Riyaad(lug)-dalkan boqortooyada Sucuudiga ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay bilatay Ramadaan kadib markii ay bishii Shacbaan 30 ku dhammaatay, sidaasna waxaa dadwaynaha ku wargelisay wasaaradda warfaafinta iyo dhaqanka ee dalkan iyo waliba golaha sare ee garsoorka Sucuudiga
iyada oo galabnimadii sabtidii inna dhaafteyba aad loo dhawrayay curashada bishan Ramadaan, waxaana caawa salaaddii cishaha kadib-ba la bilaabay camiridda masaajidda iyo gudashada salaadda taraawiixda.
sidoo kale guud ahaanba dalalka Khaliijka, Masar,Suuriya, Lubnaan, Yemen iyo Ciraaq ayaa iyagana caawa lagaga dhawaaqay inay Ramadaan kowsatay, halka Libya maanta Axaddii laga soomay, iyada oo ay xarunta qaabilsan diraasaadka la xidhiidha cilmiga Falagga ee dalkaasi Libya galabnimadii sabtidiiba ku dhawaaqday inay bishii Shacbaan ku ekeyd sabtidii inna dhaaftey, taasina ay macnaheedu tahay inay 29 ku dhammaatey.
sida la ogyahay dalka Libya ayaa inta badan khilaafa dallaka kale ee Muslimka ah ee uu Sucuudigu ugu horreeyo marka la gaadho kowda Ramadaan ama gabogebadeeda, arrintaasina dad badan ayaa u aaneeya muranno siyaasadeed oo labada dal u dhexeeya.
Wariye:-
Zakariye Xuseen
Lughaya news — Riyaad


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Sucuudiga Iyo Inta U Badan Dalalka Islaamka Oo Caawa Lagaga Dhawaaqay Curashada Ramadaan "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback