Hargeysa-(Lug)-Musharaxiinta Jagooyinka Madaxwaynaha iyo M/Ku xigeenka u matalaya doorashooyinka Madaxtooyada ee Fooda inagu soo haya xisbiga Kulmiye Md.Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Eng.C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici)
oo ay weheliyaan Gudoomiye ku xigeenada iyo Xubno ka tirsan Gudiga Fulinta ee Xisbigaasi ayaa saaka ku soo laabtay Magaalada Hargeysa, ka dib markii ay ka soo kicitimeen magaalada Burco oo uu ku qabsoomay Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye 23 bishani aynu ku jirno.

Masuuliyiintan iyo Hogaanka Kulmiye ayaa waxa Tuulada Haleeya ee duleedka Bari ee Magaalada Hargeysa, kaga hortagay oo ku soo dhaweeyey Taageerayaal badan oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye.
Gudoomiyaha Kulmiye Md.Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Masuuliyiintan Wehelinaysay kuma ay hadlin khilaafkii dhawaan ka dhashay shirkii Golaha dhexe.
Sidoo kale Md.C/raxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed X.Cali Cadami oo ay weheliyaan Xubno ka tirsan ergadii golaha Dhexe ee taageersanaa labadaasi Musharax ayaa iyaguna saaka ku soo laabtay Magaalada Hargeysa.
Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Lughaya News-Hargeysa
Cumarfaarax2@hotmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Musharixiintii Madaxwaynaha Iyo M/Ku Xigeenka Ee Xisbiga Kulmiye Doortay Oo Ku Soo Laabtay Caasimada Hargeysa "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback