Hargeysa-(Lug)-Waxa maalinba maalinta ka sii damabaysa sii kordhay horamarka ay ku talaabsanayaa shirkadaha gaarka ah ee ka hirgalay sanooyinkii ugu dambeeyay dalkan Soomaliland gaar ahaan kuwa korantada iyo kuwa war isgaadhsiinta
Iyadoo taasi jirto ayay bulshada reer Hargaysa ay ka qabaan walwal iyo cabsi saayid ah oo ku aadan dhibta ay keeni karto dayaca ka muuqda xadhkaha laydhka ah.
Horamarka ay Somaliland ay gaadhay kuma kooban arimaha korantada iyo isgaadhsiinta hase ahaatee waxaa jira horumar ay ka gaadhay dhinacayada Waxbarshada , Dhaqaalaha, Amaanka iyo kala danbaynta taasoo ah wax Ilahay loogu mahad naqo waayo waxaan intaas midna haysan dalal badan oo koonka ku yaala, hadaba hadii aan u soo laabto mowduucayga oo ku saabsan horumarka la taaban karo ee S/land ka gaadhay dhinac isgaadhsiinta ayaa aad loola dhacaa markaad aragtid ,
Magaalo kasta iyo tuulo kasta oo S/land ku taalo oo ay ka hirgashay xidhiidhka isgaadhsiintu telfoonada iyo isticmaalka laydhka aad kula hadali kartid cidii aad u baahatidba u dirsan kartid goortii aad u baahatid hadaba maxaad u malaynsaa magaalooyinka waawayna mar hadii aad guri kasta iyo tuula kasta ka helaysid Telephone Land-Line ama mobile iyo nal ku shidan doonaba ha ahaadee.sida oraahda Soomaaliyeed ee tidhaadha “ Nimco Kastaa Nusqaanteeda Ayay Leedahay”
Horumarkaas aadka u balaadhan ee laga sameeyey dhinaca isticmaalka korontada iyo telfoonada ayaa ah mid halistiisan wadata marka aad u fiirsatid habka aadka u qalafsan ee xadhkaha kal haga telfoonada iyo korontada laysugu geeyey bir aad u liidata oo si fudud u dhici karta taaso leh waxyeeladeeda lana oran karo malaha dhibkeeda ayaaba ka badan waxtarkeeda oo hadii roob dabayl wataa soo da.o oo hadii birta oo dhulaka taala maba xadhiga korontada biyuhu taabtaan uu gaysan karo khasaare mood iyo noolba leh.
Sidoo kale gawaadhida xamuulka qaada ee waa wayni hadiiba ay jiidhaan inuu markaba dhici kara waa suurta gal oo hakaas dhib ku gaysan karo taasi maah wax uu qaadan karo qof kastoo muwaadin ah ama garasho furan lihi.
Khasaraha ugu ba’an waxa la dareemaa marka lugu jiro wakhtiga guga oo ay jiraan dabaylo iyo roobab xoogan oo jara qaar ka mid ah xadhka ah korantada halkaasana waxaa ka dhashay dhibaatooyin halis ah oo la taaban karo .
Hadaba waxaan talo ahaan ugu soo jeedin laha dhamaan shirkadaha bixiya laydhka iyo telfoonada in aanu ilowsiin macaashka ay doonayaan halista ka imana karta siday u taxeen oo qori ama bir yar isugu geeyeen ilaa in ka badan boqolaal xadhig taasoo aad qiyaasi kartid halisteedu heerka ay gaadhsiisan tahay loona baahan tahay inay fahmaan dhib kastoo ka soo baxdaa inay iyagu masuul ka yihiin.
Guntii iyo gebagebadii waxaan dowladeena ka codsan lahaa inay soo saarto hab ay raacaan shirkadaha bixiya laydhka iyo telefoonada si looga gaashaanto dhibka ka soo bixi karaa arintaasi ayna samayso xeer lagula xisaabtamo cidii fulin wayda awaamiirta ay soo saarto wasaarada ku shaqada lihi xeer iqaabeed ah in ay ka qaadi doonto cidii fulin wayda xeerkaas .
Dhinaca shirikadaha laydhka iyo telfoonada waxaa fiican in ay isticmaalaan khadka ay isticmaalaan shirkadaha qaarkood qaabkaas oo ah qaab wanaagsan dhinaca nidaamkana ku fiican waa khadka xadhka dhulka la hoos mariyo .
Wariye
Sucaad Ismaaciil Maxamed (Sucaad Sharaf)
Lughayanews-Hargeysa


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Halista Ay Keeni Karto Xadhkaha Korantada Ah Ee Dul Hoganaya Wadooyinka Caasimada Hargaysa… ??? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback