Burco-(Lug)-Waa Agoon yar oo ka Mid aha Kumanaan ku Agoomoobay Wixii loogu yeedhay Halgankii Dib-u-xoraynta Somaliland ee ay Hormuudka Ka Ahyaanee Ururkii SNM
 
Wajigiisa waxa Ka Muuqata Murugo Iyo Ciil uu Xiligana La Darisyahay, Dhankasta oo uu Jaleecaba waxa ay indhihisu Daymoonayaa Kumanaan Caruur dhigiisa ah oo ay Gacmaha Haystaan Abayaashoodii ka Badbaaday Hanfigii Siyaad Bare ee Halaajiyay Kumanaan Kun Aabayaal ah,
 
Abihii waxa uu ahaa Kuwii lagu dhaadan Jiray waxa uu ahaa Ragii Lagaga Sheekeyn Jiray Xiliyada Qaar Goobaha Shaaha lagu Cabo, waxa u ahaa Kuwo ay in Badan oo Saraakiishii SNM ku dhaadan Jireen
 
Hasa yeeshee Maanta waxa uu ka Mid yahay Qoysaska Danyarta ah ee Xiligan La Daalaadhacaaya Duruufaha adag ee ay Ku Sugan tahay Jamhuuriyadan Yar ee ay Sixir-bararka Iyo Musuq-maasuqu Daashaday.
 
Waxa aan Kula Kulmay mid ka Mid ah Suuqyada waaweyn ee Magaalooyinka Somaliland iyada oo Qofwaliba ku Mashquul sanyahay sidii uu Ubad Kiisa ugu iibin lahaa Maryo uu ku Iiido, hasa yeeshee waxa uu isagu xiligaa Niyada ka Raadinayaa Cid uun ka Bixisa shilimaadka Schoolka Iyo Balcadii uu waxa ku baran Lahaa,
 
Hasa yeeshee Rabitaankiisii waxa Suura galisay, ka dib markuu ka Aqbalay Mid ka Mid aha Eheladiisa oo uu u Bandhigay Baahidiisa, Farax dabadeed waxa aanu Sheekaysanay Wiilkan Agoonka ah ee uu aabihii ka Galaaftay Duufaankii SNM oo aan hada La Saadaalin Karin Faa’iidooyinka laga dhaxlay
 
” Runtii walaal Nolashayadu waa iska Adagtahay, Lakiin Abahayo waxa uu ifka kaga tahay Sadex wiil Sadexdayaduba waxa aanu ku Mitidnaa uun Schoolka” Ayuu Yidhi Mar uu Sawir ka Bixinaayay Nolasha Isaga Iyo Caruurtooda kale ee Agoonta ah,
 
Waxana uu intaasi ii Raaciayay” Fiida Schoolka waxa naga Bixisa Ededayo Marka Nalaga Soo eryo, Schoolkuna Bishu markay dhamaato way Na Eryaan Xataa Ayaamo nagama Sugaan, Maamulaha Scchoolkuna waxa uu ka Midyahay Ragii ay Aabahayo Saaxiibka ay ahaayeen ee SNM ta Iyo Waxa aanaan Garanayn Ku Wareerin Jiray” Ayuu Yidhi Agoonkani
 
Dhadhanka Erayadan Wiilkan ayaa laga dhex dareemayaa Guus uu xiligan Ka Joogo waxa ay Saraakiisha SNM Qaar ugu yeedhaan “Midhihii Halgankii SNM” Waxna uu isagu u Arkaa In uu Aabihii Khasaaray, Waayo? wiilkani Yari waxa uu Isweydiinayaa Waxa uu Abihii Ku Dhintay Iyo Waxa dhimashadiisu isaga (Wiilka) ay u tartay Iyo Sidoo kale Qiimayn la Aanta Ay ” Shihiidnimada” Ay Sheegaan ugu Fadhido Qoyskiisii Iyo Agoonta Sadexdan Wiil,
 
” Anigu ma Arko SNM Gabi ahaanteedba waxa ay faa’iido ah oo ay Wadankan Iyo Dadkan Ku Soo Kordhisay, Dabcan ma Arko waxa Faraq ah oo u dhexeeya Dawladii Siyaad Bare Iyo Tan Riyaale” Ayuu Yidhi Wiilkan oo Xiligan Ku Jira Fasalka Sadexaad ee Dugsiga Sare,
 
Waxana uu Intaasi ii Raaciyay” Dawladii Siyaad Bare ayaa Wadaniyada Uga Dhawayd, oo wax-barasho ahaan ka wacnayd kuwii faqashta ahaa uun baa Tana Wassiiro ka Ah” Ayii Yidhi
 
Dareenada Iyo Diifaha Nololeed ee ay Dariska La Yihiin Kumanaan Ku agoomoobay Duufaanadii SNM, ayaa la Qaba Dareenka Wiilkan Yar ee Agoonka ah oo u Muuqaday in uu Si dhab ah u Cabiray Qadiyadan.
 
Kumanaan Kun ku Agoomoobay, Sidoo kale ku Naafoobay Dhaq-dhaqaaqyadii Xukunka Lagaga Tuuray Dawladii Maxamed Siyaad Bare ayaa Xiligan la Daalaadhacaaya Duruufada Nololeed ee ay Ugu Weyn Yihiin Sixir-bararbka, Maamul,Xumad Iyo Sioo kale Musuq-maasuqa Ragaadsan ee Xiligan Daashaday Somaliland,
 
Taasi Badalkeedana waxa ay u Muuqataa In ay Si weyn u Dheegtaan Duxa Midhidhihii Halganka ee SNM , Kuwo ka Mid ahaa Garabkii Xiligaa Talista Laga Tuuraayay ee Xukuumadii Madxweyne Siyaad Barre,Iyaga oo Qaar ka Mid ahi ay Xiligan Xubno Fir-fircoon ka Yihin Xukuumada Madxweyne Riyaale Halka ay Kuwo kalena Si Dadban u Manaafacsadaan Guud ahaanba Khayraadka Somaliland Bad Iyo Bariba,
 
Hadaba waxa uu Khadka Qalinku Ugu Baaqayaa Saraakiishii ururkii SNM, Inay ay Jawaabo waxa ku ool ah ka Bixiyaan Iswediina ay Agoomihii SNM Xiligan ka ladi la.yihiin, Una Sheegaan Wax Niyadooda Qanci kara oo ku Aaadan , Waxa ay Aabayaashod Ku God-galeen,
 


Wariye:-
Foosi Saleban Aw-Bindhe
Lughayanews-Burco
Foosi36@hotmail.com