Aad iyo aad ayaanu uga xunnahay in magaca beesha Maxamuud Celi ee ka tirsan beel weynta Bahabar Celi loo adeegsado dano gaar ah iyo loolan siyaasadeed oo dad gaar ah u qoofalan.
 
1. Annagoo tixraacayna kana jawaabayna baaqyo dhawaanahan lagu baahiyay saxaafada Somaliland oo ay ku baahiyeen qaar ka mid ah beesha Maxamuud Celi ayaa waxanu leenahay sidan hoos ku xusan:

2. Beesha Maxamuud Celi ma aha mid ku wada jirta qurfad kaliya iyo sambiil qufulan oo kolba loo laadlaadiyo meeshii la doono. Waxanu ka mid nahay Beel-weynta Bahabar celi oo an meel kula dhiman doonno, meelna kula dhalan doonno, meelna kula dhaadan doonno.

3. Waxanu u aragnaa inay beeshayadan ku tahay gef iyo meel kaga dhac in wakhtigan xaadirka ah loo adeegsado saxaafadda dalka oo laga dhigto halqabsi  iyadoo lagu jiro xaallado siyaasadeed oo qallafsan iyo xurgufyo ah xiniinyo taabasho.

4. Gaar ahaana wixii ka danbeeyay dabbaal deggii cunsuriyaysnaa ee qabiiliyaysanaa hadana xukummadaysnaa ee magaalada Boorama loogu soo dhaweeyay  C/Raxmaan Aw-Cali oo ku guul darraystay loolankii tartanka siyaasadeed ee xusbiga Kulmiye dhexdiisa. Haba yaraatee ma jirto meel reerkayagu kaga maarmi karo walaalahooda Habar Xuseen (B/Celi) ee ay wada dhasha iyo dhiiga isku midka ah yihiin. Namana qabato in maanta oo kale laga dhex tumo durbaano danaysan beeshayada.

5. Waanu ka xunnahay in la adeegsado magacda musheekhyo waaweyn iyo ehulu diin karaamo iyo sharafba ku dhex leh bulshada Awdal iyo Somaliland dhammaanteed, oo iyagoon raalli ka ahayn lagana war galin la soo qoro magacdooda baaqyadii u danbeeyay ee dad dano gaar ah wata oo  beeshayada ka mid ahi  u soo gudbiyeen saxaafadda.

6. Ma wada nihin UDUB mana wada nihin KULMIYE, mana wada nihin UCID, oo waxanu nahay bulsho weyn  oo yeelan karta mucaarad iyo muxaafidba. Waana baaq been ah in beesha Maxamuud celi lagu sheego inay wada yihiin UDUB.

7. Nama qabato iyadoo la adeegsanayo magacayaga in la dafiro lana xaqiro shirweyne sharafeedkii ka dhacay magaalada Burco isla mar ahaantaana la cambaareeyo masuuliyiintii sharafta lahaa ee lagu soo doortay shirkaas. Cid kasta oo dalkan u keenaysa isbadal siyaasadeed oo wax ku ool ahba waanu taageersannahay, waanan u hambalyaynaynaa Mudanayaashii sharafta lahaa ee lagu soo doortay dhawaan shirka Burco, sida Mudane Siiraanyo iyo  Mudane Saylici oo isagu ahba beeshayada.

8. Ugu danbayn waxanu ugu baaqaynaa xubnaha ka mid ah beeshayada Maxamuud Celi, ee imika ku baraarugay sida saxaafadda wax loogu qoro inay aad iyo aad u feejignaadaan kana digtoonaadaan wixii wax u dhimaya sumacada Habar Xuseen (B/Celi) iyo gaar ahaan middan Maxamuud Celi. Waxa kale oo an kula talinaynaa inaysan dhago la’aan ku dhex wareegin dhabaha siyaasadeed, oo ay wax dhegaystaan waxna maqlaan.
 
Waa Annaga oo kala ah:
 
(1).  Suldaan Muumin Suldaan Caateeye Suldaan Faahiye
(2).  Axmad Sheekh Cusmaan
(3).  Cabdiqani Suldaan Yuusuf Suldaan Caateeye
(4).  Xaaji Ibraahim Xaaji Cumar Axmed (Beerujiif)
(5).  Caydaruus Khayrre Suldaan Faahiye
(6).  Ilyaas Cabdilaahi Gaafanne
(7).  Cabdi Xuseen Suldaan Faahiye
(8).  Yuusuf Cumar Xoosh
(9).  Allaale Qayaad Axmed
(10). Maxamad Muuse Suldaan
(11). Muumin Cilmi Kaahin
(12). Cabaade Cige Faarax
(13).  Deheeye Cilmi Axmad
(14).  Daahir Qayrdoon Wacays
(15).  Mustafe Suldaan Muumin suldaan Caateeye
(16).  Suleymaan Siciid Axmed
 

Wa-Billaahi Tawfiiq.