Boorama-(Lug)-Aqoon is waydaarsi si wayn looga soo qayb galay ayaa maanta ka furmay xarunta Mana Geust House ee magaalada Boorama, Aqoon iswaydaarsigan oo socon doona mudo 3 cisho ah
ayaa ka qayb qaadanaya 35 xibnood oo ka kala socda Ururada Bulshada, Ciidanka Booliska, Maxkamadaha, Gudida diiwaangalinta ee heer gobol iyo degmaba iyo sedexda xisbi qaran.
Aqooniswaydaarsigan oo ay fulinayso ururka wadaniga ah ee FOPAG (Form for Peace and Governor) isla markaana ay maalgaliyeen hayadaha Oxvom-Noveb iyo EU-du ayaa mudada uu socdo waxa lagu lafa guri doonaa culuun aad u balaadhan oo la xidhiidha sida loo abaabulayo qaybaha kala duwan ee bulshada isla markaana loogu diyaargaroobayo kawada qayb qaadashada diiwaangalinta qaranka ee fooda nagu soo haysa, waxana mudadaas aqoonsiwaydaarsigu socdo mudanayaasha ka qayb qaadanaya dhex mari doonta doodo iyo gorfayno aad u balaadhan oo ku wajahan arimaha diiwaangalinta.
Maayarka magaalada Boorama Cabdiraxmaan shide Bile oo aqoon iswaydaarsigan furay ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in laga wada qayb qaato diiwaangalinta isla markaana bulshada lagu baraarujiyo sidii looga wada qayb qaadan lahaa, Maayarku waxa kale oo uu xusay in ay tahay waajib dulsaaran xubnaha aqoon iswaydaarsigan ka qayb qaatay in ay gaadhsiiyaan bulshada inteeda kale fariinta aasaasiga ah ee loo dhiibay, isla markaana ay darsaan oo ay si xeeldheer u baadhaan uguna sheegaan bulshada kale ahmiya ay leedahay diiwangalintu.
Xubin ka tirsan ururkan FOPAG oo magaciisa la yidhaa Md. Cabdi Axmed Nuur ayaa isaguna xusay in uu aqooniswaydaarsigani yahay mid dalka oo dhan ay ururkoodu ka soo qabteen,isla markaana ay ka faa’iidaysteen qaybo badan oo bulshada ah. waxana uu tilmaamay in uu aqooniswaydaarsigani xambaarsan yahay fariimaha aasaasiga ah ee loo gudbinayo dadwaynaha ee dhinaca fahamka iyo faa’iidada diiwaangalinta soo socota. waxa kale o uu tilmaamay in uu aqooniswaydaarsigani ku wajahan yahay barashada ilaalinta xaqa muwaadinta iyo waajibaadka isaga laga rabo marka uu joogo goobta diiwaangalintu ka qabsoomayso oo uu tilmaamay in uu kula kulmi doono masuuliyiin ka socota wasaardaha Arimaha Gudaha iyo Garsoorka ee dalka.
Md. Cabdi Axmed waxa kale oo xusay in nidaamkani uu yahay mid ku dhisan talo wadaag ka soo bilaabma Qoyska-tuulada-Degmada ilaa la soo gaadho heer qaran waxana u xusay in uu yahay nidaam si wayn looga fiirsaday oo loo baahan yahay in uu qofwalba iskii siiyo xaqa uu leeyahay oo uu meesha ka saaro laba codaynta iyo xaqdarada waqtiga codbixinta dhacda.
Ururkan FOPAG oo uu fadhigiisu yahay magaalada Hargaysa ayaa waxa uu tabaro badan oo ku saabsan habka diiwaangalinta hore ugu soo qabtay NGO-yo badan oo ka socday 6gobolba, waxan agobolkan Awdal kala shaqaynayay ururada ARDO iyo LIBIN, waaana markii u horaysay ee tababar noocan oo kale ah lagu qabto Boorama.
Wariye:
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Aqoon-is-waydaarsi Lagaga Hadlayay Barashada Habka Diiwaangalintu U dhacayso Oo Boorama Lagu Qabtay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback