riiga_iyo_xumbo_weyne_1.JPGHargeysa(lug) Riigii Ceelasha biyaha  ka qodayay  tuulada Xumbo weyne oo ilaa 18km  waqooyi bari kaga  beegan  Magaalada Hargeysa ayaa dhamaystiray Ceelkii  labaad ee uu biyo ka gaadho.

riiga_iyo_xumbo_weyne_1.JPG

Riigan oo ah riig casriya oo uu inagu caawiyay  inuu dalka ceelal biyoodyo fara badan  ka qodo raysal wasaare  ku xigeenka dawlada Imaaraadka Carabta Sh. Xamdaan  Binu Saa’id , waxa uu ka dambeeyay safarkii  uu Madaxweynuhu ku tegay imaaraadka carabta  oo uu waydistay inay dhinaca
qodaalka biyaha  ka caawiyaan Somaliland.

Xoghayaha Madaxweynaha JSL Daahir Cali Iid oo shalay kormeer ku tegay dooxa Xumbo weyne ee riigaasi hada ka qodayo  ceelasha ayaa isagoo saxaafada ugu waramayay  goobtaasi waxa uu sheegay in ceelkan labaad ee uu dhameeyay riigu  uu biyaha kaga gaadhay 130 mitir, kaasi oo loo dhamays tiray  keesinki  ceelka lagu  xidhayay iyo daynabadii biyaha ka soo saaraysayba, isla markaana uu hore u dhamaystiray  ceel 140 Mitir  ay isna biyo kaga  gaadheen , iyadoo uu isla shalayna bilaabay  qodida ceelkii
saddexaad.

Waxa kale  oo uu sheegay in ceelasha  biyaha  ee la qodayaa  ay qayb ka yihiin dedaalada Madaxweynuhu ugu jiro inuu biyaha ku  filan  caasimada iyo guud ahaan dalkaba intii laga heli  karo uu ugu soo saaro.Waxa uu tilmaamay  in uu u bogay  siday  hawsha  qodista biyo soo saarka u wadaan hawl wadeenada riigaasi  , kuwaasi  oo  uu sheegay inay  si xilkasnimo ah shaqadooda  u wadaan , isla markaana  waxa uu  u mahad celiyay  hawl wadeeno riigaasi oo ah mid casriya oo lagu wado inuu ceelal badan oo kale  dalka ka qodo.

Eng Maxamed oo ah  injineerka ku qodaya riigaasi u dhashay dalka Suuriya ayaa isaguna  wuxuu warbixin  ka siiyay ceelkaa labaad ee ay dhameeyeen iyo kii hore ee ay halkaasi ka qodeenba Xoghayaha Madaxweynaha Daahir Cali Iid, wuxuuna si qoto dheer sharaxaad uga bixiyay  ceelashan  uu dhamaystiray ee Xumbo-weyne  oo uu sheegay  inay biyahoodu ay bad yihiin , isla markaana ceelashaasi  biyo badnaan waxay  ka qabaan  xataa iyadoon
bam  biyaha ka soo saarin loo isticmaalin laga cabi karayo , kuwaasi oo sidii  dur durka ay  biyuhu uga soo baxayaan  ama uga soo butaacayaan. Riigan ayaa hore laba ceel uga soo qoday Botor  oo degmada Gabilay ka.

 

contact@somalilandnation.com