaha diiwaangalinta ee horyaala komishanka.
Md. Jamac Maxamed Cumar (Sweden) oo xubnahan hogaaminaya ayaa Lughayanews u sheegay in ay hawlaha diiwaangalintu mudo qaateen balse imika la joogo waqtigii la soo afjari lahaa, waxana kale oo uu tilmaamay in ay hawshu tahay mid aad u balaadhan oo u baahan dhaqaale xoogan, waxana uu sheegay in ay xukuumadu arintan la kaashatay hatado caalami ah iyo dalal kale oo dibada ah.
Md. Jaamac Sweden mar uu ka waramay hawsha ay u socdaan ayaa waxa uu yidhi “ waxaan u soconaa diyaarinta shaqaalihii hawsha diiwaan galinta wadi lahaa, waxana garab wayn nasiinaya jaamacadaha Camuud, Hargaysa iyo Burco oo aan rabno in midiiba aan ka qaadano 120 shaqaale ah oo u badan ardaydii ka qalinjabisay jaamaca oo aan ku xulanayno xirfadaha Computer-ka.
Waxa uu xusay mudanuhu in ay 3da xisbi qaranba arintan taageersan yihiin hadii ay hirgashana ay noqonayso mid la mid aha nidaamada caalamiga ah ee dunida hore martay, waxana uu sheegay in ay hawlahan ka qayb qaadanayaan dadkabadan 4000 oo qof oo dalka oo dhan ah.
Waxa kale oo uu ka waramay in ay hawshu ka dhici doonto 990 goobood oo dalka oo dhan ah gobolka Awdalna ay ka qabsoomi doonto 153 goobood oo ay socon doonto mudo 2 bilood ah. Dhinaca nabadgalyada ayaa waxa uu tilmaamay Jaamac inay xukuumadu xil iska saartay oo y fiican tahay.
Waftigan ayaa waxa uu Boorama ku sugnaan doonaa mudo 4 cidho ah waqtigaas oo uu kala xuli doono xubnaha 120ka qof ah ee hawsha diiwaan galinta ka qayb gali doona.
![]()
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughaya News-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Komishanka Doorashooyinka Oo Soo Gaadhay Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback