Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin  iyo wefidigii uu hogaaminayay ee socdaalka ku marayay Dalalka Faransiiska iyo Jarmalka , ayaa maanta soo gaadhay  Caasimada dalka Jarmalka ee Berlin.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxa garoonka diyaaradaha  ee dalka Jarmalka ku soo dhaweeyay saraakiil sare oo ka socotay Wasaarada arrimaha Dibada iyo Xukuumada Jarmalka  iyo jaaliyada  reer Somaliland ee dalkaasi .

Madaxweynaha iyo Wefdigiisu waxa ay  maantaba guda galeen  kulamadii ay la yeelanayeen Xukuumada Jarmalka .

Wefdiga Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin  waxa ka mid ahaa Marwada Koowaad  Marwo Huda Barkhad Aadan , Wasiirka Maaliyada Mudane Xuseen Cali Ducaale iyo xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed Ciise.

 

Xusseen Cali Ducaale
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ahna
Af-hayeenka Weftiga Madaxweynaha JSL, Berlin, Germany