Waxa uu muhaajirku yahay mid la isku laayo sidii loo bililiqaysan lahaa… waxa loo samaystay xeryo iyo sisilado culus oo lagu xidho… waa waayo la mid ah kuwii Ganacsigii Adoonta ee Africa”

cadbiqaadir-cismaan2.jpgTacab, rafaad, silic, iyo socod dheer kadib waxa ay  muhaajiriinta inta soo hadhay ee ka soo badbaaday dhimashadii badnayd biyo la’aatii kufsigii foosha xumaa iyo budhcadii soo gaadhaan magaalada la yidhaa Kufra oo ku taala xududa u dhaxaysa Liibiya iyo Sudan kana tirsan Liibiya, halkan ama magaaladan muhaajiriintu way ku farxaan sababta oo ah waxa ay soo dhameeyeen intii badnayd ee safarkii dhmaashada ahaa balse xaalku sida la moodayo ma noqdo, goobtan waxa muhaajiriinta kul awareega rag Liibiyaan ah   oo samaystay xeryo ay ku oodaan muhaajiriinta, waxa aad xeryahan inta aad ku sugan tahay xusuusanaysaa sheekooyinii ganacsigii Adoonka ee buugta taariikhda ah lagu digan jiray, mase aha xusuus oo kaliya ee waa ganacsi Adooneed oo casri ah ninkii aanan kaas hore soo gaadhina kani ugu filan xusuus iyo gacasho. Ragan Liibiyaanka ah ee xeryaha samaystay waxa ay muhaajiriinta waydiiyaan lacag badan oo loogu magac daray tii la idinku gaynayay Caasimada Tiriiboli, muhaajiriinta oo aanan jeebka waxba ku hayn ayaa la soo hadla reerahooda kana dalbada lacagtaas, marka ay lacagtaas bixiyaana waxa ay sii maraan wado dheer oo qarsoodi ah oo aada Caasimada Liibiya waxana ay mutaystaan rafaadkale oo hor leh oo aad u xanuun kulul.

Inta badan muhaajiriintu markay ka soo amba baxayaan Magaalada Kufra waxa ka soo qaada gawaadhida loo yaqaan Cabdi Bilaha, kaasi oo la saaro tan dad ah oo ka badan kii loogu talo galay, waxa la sii socdaa  mudo 26 cisho ah waxana la sii maraa saxaro aanan dhamaanayn oo aad u dhib badan. mudadan cuntadu way hadhaa soon bilaa ajar ah ayayna muhaajiriintu soontaa biyuhuna waa gabaabsi oo waa wax dhuunta lagu qooyo oo kaliya.

Beeni ma dhamato hadii ay dad sheegaana waxa ugu been badan dunidan Raga Liibiyaanka ah waxa muhaajiriintii lacagta laga guray ee Tripoli lagu waday lagu daadiyaa magaalo kale oo la yidhaa  Ijaabi. Waligay ma arag budhcad magaalo dagan ama magaalo dhan oo wada budhcad ah,

waxaan ula jeedaa dadka ku dhaqan magaalada Ijaabi gabi ahaantoodba waa budhcad heshiisay rag iyo dumarba, muhaajiriinta marka la arko waa loo soo kala badiyaa qof walbana inta uu qabsado ayuu baad ama macaash ku leeyahay tani waxa ay sababtaa in la kal jiito muhaajir kasta oo ay ku diriraan dhiigna isaga dadiyaan qawlaysato reer Ijaabi ah oo rabta in ay muhaajir walba iskii uga macaashaan, waa bililiqo la mid ah tii 90meeyadii dalka ka dhacday oo aadame nool loo gaysanayo, waa dareen xanuun kulul oon la wada cabiri Karin, mararka qaar muhaajiriintu waxa ay goobtan ku waydaa gacmaha ama lugaha oo la gooyo iyada oo la kala jiidanayo oo sida qofkii gacan qabsada loo goynayo oo kale sida dhirta oo  kale.  Saacadaas waxa ka dambeeya muhaajiriinta waa lala kala tagaa waxa la geeyaa guryo ay ku xidhan yihiin silsilado calculus oo loogu talo galay in aan laga baxsan, waxa muhaajirka lagu sameeyaa jidhdil aad u daran, waxa lagu qasbaa in uu qoyskoodii la soo hadlo oo ay keenaan lacag madaxfurasho ah, qofka lacagtaas bixiya waxa loo soo qaadaa Magalada Labaad ee ugu wayn Liibiya ee la yidhaa Biqaasi muhaajirka ay lacagtu ka raagtana waa la sii hayaa ilaa lacagtu ay ka imanayso. Inta aanay lacagtu soo gaadhin muhaajiriintu waxa habeen iyo maalin magaalada ka baxaya sida eedaanka salaada oo kale qaylo iyo cabaad ka soo yeedhaya muhaajir la ciqaabayo, ma joogsato qayladaasi, ma aamusaan muhaajiriintu waayo waxa saran ciqaab ka xanuun kulul, waxana aad maqlaysaa ereyo  Af Soomaali ah oo ay leeyihiin Idaa… Idaa… Alle Ka baq… iga tag iyo kuwo kale waxaanad is waydiinaysaa yaa fahmaaya, waase nayaayirka muhaajirka ay dhibtu ka cuslaatay.

