Qaabkani waa tilmaamay qaab tijaabo ah oo la yidhi halagu barbarto….” Sul. Dhawal
Umada waa la majara habaabinayaa waxana ka masuul ah komishanka…” Sul. Samatar
6 Bilood kahor ayaan ka dignay qaabka maanta… waanan qaadacaynaa…” Sul. Saleeban
Komishanku waxba ma maqlaan umadana….. ka masuula cawaaqibkeeda…” Sul. Baade
Boorama-(Lug)-Salaadiin waawayn oo ah salaadiinta gobolada Salal iyo Awdal isla markaana ay ka dhex muuqdeen Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, Sul. Ibraahim Jaamac Samatar, Sul. Saleebaan Cali iyo Sul. Xasan Xadi Baade ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay hotel Harawo ee magaalada Boorama.
Xubnahan salaadiinta muhiimka ah ayaa waxa ay si kulul u cabaareeyeen qaabka loo wado wacyigalinta diiwaangalinta socota, waxana ay ku tilmaameen mid aanan laga gaadhayn ujeedadii loogu talo galay oo hadii ay sedan waxa u socdaan majaro habaaabis ku ah hanaanka la rabo in uu dalka ka hirgalo ee doorashooyinka.
Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo isagu ka hadlay shirkan ayaa yidhi “ waxa aan aragnaa baryahan dhalinyaro iyo haween saran gawaadhi aan badnayn oo kolba suuqa wayn dhinac u dhaafaya kuwaas oo la leeyahay wacyigalin ayay wadaan, waxaan salaadiin ahaan leenahay war hooy yaan la xagal-daacin ujeedada wacyigalinta diiwaan galinta, waxa uu suldaanku isaga oo hadalka sii wata yidhi, “ waxa aan fariin u diraynaa maantaa gudida doorashooyinka waxaanan leenahay hadii aydana sedan wax ka bedelin wax hirgalaya ma jiraan waxanan idin xusuusinaynaa in suldaan walba uu yaqaano dadkiisa iyo sida wax loo gaadhsiin karo”. Sul. Dhawal intan oo kaliya kama hadal balse qaabkan loo wado wacyigalinta diiwaangalinta ayaa waxa uu ku tilmaamay qaab tijaabo ah oo la yidhi halagu barbarto.
Sul. Ibraahim Jamac Samatar oo isaguna ka hadlay shirkaasi ayaa komishanka qaranka ku eedeeyay sida ay wax u wadaan waxana uu yidhi “waxa laga talaabsaday waxabadan oo aan isku ogayn, waxana uu yidhi “dadka waa la majarahabaabinayaa, wadatashilalama samayn salaadiinta iyo cidii kale ee dadka aqoonta u lahayd, waxana laga soo qaaday wacyigalintii uuujeedadeedu ahaa in dadka oo dhan la gaadhsiiyo si ay isku diiwaan galiyaan mid ku kooban oo kaliya wadooyinka waawayn iyo inta muuqata oo kaliya”waxana uu Sul. Ibraahim ka digay cawaacib xumada ka dhalan karta hadii ay kumishanku ka soo jawaabiwaayaan fariimahoogan, waxana uu dalbaday in dadka laga daayo jahwareerka.
Sul. Saleebaan Cali oo isaguna ka hadlay shirkan jaraa’id ayaa tilmaamay in ay salaadiintu ahayd indheergarad oo ay wax badan ka digeen sida ay maanta waxa u dhacayaan waxana uu yidhi “ waxa aan ka hadalnay wax badan in aanan umada lakhiyaamin oon la odhan dhawr iyo labaatan cisho isku gaadhsiiya diiwaangalinta 5 cishana isku diiwaangaliya, waxana ay anaga markii horaba noola muuqatay Dhalaanhababis waanse aragnaa maanta, waxaanan ka yaabanahay kuwan komishanka layidhi miyaanay dhaguhu u daloolin oo aanay fahmayn waxa aan leenahay mise turjubaan ayaan u soo kaxaysanaa” Sul. Saleebaan waxa uu intaasi daba dhigay 6 bilood kahor ayaan ka dignay waxanan nidhi waan qaadacaynaa maantana ka fursan mayso qaadacaad kale hadii sedan wax laga badali waayo.
Suldaan Xasan Xadi Baade oo isaguna ka hadlay shirkan ayaa tilmaamay in ay komishanku ku guuldaraysteen in ay dhagaystaan hadalada salaadiinta iyo wax garadka kale taasina ay tahay tan maanta sababtay in ujeedadii wacyigalintu ay majarihii loogu talo galay ka halawdo, waxana uu ka digaynaa waxwalba oo ka dhasha in ay masuuliyadeeda qaadidoonaan komishanka qaranka oo uu yidhi waxa ay yihiin niman aanay dhaguhu u daloolin rabina in waxa la isla meeldhigay sidiisa loom eel mariyo.
Wariye:
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews- Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " salaadiin ka soo jeeda galbeedka S.Land oo ku Gacan Saydhay Sida Loo Wado Ololaha Diiwaangalinta Doorashooyinka "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback