Allaybaday-(Lug)-Magaalada Allaybaday ayaa Todobaadan u danbeeyay ay ka muuqatay dhaqdhaaq Ganacsi oo xaga xoolaha ah oo ka duwan kii hore uga jiray iyada oo Saylada Xoolaha ee Allaybaday ay noqotay mid kusoo noqonaysa
sideedii hore kadib markii ayna wax ganacsi xoogani uuna ka jirin laga bilaabo ilaa sanadkii 1987kii dabayaaqadiisii wakhtigaasi oo ciidamadii taliskii Siyaad Bare iyo Xoogagii SNM ay ku dagaalami jireen Magaalada Allaybaday iyo agagaarkeeda.
Wakhtigaasi oo uu istaagay dhaqdhaaqii Saylada Allaybaday oo wixii intaasi ka horeeyay oo ahayd sideetamaadkii ahaan jirtay Saylad Istaraajiya oo ay xoolaha looga kala keeni jiray Bari iyo Galbeedba sida ay ii sheegeen Odayaal wakhtigaasi ka ahaan jiray Dilaaliin xaga xoolaha ah kuwaasi oo ii sheegay in Dibiga laga keeno degaanada Sheekh, kismaayo, Faafan iyo kalaga keeno Harawo iyo jinacsani intaba loo iibkeeni jiray Allaybaday.
Balse wixii intaasi kadanbeeyay ay noqotay Saylada Xoolaha ee Allaybaday mid Haawanaysa oo aanu ganacsi fiicani oo kii hore uga jiri jiray lamid ahi uuna kasocon ayaa mar qudha labadii Todobaad ee u danbeeyay lagadareemay dhaqdhaqaad diiran oo xaga adhiga damaanka ah iyada oo lo’dana Ogaysiisyo labixinaayo ah siddii loo keeni lahaa saylada,taasi oo mar aan saaka tagay saylada Allaybaday aan arkaayay adhi fara badan oo xayn xayn lookeenayo saylada.
Adhigaasi oo mar aan waydiiyay Dilaaliintii iibinaysay ay ii sheegeen in ay ku iibinayaa Qiimishii ugu sareeyay ee ay Adhi ku iibiyaan abid. qiimahaasi oo ay iigu sheegeen in uu u dhaxeeyo 330.000 s/l shilings ah ilaa 480.000 s/l shilings ah qiimayaashaasi oo u dhigma $52 ilaa $75.5 dollarka maraykanka ah, waxa kale waydiiyay dilaaliintii su’aal ahayd qiimaha intaa leeg maxaa ugu wacan in uu gaadho Neeffka adhi ahi? Waxa ay iigu jawaabeen laba arimood ayaa labadaba usobob u ah waa takoowaad eh wakhtigani waa xiligii ciidal fid ridu soo galaysay markaasi waligeedba Adhigu waa qaaliyoobi jiray inkastoo uuna qiimahan gaadhi jirin, talabaad waxa wakhtigii hore saylada wax ka iibsan jiray shaqsiyaad kooban kuwaasi oo dadka xoolaha baqsi jiray balse wakhtigan waxa ku jira Ganacsato badan islamarkaana ah kuwa siisanaaya xoolaha qiimahaasi fiican iyada oo uu isku eri ka jiro saylada taasina waa waxa keenay in ay xooluhu gaadhaan heerkan ayay igu yidhaahdeen.
Hadaba iyada oo lagu guda jiro todobaadkii u danbeeyay ee bisha barakaysan ee Ramadan ayaa aad arkaysaa kumanaan Adhiya oo laga daabulaayo Magaalada Allaybaday adhigaasi oo ay daabulayaan gawaadhida waawayn nooca looyaqaano waaraado laba raaro ah iyo shaambooyo iyana laba raara, waxa iyana su’aal waydiiyay ganacsatada xoolaha iibsanaysay su’aashaasi oo ahayd Malaga yaabaa in aad sii wadaan waxa ka iibsiga sayladan Allaybaday mise waxa uu wax iibkiinu ku koobnaan doonaa xiligan ciida? waxayna iigu jawaabeen waxa noo qorshaysan in aanu Sayladan wax ka iibsano balse waxa aanu ka walaacsanahay halka aanu daajin doono xoolahaasi, maadaama oo aanay xiligani jirin dhulkii qadawga xoolaha loo daaqgayn jiray siddii wakhtigii hore oo meel walba qof sheeganaayo ayay hadalkoodii kusoo afjareen.
Hadaba iyada oo markasta ay lagama maarmaan tahay in dhulkii qadowga la odhan jiray ee dadku wada lahaayeen oo imika ah Beero dad sheeganaayo in la gadbo, hadana su’aasha mudan in la iswaydiiyaa waxa ay tahay Maamulka Degmada Allaybaday ma dhaqan galin doonaa Wareegtadii ay Wasaarada Arimaha guduhu soo saartay ee ay ku gadbaysay dhulkaa qadawga sannadkii hore 2007 ?
Wariye:-
Ismail Abdi Muxumed (Hilqad)
Degmada Alllaybaday , Somaliland
Email: Hilqadm@Hotmail.Com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Sayladii Xoolaha Ee Allaybaday Oo Dib Loo Furay 21 Sano Ka Bacdi , Saylada Ugu Weyn Galbeedka Somaliland "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback