Tartankii Nabada Ee Uu Ururka SAYS Qabtay Guul Ayuu Ku Dhamaaday”
garoonka-oo-la-soo-galayo.JPGBoorama-(Lug)- ciyaar xiiso badan oo ahayd finalkii koobkii nabada ee uu maalgaliyay ururka SAYS ayaa maanta la soo gabo gabeeyay, ciyaartan oo ay daawashadeeda ka soo qayb galeen dadwayne dhawr kun gaadhaya ayaa waxa ay ku dhacday jawi cimilo oo aan wanaagsanayn, ciyaarrta waxa dib u dhigay roob cir cadaadi ah oo mudo hoorayay kaasi oo sababi gaadhay in ay ciyaartu mar kale baaqato, hase yeeshee waxa suurto galiyay in la sugo go’aan adayga garsoorayaashii maanta.

garoonka-oo-la-soo-galayo.JPG

Markii ay ciyaartu bilabatay waxa ay ku bilaabatay jawi kulul oo ay koox waliba doonayso in ay ku hanato koobka dhalaalaya ee badda yaala maanta, taasina waxa ay sababtay in  sawaxanka taageerayaashii maanta uu sii daddar galiyo weerarada ciyaarta ee ay labada kooxood is waydaarsanayaan.

muuqaalka-maalgaliyha-qoraalkiisa.JPG

Dabayaaqadii qaybtii hore ee ciyaarta ayaa eeraryahanada kooxda B1-ku waxa ay ka fgaa’iidaysteen kubad uu dayacay goolhayaha kooxda C/reagon taasi oo sababtay in gool khasab ah ay shabaga la hubsadaa.Waxana ay qaybtii hore ee ciyaartu ku soo gabo gaboowday 1:0 lagu kala nastay.

kooxda-reagan.JPG

Markii la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa labada kooxoodba wxa ka muuqatay in ay aba ujeedo kala wataan, kooxda B1-ku waxa ay qaabciyaareedkeedii u badashay difaac ay ku ilaashanayso in uu gool ka dhasho iyada oo isku halaynaysa goolkaasi madida ah ee ay keensadeen, halka kooxda C/Reagon ay soo gashay garoonka iyada oo weerar ah weeraryahano kalana uu tababare Yuusuf garoonka soo dhoobay, waxase weerr walba oo la qaado fashilinayay difaacii birta ahaa ee kooxda B1ka.

tashigii-kooxda-b1.JPG

Si kastaba ha ahaaytee 90kii daqiiqo ee maantu waxa uu ku dhamaaday 1:0 ay guushu ku raacday koxda B1ka. isla dhamaadkii ciyaarta ayaa kabtanka kooxda B1-ka Md. Asad uu Lughayanews u sheegay in uu maanta ku faraxsan yahay guushan uu gaadhay oo ah mid aanu filayn, waxana uu aad ugu mahad naqay ururka SAYS iyo Wasaarada ciyaaraha oo koobkan suuro galiyay in uu i fiican u dhamaada.

kabtan-asad-kooxda-b1.JPG

Tababaraha kooxda B1 Md. Jamac  ayaa isaguna u sheegay Lughayanews in ay guushani tahay mid uu filayay, waxana uu yidhi waxa aan u hibaynayaa dhamaan inta Spotrtiga jecel oo ay ugu horeeyaan ururka SAYS iyo wasaarada ciyaaruhui, waxana uu ka dalbaday in la dardar galiyo ciyaaraha gbolka oodhan.

tababare-jaamac.JPG

ka sokow ciyaartii xamaasada lahayd ee maanta waxa uu sportiga Boorama ku talaabsaday hormar waxana ka muuqday in uu isbedelkaasi yahay mid ka tarjumaya in ay bulshadu u bislaatay citaaraha waana maalntii u horaysay ee ciyaaryahano xidhan garamo ay magacdoodu ku qoran yihiin lagui arko garoomada Boorama.

muuqaalka-marada-maanta.JPG

Wariye:
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama