Qatar-(Lug)-Waxa Xalay iyo Maanta si Toosa looga Daawanayey Hotelka Hargeysa Restaurant ee ee ku Yaala Caasimada Wadanka Qatar Telefishanka Qaranka Somaliland oo Markii u Horaysay laga Daawado Wadanka Qatar

Waxana  Halkaas Isugu yimid  jaaliyada Somaliland ee ku nool  Wadanka Qatar, iyaga oo ay ka muuqato indhahooda farxad iyo rayrayn, isla markaana waxa  lagu soo xidhay Shaashad Wayn oo Tv ah iyo Qol aad loo Qurxiyey oo marka aad soo gashid ay markiiba Qabanayso indhahaga Dad aad u Faro badan iyo meel la kala Fadhiisto,iyada oo Qaarkood ay ku dawanayeen iyaga oo tagan

Madaxa Warfaafinta Jaaliyada Ahna Xoghayaha Jaaliyada Mudane Naasir Maxamed Cali Shinbir oo isagu si Xoogan ugu  hawlanaa  sidii loo soo Xidhi lahaa Tv-gan soona Qaban Qaabiyey Xafladan Lagu Daawanayo Tvga oo waliba noqon Doona Xafiiskan mid ay ku kulmaan Dhamaan Dhalinta iyo wax Garadka Somaliland una Noqon Doonta Xafiis ay yeelato jaaliyadu kuna kulmaan iskuna waydarsadaan dhamaan waxii Dalkooda Quseeya mudane naasir aya waxa uu u mahad celiyey Dadkii Iyo odayashii ka soo Qayb Galay Xafladan ha ugu Horeeyo oday Cabdi xundub oo mar walba ku hawlan midnimada jaaliyada , Xafiiskan ayaa noqonaya mid wax tar wayn ka Qaban Doona jaaliyada iyada oo Halkaas uu Gudoomiyaha Jaaliyada u xil saaray gudi ka koban 15 xubnood oo ka shaqaysa wax qabadka jaaliyada .
Dhamaan dadkii ka soo qayb galay xafalda ayaa  Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ku hambalyeeyay  Tv-ga Qaranka ee hawada soo galay.

Haddaba ma aha dalka Qatar uun meesha TV-ga qaranka laga daawan karaa ama laga daalacan karaa ee waxa uu gaadhay oo laga daawan karaa badiba wadamada caalamka iyada oo todobaadkii dhawayd si fiican looga daawaday dalka Britain iyo meelo badan oo ka mid ah qaarada Yurub iyo wadamo badan oo caalamka ah, iyo dhamaan gobolada dalka oo dhan waxa aanu uu si toos ah u gaadhi doonaa dhamaan dalalka caalmka oo dhan, sida ay ku balan qaadeen maamulka TV-ga qaranku
 
 

Xigasho Somaliland nation