Reer Ijaabi marka aad lacagta bixiso inta badan si toos ah kuuma keenayaan magaalada Biqaasi waxana ay muhaajiriinta dhigaan meel u jirata magalada 15km waxana halkaas laga soo raacaa tagaasi yaryar, waxa dhacda in uu tagsiiluhu dib kuu qafaasho oo uu ku geeyo gurigiisa isaga oo mar kale kaa qaadaya madax furasho kale oo lacag ah inta badan waxa ay tani sababtaa in ay muhaajiriintu lacag kale dalbadaan ama ayba soo lugeeyaan 15km oo ah saxare kale oo aanay garanayn, qaarkood way ambadan oo waxa ay u gacan galaan reer badiye kale oo arxan daran, qaarkood dhexda ayay ku hadhaan oo waxa ay waayaan tabar ay ku soo gaadhaan Baqaasi qaarkoodna waxa ay magaaladan yimaadaan iyaga oo ay ka muuqato ishii u dambaysay ee bini aadanimo.
 
Marka la soo gaadho Biqaasi muhaajiriintu way kala hadhaa waxan ay sabatu tahay in lagu kal baaho baabuurta sharciga ah ee u baxaysa Tripoli, waxa la goostaa tigidh waxana la soo raacaa basas dhadheer oo ka kala dhex shaqeeya laba magaalo oo isku jira in ka badan 1000km, waxa intaas sii dheer oo ku yaala wadadaas in kabadan 25 kaantarool oo uu mid waliba kaa sugayo laaluush si aad u dhaafto, laaluushkuna waa sifaha sharciga ah ee uu muhaajirku ku gaadhi karo caasimada Tripoli, waxana ay muhaajiriinta aanan lacagtaas bixin ku dhacaan jeelal aanay jirin cid ka warhaysa.

Marka la soo gaadho Triboli iyada laf ahaanteedu waa meel hawsheeda mudan waxa aan ku soo koobayaa waxa uu muhajirku yahay mid dhuumasho ku jira oo iska ilaaalinaya in la qabto, waxa la kiraystaa guryo aanan sidaas u sii waawaynayn oo iyaguba cidhiidhi ah, waxa la bixiyaa lacag aad u tiro badan oo loo isticmaalo sidii loo noolaan lahaa, muhaajir walba gudaha Liibiya waxaa lagu naanaysaa Cabiid, waana magac aanan waligeed ka hadhi doonin aniga iyo saaxiibaday. Waxa jeelasha Liibiya dhankooda ka furmay ganacsi kale oo waxaad arkaysaa maxaabiis muhajiriin ah oo xidhan inta u dhaxaysa 8 bilood ilaa 2 sano waa kolba sida ay lacagtu kuugu timaad.

Si kastaba ha ahaa  tee muhaajiriintu waxa ay ugu farxad badan tahay marka ay bada galayaan oo ay aaminaan in ay saacado tirsani ka hadheen ama wadkii ama noloshii yurub ee ay u soo halgameen, akhristoow soo ducee waxa an qorshaysaty in aan maalmaha fooda nagu soo haysa Bada galo si aan uga talaabo Africa una gaadho dhinca kale ee Yurub, waxa aan qorshaystay in aan markale ka cararo magacan Cabiid ee marwalba dhagahayga iyo kan saaxiibaday ku soo dhacaya, waxa aan ku talo galay in aan nolol u raadsado Meesha ay ugu sokayso Lamadusa oo Italy ah, waxa aan rabaa in aan soo afjaro halgan dheer oo aan soo maray, waxa aan rabaa in ay sheekadaydan ku waano qaataan saaxiibo badan oo u haysta in ay fududahay sida loo gaadho Liibiya. Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun.

Ilaahay ha u naxariisto saaxiibadii reer Boorama ee safarkaasi dheer ku naf waayay eebana janadii ha ka waraabiyo samir iyo iimaana ha ka siiyo qoysaskoodii.

Dhamaad

Mahadnaq: waxaan u mahadnaqayaa bahdada Lughayanews Gaarahaan Wariye Cabdale Cali Yuusuf oo fursadan isiiyay,

wixii talo ah iigu soo hagaajiya emailka ah
qaadiro_83@hotmail.com.
Wabilaahitawfiiq
Waayihii uu u soo joogay cabdiqaadir Sheekh Cismaan

Waxa tifaqtiray Wariye:
Cabdale Cali Yuusuf