rayaale_iyo_leo.jpgMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu maanta shahaado sharaf gudoonsiiyay Mr Leo Kenny oo ahaa Isu-duwaha hay’adda la Dagaalanka Aafada  Cudurka Aids-ka UN/AIDS ee Somaliland iyo Soomaaliya.

rayaale_iyo_leo.jpg

Mr Leo Kenny oo Qaramada Midoobay u qaabilsanaa La Dagaalanka Cudurka Aafada AIDS-ka waxa uu ka shaqaynayay dalka Somaliland tan iyo sanadkii 2004-kii , waxana hadda loo wareejiyay xafiiska Hay’adda Aids-ka ee QM oo ku yaala Magaalada Geneva.

Madaxweynuhu , waxa uu u sheegay Mr Leo Kenny markii shahaadada gudoonsiinayay in ujeedada shahaadada u siiyay ay tahay waxqabadkii iyo fir fircoonaantii uu ka muujiyay hawshii uu ka qabtay Somaliland mudadii u dhaxaysay 2004 ilaa 2008.
img_3989.jpg

Kulankaasi shahaadada lagu gudoonsiiyay Mr Leo Kenny waxa kale oo goob joog ka ahaa Xoghayaha fulinta ee Guddida Somaliland u qaabilsan la Dagaalanka Aafada Aids-ka Md Maxamed Xuseen Cismaan  “Muadan” , Dr Maxamed

Rashiid oo ah wakiilka hay’adda UN AIDS ee Somaliland  iyo Dr Deeq Siciid oo isaguna ah madaxa HIV/Aids ee hay’adda WHO.

Allaa       Mahad                 Leh


Siciid Cadaani Mooge

Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland