images.jpgBoorama-(Lug) Magalada Boorama waxa la isku raacsan yaay in ay caawa tahay habeen Ramadaan ah waxana ay dadku bilaabeen u diyaargaroowga bisha Ramadaan ee sanada1429 ee Hijriyada.

Salaadii Makhrib markii laga baxay ayaa Sheekhul Baladka Magaalada Boorama Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar uu ku dhawaaqay in ay caawa tahay habeen ramadaan ah waxana uu dalka ka dalbay in la camiro masaajidada iyada oo laga faaiidaysanayo fadliga bishan ramadaan.

Samadkan 2008 ayaa waxa ay bishani ku soo hagaagtay waqti ay noloshu adagtahay lagana dayrinayo goobaha miyiyada ah ee Gobolada Salal iyo Awdalba, waxana xalada sii murjiyay abaaro daba dheeraaday oo dadkaas ku habsaday, waxase xiiso badan in dadku badi ay bishan Alle bari iyo duco ku jeedaan oo ay rajaynayaan in uu Eebe ka dul qaado abaarta iyo rao xumada labadaba

Wariye:
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama