Burco-(Lug)–Wadahadalo maanta iyo shalay uga socdey magaalada Burco laba guddi oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayna kala hoggaaminayeen Hoggaanka xisbigaas iyo labadii musharrax ee ka cadhooday Shirkii Golaha Dhexe ayaa caawa la soo gebagebeeyey

, isla markaana laga soo saaray heshiis ay labada dhinac ka gaadheen khilaafkii soo dhexgalay xisbiga ee ka dhashay qaabkii doorashada musharraxiinta ee shirka Golaha Dhexe.

Go’aamada ka soo baxay wadahadalka oo ay labada guddi u saxeexeen, Muj. Maxamed Kaahin Axmed iyo Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, waxay u qoran yihiin sidan:

“Shirkii kalfadhiga 1aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, kuna qabsoomay magaalada Burco 24-26 August, 2008, waxaa ka soo baxay khilaafaad. Si loo xaliyo, wadahadalna loogu dhammeeyo khilaafaadka, waxaa dedaal aad u ballaadhan ka sameeyey odayaal iyo waayeel reer Burco ah. Waxayna gogol ay ku wadahadlaan u fadhiyeen masuuliyiintii xisbiga ee khilaafkaasi khuseeyey, sidaana waxay ku suurtageliyeen inay isugu yimaaddaan masuuliyiintaasi wadahadal iyo wada tashi 27-28kii August, 2008.

Wadahadal iyo wadatashi dabadeed, waxay isku afgarteen, kuna heshiiyeen qodobadan hoos ku qoran:

 Inuu sii socdo wadahadalka iyo wadatashigu.
 In si wadajir ah loo ilaaliyo, loona adkeeyo midnimada iyo wadajirka xisbiga.
 Khilaafaadka iyo dareemada ka dhashay shirkii kalfadhiga koowaad ee Golaha Dhexe ee KULMIYE oo lagu qabtay magaalada Burco in lagu xaliyo wadahadal iyo wadatashi.
 Inta wadatashigu socdo waxaa ka reebban dhinac kasta in la faafiyo dacaayado iyo borobogaadhe warbaahinta lagu faafiyo. Wixii warbixin ah ee arrintan ku saabsan waxaa faafinteeda go’aan wadajir ah ku gaadhaya Guddiyada wadahadlaysa.
 Kulanka wadahadalka ugu horreeya waxa lagu heshiiyey in lagu qabto Hargeysa maalinta Salaasada ee 2da September, 2008. Xidhiidhinta kulamada waxaa ka masuul ah Axmed Maxamed Siilaanyo, Cabdiraxmaan Aw Cali [iyo] Axmed X. Cali Cadami.

MAGACYADA MASUULIYIINTA HESHIISKU DHEXMARAY:

Axmed Maxamed Siilaanyo, Guddoomiyaha Xisbiga.
Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyekuxigeen
Cabdiraxmaan Aw Cali
Axmed X. Cali Cadami
Maxamed Kaahin Axmed
Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne)
Maxamed X. Maxamuud Cumar-xaashi
Cumar Cilmi Dixood
Maxamed Cabdi Iskeerse
Dr. Cabdi Aw Daahir
Xuseen Axmed Caydiid
Maxamed X. Yuusuf (Waabeeye)
Ibraahim Jaamac Cali-dheere (Reyte)
Deyr Maxamed Cilmi

 

Xigasho Somaliland.org