Kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen xubnaha golaha dhexe ee ururka adal network fund ee fadhigiisu yahay wadankan U.K ayaa lagu qabtey magaaladan london, kulankan oo ay ka soo qeyb galeen dhamaanba xubnaha golaha dhexe oo ka kooban 31 xubnood 7ka mid ahna yihiin haween.

isu imaanshiyo buuxa iyo isbarasho balaadhan ka bacdi waxaa lagu lafa gurey hawlaha hor yaala ururka iyo doorashada 11ka xubnood ee ururka u noqon doona golaha joogtada ah ee uu yeelanayo.

Cod bixin baaxad leh oo lagu baandheynayey 31ka xubnood ee golaha dhexe ayaa boga hore ee ururka lagu duugey 9ka mid ah 11ka xunbood ee golaha joogtada u noqon doona ururka, halka labada xubnood ee 11ka ka dhiman ay yihiin laba ka mid ah todobada haweenka ah ee ku jira golaha dhexe ee ururka  cod bixintoodana dib loogu riixey maalmaha soo socda laakiin loo sii baneeyey u qoondeynta xilalka ay qabanayaan, cod bixintii la qaadey waxey u qorneyd sida tan:

1: Hassan Muse Khalif - Chair
2: Abdirahman Haji Dahir Elmi (Aided) - Vice Chair 1
3: Abdirahman Abdilahi Jimaleh - Vice Chair 2
4: Ibrahim Mohamad Amin - Secretary
5: Omar Jama - Treasury
6: Ahmed Hassan Ofleh - Projects and Grants
7: Abdirahman Omar Bille - Development Office
8: Mohamed Hamud Sheikh - Publicity and Advocacy
9: Faisal Abdillaahi - Youngs People Affairs

Labada haweenka ah ee ka dhiman 11kaa xubnood ayaa xilalka ay qaban doonaan kala yihiin gudoomiye ku xigeenka saddexaad ( Vice Chair 3) halka xubinta kale ka noqan doonto mid xambaarta madaxa arimaha haweenka ( Women Affairs).

Ururkan magiciisu yahay adal network fund ( A.N.F) oo dhawaan dhismihiisa lagu dhawaaqey maaha markii u horeysey ee uu kulan yeesho hase yeeshee waxaa jirey kulamo is daba joog ah oo ay mar walbe oo loo baahdo yeelanayeen xubnihii aasaasey iyo xubnihii la qaatey fikirkan suuban ee laba shubkiisu ka dhashey su,aasha ah sidee beynu dadkeena iyo dalkeena wax ugu qaban karnaa?
Dabaqada guud ee ururka ugu sareysa ayaa ah mid ku magacaaban ka mid ahaanshaha qof kasta oo jecel inuu xubin ka noqdo kaas oo midabkiisu noqon karo madow ama cadaan, maxaa yeeley waa urur u taagan samafal ee maaha urur u taagan in gaara oo isu-gobol ah,

Dabaqada ku xigtaa waa 31ka xubnood ee golaha dhexe u ah ururka oo lagu soo dooranayo sida dastuurka ururku cadeynayo hal mar sanadkiiba kulankooduna noqonyo hal mar bishiiba, halka dabaqada ugu hooseysa ay hadhsanayaan 11ka golaha joogtada u ah ururka  oo iyagu ah fuliyaasha xeer hoosaad yada dastuuriga ah ee ururka u yaala, kuwaasi oo uu dushooda saaran yahay culeys weyn iyo waliba dhaqaajinta ururka maah-maah soomaaliyeed baa aheyd nin xil qaadey eed qaad waxaan leenahay alahayow u fududee xilka ay xambaareen hamigoodana ka yeel mid hirgala hadafkoodana ka dhig mid harumar la keeni kara.

Hadaba maxey yihiin ujeedooyinka loo aasaasey ururka? maxeyse budhigayaasha 31ka xubnood ka kooban ugu baaqayaan bulshada cadaan iyo mawoba leh? muxuuse kaga duwan yahay ururada kale ee afar qaadka socodkiyo afmeerka sumadoodu tahay AWDAL iyo afar erey oo ag yaala?

*Walow xeerka dastuuriga ah ee ururka u yaala yahay mid cadeynaya himilada ururka, ujeedooyinkiisa iyo damiciisa harumarineed ee uu hiigsanaayo hadana waxaan ku soo koobi karnaa in ujeedooyinka ugu muhiimsan ee ururkan laga leeyahay yihiin isu-xidhka jaaliyada dibada iyo ta dalka gudihiisa ku sugan iyo waliba u kala dab-qaadida xidhiidhka qotoda dheer leh ee ka dhexeeya labada magaalo ee saaxiibka ah HENLEY IYO BORAMA si aan xidhiidhkoodu u noqan mid duuga ah, balse uu mar walbe u ahaado mid joogto ah oo jadiida.
 
*31ka xubnood ee ururka bud dhigayaasha u ah waxey bulsho weynta soomaaliyeed iyo bahda caalamkaba ugu baaqayaan in ay qalbi furan iyo qosol furan ku soo dhaweynayaan cid kasta oo ururka aqoon ku biirin karta, aduun ku biirin karta, arina ku biirin karta.
 
*Wuxuu kaga duwan yahay ururda kale:
1: Waa urur loo siman yahay oo dhankii laga eegaba ah madhaafaan, dhaliil ma leh garaadkii dhidibada u taagey.
 
2: Waa urur ay ku kulmeen indheer garad, gar yaqaan, aqoon yahay, aftahan, arji fuliye, arin wanaaje, araa kulmiye, ax-daweeye, ab-siyaarte, aduun hure iyo aasaase hufan halka haweenka ku jira ay ku sifoobeen haneeya, handaafiya, hanuuniya iyo hagaajiya.
 
3: Waa urur waayeel u wada heelan yahay, wadar haween u wada hagoogtey, waaxyihii dhalintuna u wada hayl haylshey sidii salablihii aar.
 
Sidoo kale xubno badan oo ururka ka tirsan ayaa ah kuwo ku abtirsada hogaamin suuban oo ka soo shidaal qaadatey la soo shaqeyntii hayadaha samafalka, kuwa dawliga iyo waliba warbaahinta caalamka hadaba miisaankan isu-dhafan misana isu-dhinaca ah waa mid dheelitirankiisa aqooneed, awoodeed iyo amaanaba keeni karto hawraarta ah hadal yar iyo hawl badan oo saldhig u noqota hadafka ururka.
 
Inskata oo ururku xaley dhaley ka yahay dhinaca siyaasada hadana waxaa cad diyaar u noqoshada in uu door laxaad leh ka ciyaaro hanaanka harumarineed ee ay maanta umada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogtaba ku joogaan raadkiisa iyo rayskiisaba taasi oo ay ugu horeyso dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo baahiyaha wadooyinka.
 

Abdirasaaq Hammaal
A.N.F London U.K
E-mail:
rasiiqi07@hotmail.com